SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - XODAY

Asadoow! Ciidammo Itoobiyaan ah yeelimaynee Fahad iskadaa!

 

Waxaan akhriyey maqaal uu qoray nin magaciisa ku sheegay Asad Caddaani oo uu cinwaan uga dhigay “Muusannowga Fahad iyo Ciidammada Itoobiya” kuna raddinayey qoraal uu horay u faafiyey Fahad Yasiin oo uu kaga hadlayey “In ciidammo shisheeye Soomaaliya la keeno iyo sida ay ururada islaamku u arkaan”

Run ahaantii Asad wuxuu taageero buuxda iyo weliba difaac hagar la’aan ah siiyey in dalka Amxaaro la keeno, isla markaana la aamino inay midnimada soomaaliya ka shaqaynayaan. Waxaa hadalladiisa ka mid ahaa in ay mugdiga inaga saarayaan. Wuxuu weerar ku qaaday “ururada  islaamka” oo uu ku eedeeyey inay yihiin kuwo siyaasad ahaan fashilmay, waxqabadkooduna ku egyahay la dagaalanka Shirkiga!. Waa sida uu hadalka u yidhiye.

 

Haddaba anigoo soo koobaya ayaan waxaan doonayaa inaan Asad uga jawaabo meelaha uu gacan togaaleeyey. Waxaan kaloo doonayaa in aan dareensiiyo arrin uu ka boodayo oo ah: maxay soomaalidu u diidanyihiin Itoobiyaanka?

 

Asad wuxuu ku eedeeyey Fahad inuu ka hadlay Reer Muqdisho oo kaliya iyo sida ay uga soo hor jeedaan ciidammada Amxaarada ! wuxuuna ka dalbaday in aanu u daymo la’aanin gobollada kale sida Puntland iyo waxa laga aaminsanyahay.

 

Haddaba waa adiga leh Reer muqdisho soomaali ma matalaan, haddii ay tahay in ciidammo shisheeye la keenana waa in reer Puntland la waydiiyee, horta waxaan ku waydiinayaa ma Muqdishaa ciidammada shisheeye loo dalbanayaa mise Garoowe?

 

Ciidammada shisheeye
 

Teeda kale, haddaad ciidamada shisheeye ee aad u gacan haadinaysid mooddey inay nabad, xasillooni, dhereg iyo horumar keenayaan; waxaan leeyahay taasi waa dhalanteed, waxaana caddayn u ah natiijadii ay la kulmeen iyo wixii ay keeneen ciidammadii UNSOM ee adduunyada oo dhan ka socdey qorshohooduna uu ahaa in ay fuliyaan hawsha aad hadda adiga iyo raga kula aragtida ahi ugu yeedhaysaan Itoobiyaanka.

 

Waxaa siyaasad-xumo ah in magaaladii koox kooxaha muqdisho ka tirsani ay kaligeed ka baacsatay Aduunka oo Ameerikaan hogaaminayo in maanta Amxaaro loo dalbado! Iyagoo weliba hal meel ah looga soo wada jeedo.

Waxaa iyana diraasayn iyo wax ka-qaadasho mudan ciidammada la yidhi nabadda ayay ilaalinayaan ee jooga Ciraq iyo Afghanistan. Waxaa la yidhaahdaa ninka ayaanka lihi waa kan qeyrkiis wax ku qaata oo dhacdooyinka duruus ka qaata, ee ma ahan kan isaga lagu cibro qaato. Bal ii sheeg waxa ay keeneen oo aan ahayn ceebihii Abuqureyb iyo rag la fuulo?.

 

Waxaa iyaduna tusaale dhow ah mushkiladda hadda taagan ee ay abuurtay joogista ciidammada Suuriya ee ku sugan ciidda Lubnaan. Labada dal waa laba dal oo la oran karo “waxay wadaagaan wax walba” ama “waa saaxiib” haddana khalalka iyo ammaan darrada ay ka abuuraty Lubnaan sow ma aragtid? Waliba waxaad taas ku darsataa iyadoo ciidammada Suuriya aanay wax hawl-gal ah ka wadin gudaha Lubnaan ee arrintu ay tahay joogitaankooda oo kaliya. Sow ma ogid in xidhiidhka Lubnaan-suuriya aan marnaba la barbar dhigi karin kan Somaaliya-Itoobiya?.

 

Wuxuu Asad is waydiiyey su’aal odhanaysa: “hadii la yidhi ciidamo isku dhafan oo shisheeye hala keeno ilayn innagu is maqli weynaye maxaa ku jaban?”

Waxaan odhanlahaa Asadoow arrintu sida aad u sahlaysid uma sahlana, waxayna ku qotontaa “National Security” ama Amniga Qaran ee dalkeenna.

Haddii aanse isla daaqadda aad ka fiirisay anna ka istaago waxaan kugusoo celinayaa su’aal oo waxaan leeyahay: “oo annagu sow dalkayaga iskama lihin? Miyaanaan diidi karin ciddii aanaan raalli ka ahayn, inay dalkayaga ciidammo keenaan?” Teeda kale, haddii arrinta ciidammada shisheeye daacad laga yahay oo aanay khiyaano ku jirin; maxaa Amxaarada naloogu khasbayaa? Sow maanaan diidin? Haddii dantayada la wado, maa ciidammo kale oo aan iyaga ahayn naloo soo diro? Waxaan u malaynayaa markaas buuquba wuu yaraan lahaa, illayn nabadda waa loo oomanyahaye!

 

Waxaan leeyahay Soomaalidu waxay xaq u leeyihiin in ay dalkooda u diidaan ciddii ay u arkaan in aanay dantooda ka shaqaynayn. Waana nooc ka mid ah “amniga qaran ee ay tahay inaynu difaacanno” iyo “sharafta ummadeed”.

 

Reer Xamar waad istaahishaan in Amxaaro la idiin dalbado!

 

Markii runta loo hadlayo soomaaliyi waxay waayadan u xannibnayd Reer Muqdisho, kuwii oo aan xagga iyo xagga toona u soconin. Waxaa hubaal ah in haddii iyadoo gobolada kale aanay xasilloonayn ay muqdisho xasili lahayd in dalka oo idili uu xasili lahaa. Maantase arrintu waa rogantahay, oo gobolladii kale oo dhan way ka xasillooni badanyihiin muqdisho, qaarkoodna waxaaba ka dhisan nidaam iyo kala danbayn. Waxaan reer muqdisho kula talinayaa in ay ogaadaan in haddii aanay sidan wax ka beddelin ay xaaladdu noqonayso mid ka mid ah arrimahan soo socda:-

o       In gacan shisheeye wax looga qabto. Taasina uma eka mid suurtoobaysa haddaan iyaga [reer Muqdisho] xal laga helin.

o       In soomaalinimadii ay halkaas inoogu ekaato, midnimadii dalka oo awalba baalashii laga rifayna, ay kala daadato. Haddii ay tani dhacdana waxaad ogaataan saddex khataroodba inaad gasheen. 1-Waa midda koowaade dheg-xumo idiin soo hoyata iyadoo jiilasha danbe ku sheekaysan doonaan Xamar waa magaaladii dalka cuntay! 2-Tan labaad oo aad ka dhaxlaysaan baa ah in Xamar ay weydo xamarnimadeedii iyo caasimadnimadeedii haddaanay jiritaankeedaba waayin. 3-Dhaxalka saddexaad ee aad ka helaysaan ayaa noqonaya in Amxaaradii aad ka baqayseen ay Jowhar iyo Balcad idiin soo fariistaan, halkaasna farta idiinku yeeraan.

 

Ururada Islaamiga ah

 

Waxyaabaha kale ee Asad isaga ka khaldan waxaa ka mid ah: kaalinta ay kooxaha islaamiga ahi ku leeyihiin nolosha soomaalida, gaar ahaan wixii ka danbeeyey qaran-jabkii soomaalida. Waxaa layaab ah in urur ama koox lagu ceebeeyo inay la dagaalamaan shirkiyaadka iyo gaalnimada, sida uu sameeyey Asad, isagoo is weydiiyey su’aal aan u kala garan waayey inkiraad iyo garasho la’aan, wuxuuna hadal dheer ka bacdi yidhi: “miyaanay ahayn kuwo Fashilaad Siyaasadeed uu kaga habsaday Geeska afrika, oo ilaa iyo xilligan aan joogno aan lahayn wax Faa’iido ah oo aan ka ahayn in ay shirkiyaadka la dagaalamaan

 

Run ahaantii, qof walba iyo urur walba oo soomaali ahi wuu eedaysanyahay, qaddar masuuliyad ahna wuu ku leeyahay xaaladda dalku marayo, inkastoo eeddaas loo kala dhabar weynyahay. Ururada islaamku waxay ka mid ahaayeen bulshadaas soomaaliyeed, khaladaad iyo gaabisnimana kama madhna, laakiin waxay ahaayeen kuwa ugu wax-qabadka badnaa gobollada ay ka jiraan oo dhan.

Haddaan taas ka gudbo waxaan leeyahay:

 

o       Marka koowaad, waxaan leeyahay haddii ururada islaamka ee soomaaliya ay la dirireen Shirkiyaadka way ku mahadsanyihiin. Sow shirkigu ma ahan cudurka ugu weyn ee ay tahay in bulshada lagala dagaalamo?

o       Waa marka labaade, fashilaadda aad sheegtay oo ay soomaali inteeda kale kaga duwanyihiin maxay tahay? Haddaan si kale u dhigo: ii sheeg urur aan islaami ahayn oo ku guulaystey siyaasadda soomaaliya? Haddiise soomaali ay fasahaaddey oo xalkeedii adkaaday; ma xal sixir ah baa laga sugayey ururada islaamiga ah? Mase haysaa cid kale oo xal keentay?


Waa gabdho Soomaaliyeed oo dhigta dugsiga Al-Emamal-Nawawi ee magaalada Qardho ee Woqooyi Bari ee Soomaaliya.
Sawirkan waxaa qaaday AP, Feb. 2, 2005

o       Midda saddexaad, walaal indhahaagu ma qaban waayeen guulaha waaweyn ee ay ururada islaamku ka soo hoyiyeen dhinacyada: Dacwada, wax-barashada, caafimaadka, dhaqaalaha iyo wacyi gelinta bulshada? Miyaadan arkin tobannaan kun oo carruur ah oo iskuulada Nawawi, Shaafici, Alwaaxah iyo kuwo kale usii dareeraya, oo ay dadaalkooda shakhsiga ah ku hirgeliyeen, Alle ka bacdi. Waxaan odhan lahaa mar kale dib u akhri waxa hareerahaaga yaalla iyo waaqica kugu xeeran.

 

o       Waa midda ugu danbaysee, haddii uu hirgeliwaayey barnaamijkii siyaasadeed ee soomaalida daacadda ahi soo jeediyeen, oo ay ka mid yihiin wadaadadu, waxaan leeyahay waxa bushiyey ama hor istaagayi waa gacna-gacnaynta shisheeye ee ay hurmuudka ka ahayd Itoobiyada aad hadda gacanta u lulaysidi.

 

 

Muhimadda siyaasadeed ee ururada aad sheegtayi ma ahan sida aad adigu u fahantay. Islaamnimada iyo isqarxintuna ma ahan laba walaala ah. Kooxaha “islaamiga” ahina kaama mudnayn inaad qarax iyo maqiiqnaan la xidhiidhisid. Markii aan hadalkaagan akhriyey waxaa isla markiiba iisoo baxay aragtida ama “impression-ka” ay reer galbeedku ka qaataan markay maqlaan “islaam” ama “jihaad” ama “Islamic State”.

 Waxaad mooddaa in walaalkay uu xalka islaamiga ah u fahmay si khaldan.

 

Gunaanad

 

Waxaan kusoo gunaanadayaa, ciidammo shisheeye waxay shaqayn karaan kaliya haddii shacabka soomaaliyeed la shaqeeyo, soo dhaweeyo, isku waafaqsanyahay islamarkaana aanu ku tuhunsanayn inay hoosta kala shaqaynayaan kooxo gaar ah. Shuruuddaas oo dhan laga heli maayo Ciidammada Amxaarada.

Cabdisamad Xoday
Email: Hoday30@hotmail.com
LINK: www.Somalitalk.com/xoday

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

»Dhex-dhexaadin  Fahad Iyo Asad... | C/Shakuur

»Muusa-nnowga Fahad Iyo Ciidamada Itoobiya | Asad

URURADA ISLAAMIGA AH IYO CIIDAMADA SHISHEEYE | fahad

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 24, 2005

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD