SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Dhex-dhexaadin  Fahad Iyo Asad , iyo Arragtidooda Ciidamada Shisheeye.

C/Shakuur Cali Mire
Shakuur111@hotmail.com


Waxaa caaway si gaar ah  ii soo jiitay kadib markii aan arkay labo qormo oo ay kala qoreen Fahad Yaasin Xaaji  Daahir iyo Asad Cadaani Ibraahim   inkastoo ay isku mowduuc labada saaxiib ka hadlayeen haddana arragti ahaan waxaa ay ahaayeen labo arragtiyood oo aad u kala fog marka la eego mid walba sida uu  u cabirayey arragtidiisa gaarka ah,  haddaba waxaan halkaan si kooban ugu soo bandhigayaa arragti aan is leeyahay waa lagu dhex dhexaadin karaa labada arragtiyood ee ay kala qabaan saaxiibaday Fahad iyo Asad, inkastoo qoraalada Fahad joogto yihiin haddana waxaa i dhiiri galiyey Saaxiibkay Asad oo asagu jawaab ka bixiyey qormo ka mid ah qormooyinkii Fahad, balse   annigu si guud ayaan uga hadlayo qodobka Ciidamada Shisheeye waxaana dhici karta arragtidaydaan inay jiraan dad kale oo illa qaba..

Maahan labadaan fikradood  ee ay kala qabaan Fahad iyo Asad oo ah rag si weyn saaxiibo u ah mid ku kooban Fahad iyo Asad oo kaliya,  laakiin waa fikrad maalmihii aan soo dhaafnay aheyd arrintii loogu hadal heynta  badnaa  mujtamaca Soomaalida dhexdiisa iyo saxaafadda Soomaalida intaba,  qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa  siweyn uga hadlay, waa arrin irdho kala galisay xubnihii kuwada jiray xukuumada KMG ah, waa arrin keentay inuu cirka  isku shareero hubkii yaalay suuqyada magaalada Muqdisho, waa arrin su`aalo badan dhalisay, waa arrin saameyn weyn ku leh mustaqbal dadka Soomaaliyeed, waa arrin si taxadar leh ay ula socdaan dhamaan dowladaha daneeya arrimaha Soomaaliya,  waa arrin hay`addo caalami ahi ka hadleen sida hay`adda  International Crisis Group (ICG) waana arrin laga hadli doono illaa ay ka dhamaanayso, waa arrinta keentay in Fahad iyo Asad oo ah niman saaxiibo ah ay qoraalo  iskugu jawaabaan, inkastoo aan ku faraxsanahay inuu qoraal hufan uu Asad kaga jawaabay qoraalkii  Fahad.

Muusa-nnowga Fahad Iyo Ciidamada Itoobiya.
Sida aynu ognahay Soomaaliya waxay dawlad La’aan Ahayd Muddo dhan Shan iyo Toban Sanno  oo xidhiidh ah, waxayna mugdiga ku soo kacaa ku faysay muddo iyana ku siman toban sanno bur burka ka hor, waxaana intaas oo dhan jiray marxalado kala duwan oo ay soo mareen bulshada Soomaaliyeed,. Guji... Asad

Sababahaas iyo kuwo badan oo aanan  xusin waxaa ay muujinayaan arrintaani inay tahay arrin mudan in wax badan la iska  yiraahdo,  qoraayaasha Soomaaliyeedna ay arragtidooda ka dhiibtaan si loo helo fakir loo midaysan yahay oo ku wajahan arragtida Ciidamada Shisheeye iyo kaalinta ay maantay ka ciyaari karaan  dib usoo celinta sharciga iyo kala dembeynta dalka oo ah arrinta ay maantay shacabka Soomaaliyeed baahida weyn u qabaan iyo sidii loo aruurin lahaa hubkaan aafeeyey ummadda Soomaaliyeed ee ubaahan dowladd mar uun ku celisa  gacantii markii hore lag saaray oo ah gacanta qaranka Soomaaliyeed.

Haddaba si loo gaaro ujeeddada ah in la helo labada qodob ee aan ubaahanahay ee kala ah soo celinta sharcigii iyo kala dembeyntii iyo qaadista hubka sharci darrada ah ee ku jira gacanta dambiilayasha ayagu  ku halaagay shacabka Soomaaliyeed  waxaa mudan in la iswaydiiyo sidee ayaa lagu gaari karaa hirgalinta labadaas qodob  oo ah labo qodob oo inta badan dadka Soomaaliyeed isku waafaqsan yihiin in loo baahan yahay,   ayadoo maanka lagu hayo awooda ay dowladda KMG ah u yeelan karto hawshaas haddii faraha looga qaado kaligeed inay xal ka gaarto.

Qofna kama qarsoona in dhamaan isku dayadii hore ee lagu doonayey in lagu dhiso dowladdo KMG ah ay fashilmeen  wixii fashiliyey waxaa  ugu weynaa  dalka oo ay ka jirtay fowdo guud oo saameysay meel kasta iyo hubka oo si weyn ugu baahsanaa gacanta shacab wey-naha taasoo kaliftay in bulshadii noqoto bulsho wada siman qofkastana uu asagu sharciga sameysto, waxaana tusaale noogu filan  wadadii ay mareen dowladdihii  Cali Mahdi Maxamed, C/qaasim Salada Xasan IWM oo ayagu burburay ayagoon gaarin ujeedadii loo dhisay kadib markii ay u calwaayeen xal u hellidda qodobada aan sheegayno, sidaas darteed si looga badbaado fashil kale oo ku yimaada dowladdaan hadda la unkay ee loo fadhiyey muddada labada sano ah waxaa lagama maarmaan noqonaysa in la helo wado ka badalan wadadii hore ee lagu fashilmay oo uu ugu dambeeyey C/qaasin Salaad Xasan oo ay si weyn dadweynaha Soomaaliyeed u soo dhaweeyeen balse ay kooxo  hubeysani ku qasbeen inuu dhaafi waayo xaafadda KM-4.

Aniga oo cabiraya arragtiday  shaqsiga ah iskuna tiranaya inaan ahay qof si fiican ula socdey shirkii Kenya iyo dowladda  lagu dhisayba maadama aan ahaa wareye si joogto ah uga soo waramayey shirka lagasoo bilaabo 15/10/2002 illaa iyo 25/12/2004  aqoon fiicana u yeeshay hogaamiyeyaasha ayagu horbooda siyaasadda Soomaaliya  ee wasiirada ka noqday dowladda KMG ah, anniga oo dareensan in ay hogaamiyeyaashaasi yihiin kuwo si deg deg ah isku badali kara markii ay waayaan danahooda gaarka ah mudo yar gudeheedna ku bur -burinkara  wixii kasoo baxashay shirka labo sano kadib, waxaa ay iigu muuqataa inay lagama maarmaan tahay in la helo Ciidamo shisheeye oo dowladda gacan kasiiya sidii hubka loogu soo celin lahaa gacanta dowladda  loona abuuri lahaa jawi uu ka muuqdo sharci iyo kala dambeyn.

Waxaa la is waydiin karaa haddii ay muuqato in ay jirto baahida Ciidamo shisheeye  ma mudan tahay inla  is waydiiyo  nooca iyo wadamada ciidamada shisheeye  ee aan taageerada uga baahanahay,  waxaan qabaa arrintaasi inay tahay arrin mudan in ay dadka  Soomaaliyeed kala doortaan wadamadda  ciidamada Soomaaliya imaanaya, sababtoo ah waxaa jira duruufo iyo xasaasiyaad gaar ah oo ka dhexeeya Soomaaliya iyo wadamadda dariska la ah una baahan in la tixgaliyo, Waxaana walaalkay Asad xasuusin laha inaadan  la yaabin haddaad arragtid,   arragtida aad Itoobiyo ka qabto mid ka duwan qof ka qaba sababtoo ah taariikhda Itoobiyo iyo Soomaaliya maahan mid hadda qof abuuri karo waxaana jirta arragti guud oo ay shacabka Soomaaliyeed ka qabaan dowladda Itoobiya,  inkastoo aan kugu raacsanahay inay jiraan dad dowladnimada diidan oo Itoobiya gabaad ka dhiganay, haddana  kuwaas waxaa looga adkaanaya markii la qaato fikirka ah in dalka la keeno Ciidamao ka socda  Dowladdaha aan danaha gaarka ah ka laheyn Soomaaliya ee ay adag tahay inay kala xigsadaan beelaha iyo jabhadihii dalka soo burburiyey, sida la ogyahayna  dowladda hadda la dhisay waa dowlad KMG ah  oo aan awood weyn  wali ku yeelan gudaha dalka sidaas darteed   waa in la tixgaliyaa sababaha keenia kara inay kala tagaan ayagii oo aan wali ka guurin Nairobi taas oo ah mid ay hadda ifafaalaheedii muuqato.

URURADA ISLAAMIGA AH IYO CIIDAMADA SHISHEEYE. Maalmahan waxaa Soomaaliya ku soo fool-leh duulaan gumaysi qaawan ah oo uu wado, dalkii ay Soomaalidu 77.kii Harar agteeda u fariisatay. Dhulkii uu Axmed Guray Jahaadkii dheeraa ka galay. Qoladii  Sayidku khatartooda arkay ee uu Jahaadka ku kiciyey. ... Guji... Fahad

Waxaanad Asadow maanka ku haysaa sababtii Israa’iil looga reebay gaashan buurtii 1991 ku duushay Ciraaq markii ay kuweyd qabsatay iyo sababta uu Maraykanku asagoo oo gacan Ciidan Israa’iil uga baahan  u waydiisan waayey inay ka mid noqdaan xulufada haysta Ciraaq , waa dareenka iyo taariikhda la ogyahay ee ka dhaxaysa Carabta iyo Israa’aal Maraykankuna taas uun buu tixgaliyey ee maahane wuu jeclaan lahaa in Israa’iil kala qeybgasho hawlaha ciidan ee kasocda dalka Ciraaq. caadiyan aduunka waa arrin la gowarsan yahay in dowladdaha qaarkood ay ka dhexeeyaan  dano iyo xurgufo ayaga gaar ah u ah una baahan in indho gaar ah lagu eego.

Tusaale ahaan Ugandha saameynta ay ku yeelan karto Ruwnada iyo DRC ama Sa’iir kuma yeelan karto Soomaaliya sidaas oo kale saameynta ay Itoobiyo ku yeelan karto wadamada ay dariska la tahaya sida Soomaaliya, Kenya,  Jabuuti, Eratariya kuma yeelan karto wadamada Juquraafi ahaan ka fog amase aysan leheyn, khilaafaad taariikhi ah marka adigoo u arka Itoobiya inaysan hadda wax dhib ah laheyn, haddana u arrag dhanka kale dadka Itoobiya diidan inaysan meel cidlo ah ka duuleyn ee ay hasytaan wax cad oo aduunka oo dhan og yahay,  maahan arrin Soomaalida kaliye ay dareensan tahay waa arrin caalami ah marka laga hadlayo khilaafaadkii iyo taariikhaha Soomaaliya iyo Itoobiya, sidaas darteed, Soomaalidu waxaa ay ku maahmaahdaa ( Sidee Xeero Loo Xagtaa Ilkana ku nabad galaan) maahmaahdaas waxaan kawadaa waxaan ubaahanahay in aan helo ciidamo shisheeye oo dowladda gacan ka siiya hubka dhigista, laakiin aysan Itoobiya ka mid aheyn, haddii taas la waayo oo ay Itoobiya timaado waxaa dhacaysa  in Soomaalidii isku soo jeestaan.

Waxaan qabaa si loo helo fikrad ay ku midoobi karaan labad dhinac ee qolona diidan tahay ciidamada shisheeye qolada kalena  ay u ololaynayaan  in la keeno  Ciidamo shisheeye in ay haboon tahay in la ogolaado ciidamada shisheeye laakiin laga reebo ciidamada dowladdaha dariska ah ayadoo la tixgalinayo duruufaha jira ee taariiikhiga ah iyo  carqaladaha ay sameyn karaan hogaamiyeyaasha ka tirsan dowladda ee ayagu haddaba diidan Ciidamada dowladdaha dariska ah gaar ahaan kuwa Itoobiya,  laakiin waxaanan anniga marna aan arragti soconaysa ila aheyn arragtida ah inaan gabi ahaanba dalka aan la keenin ciidamo  shihsheeye oo dowladda ka caawiya dhinac wax ka qabashada ammaanka, waxaan sidoo kale aan waaqic aheyn fikirka ah  dowladda kaligeed ayaa wax qabanaysa oo dadku hubka ayagaa iska dhigaya, waxaanan layaabay!  qolyaha ayagu daliilsanaya in Shariif Xasan si weyn Muqdisho loogu soo dhaweeyey  soodhaweyntaas oo aan annigu u arko inay tahay mid aan macno weyn ku fadhin marka dib loo eego sidii Muqdisho loogu soo dhaweeyey C/qaasim Salaad Xasan oo ahaa hogaamiye kasoo jeeda Beesha Muqdisho ka talisa. 


Asadoow! Ciidammo Itoobiyaan ah yeelimaynee Fahad iskadaa! | Xoday


Waxaan Fahad asagana ku dhihi lahaa oo aan Asad ku waafaqsanahay inaan  Soomaali loo xanibi Karin Muqdisho iyo dadka siyaasadeeda dajiya, Reer Muqdisho dhinac walba waa ku guuldaraysateen wax xal ah oo ay ogol yihiina anniga iima muuqdo ujeedada ugu weyn ee ay hadda ugu ololaynayaan in dowladda Muqdisho la geeyana waa inay dowladda mariyaan wadadii ay mariyeen kuwii ka horeeyey, ujeedada ugu muhiimsana waa in sanadaka ugu horeeya dhaqaalaha dowladda lagu kaalmeynayo ay ka faa’iideystaan Reer Muqdisho kadibna la yiraahdo (Xaaji kabahaaga dhamaadey) sida ku dhacdey C/qaasim Salada Xasan, haddaba annigu waan la qabaa Asad in Reer Muqdisho looga baahan yahay isbadal Soomaali qancin kara inay sameeyaan, anniga oo aan Muqdisho nicbeyn oo ay tahay runtii magaalo aan aad ujeclahay ku noolaan sheheeda,  haddana waxa hadda laga  faaloonayo waa arrin taagan una baahan xal,  waxaanan aaminsanahay haddal uu Shariif Xasan ku yiri Reer Muqdisho in wax walba ku dhamaayeen hadalkaas oo ahaa intaanka xasuusto mar uu wareysi siinayey Idaacad Muqdsiho la hadasha “ Reer Muqdisho idinku ha fududeynina in dalka la keeno ciidamo shisheeye, sababtoo ah caasimadii baan jooga dowladdana hala keeno hubna waan ku dhex haysanayaa qof yeelaya lama arko”  Annigu Reer Muqdisho waxaan dhihilahaa idinku ciidamada aad ka mudahraadaysan ha sahlinina sababkii ay ku imaanlahaayeen,  shalay C/qaasim haddaad taageeri lahaydeen doodan maantay ma joogteen waxaana laga yaabilahaa arrintu inay intaan ka dhawaan lahayd laakiin dhinacna ma ogolin  taas inaan Soomaali lagu qancin Karin ayaan filayaa. 

Ugu Dambeyn waxaa qormadaan gaaban kusoo koobi lahaa in la wajaho oo la googoobo talo iyo fakir dalka Soomaaliya looga saari kari dhibaatda 15-jirsatay lana tixgaliyo in la hello arragti inta badan dadka Soomaaliyeed soo dhaweynkaraan,  ayadoo la tixgalinayo arragtiyaha kala duwan ee gobolada dalku kala qabaan sababtoo ah gobolada qaarkaood waxaa laga soo dhaweeyey keenista ciidamada shisheeye,  halka gobolada qaarna laga banaan baxay, inkastoo meelaha laga banaan baxay  ay si gaar ah uga banaannbaxayeen Ciidamada Itoobiya taas oo la is dhihi karo Ciidamada dowladdaha kale waa soo dhaweyn lahayeen haddii cagta loo yara dhigo kuwa Itoobiya. 

C/Shakuur Cali Mire
Shakuur111@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalakn waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin SomaliTalk.com | Feb 24, 2005

»Asadoow! Ciidammo Itoobiyaan ah yeelimaynee Fahad iskadaa! | Xoday

»Muusa-nnowga Fahad Iyo Ciidamada Itoobiya | Asad

»URURADA ISLAAMIGA AH IYO CIIDAMADA SHISHEEYE | fahad


Qoraalkii hore ee Cabdishakuur..........

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD