SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -  MAQAAL
Daabaco Boggan | Print


Hargeysa mise Hargageys.

Soomaaliya waa hal qowmiyad ama qaran,lana yeeli maayo caqligalna ma’ahan in dadka  Soomaalida ah ay kala wanaagsan yihiin ama kala nasab fiican yihiin xagga qabiilada,balse lagu kala fadli leeyahay xagga taqwada sida uu Allaah sheegay rasuulkeena suubanaana inoo caddeeyay,waxaa kaloo lagu kalaa wanaagsan yahay xagga iimaanka,aqoonta,akhlaaqda iyo dabeecad wanaagga.

Waa arrin laga xumaado oo laga ciishoodo in  dhaqan iyo caado laga dhigato in la takooro dad ka mid ah Soomaalida oo waliba ah dadkii Soomaalida ugu aqoonta sarreeyay dhinaca farsamada gacanta,uguna taariikh fogaa dhinaca  deegaanka dhulka Soomaaliya,maah-maah ayaa oranaysa: qofku wuxuu cadow ku yahay wixii uu jaahil ka yahay,dadkii Soomaaliyeed ee ahaa xoolo dhaqatada ayaa markii ay arkeen dad ka ilbaxsan kana aqoon fiican ku tiriyay in ay yihiin dadkaas u dhaqmaya si dhaqankooda ka duwan in ay ka wanaagsan yihiin,kuna qaaday olole ama kacaan cimrigiisu dheeraaday kaasoo ay ku takoorayaan dadkaas farsamayaqaanada ah.

Takoorkan oo socday sanooyin aad u badan ayaa keetnay in ay dhaqan ama caado noqoto in la duudsado dad xaqooda,laga tuuro sharaftii ay lahaayeen,lagana faa’iidaysan waayo aqoontoodii sarraysay,waxaase taas ka sii daran dadka Soomaaliyeed ee la takooro in muuqaal ahaan ay Soomaali uun yihiin,waxaan ka wadaa taas in aan la kala saari karin xagga aragga midka wax takoora iyo midka la takooro.

Haddii aan u soo noqdo hal ku dhegga qormadaydan  ayaa professor Ahmed Ashkir Bootaan Allaha u naxariistee intuusan dhimanin waxa uu waday baaritaan uu ku baarayo taariikhda dadka Soomaaliyeed ee aqoontooda darteed loogu takooray iyo taariikhda raacatada Soomaaliyeed, professorku wuxuu baadigoobkii uu ugu jiray taariikhdii hore ee dadka la takooro waxay ifisay waxyaalo badan oo mugdi ku jiray,waxay kaloo nagu abuurtay raad raacii uu sameeyay professor Bootaan farxad ah sidii ay dadkii hore ee Soomaalida ahayd u sarreysay xadaaraddooda ama ilbaxnimadooda iyo aqoontooda,waana mid mudan in la sheego laguna faano  in Soomaaliya ay soo martay heer ka wanaagsan midka ay maanta ku jirto.

Magaalada Hargeysa oo markii hore la oran jiray Hargageys ayaa la sheegay in ay keli ku ahaan jireen ama degganaayeen dad muruqmaal ahaa dadkaas oo ahaa dadka Soomaaliyeed oo maanta loo geysto dhibaato xoog leh,lana takooro,walina ay deggan yihiin dadkaas meeshii loogu yimid ee Hargageys. Magaaladaas Hargageys ama Hargeysada maanta ayaa ahaan jirtay magaalo shidan oo ahayd meel ay dadku wax ku kala iibsadaan gaar ahaan hargaha xoolaha iyo waxyaalo kale oo ay samayn jireen dadkaas lahaa aqoontaas hodanka ah.

Professor Bootaan oo sida ay dad badanba garanaayaan wuxuu ahaa ninkii qori jiray khuudbooyinkii Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Allaha u naxariistee Maxamed Siyaad Barre,wuxuuna ka mid ahaa dadkii aqoonta lahaa haddana farta lagu fiiqi jiray,nin ceynkaas ah oo aqoontaas lahaa oo haddana la xaqirayo ama la takoorayo,sow ayaandarro ma’ahan,sow caqli xumo ma’ahan,sow islaamnimo ka abax ma’ahan,sow dadnimo ka bax ma’ahan, waxaana xaqiiqo ah in jaahilnimadu ay xirto indhaha isla markaana ay daboosho maskaxda qofka.

Zahra Abdi Hersi.
umubakar@hotmail.com
Holland

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | June 5, 2005


Faallo: Madxada Dowladda Oo Labo qeybood oo Hubaysan Iskaga hor Imaan doonta.
Maqaalkii C/Shakuur Cali Mire... Guji...

Warqad Furan: Hoggaamiye Kooxeedyada Xamar
Qoraal dheer oo Inj. Maxamed Cali Cibaar u diray Hoggaamiye kooxeedyada Muqdisho ayaa.. Guji...

Gabaygii Xiirane: Dhoob-Dhoob
Waa gabay ku saabsanyahay colaadda nagu raagtay iyo dhibaatooyinka ay sababtay.. Guji...

Faalladii Aadan Qodax::: Haregysa & Maanta
Maxaa Sababay in ay Burburto Kalsoonidii Shacbigu u Hayeen Xukuumada Madaxweyne Rayaale?..
Guji..

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD