Wararkii:
Dec 9, 2006
- Warar
dheeraad ah oo ku saabsan dagaalkii ka dhacay Agagaarka
Diinsoor..
- Ciidamada
Itoobiyaanka oo qorsheynaya inay weeraraan Garoonka ..
- Banaanbax looga soo
horjeedo go’aankii. Qaramada midoobey oo ka dhacay.
- Xaaladda Magaalada
Boosaaso oo shalay kacsaneyd markii.
- Beesha Dirisame
Gaajecel oo Dooratay Gudi Aqoon yahan iyo gudi Ganacsi
- Beesha Qubeys oo
heshiis ku gaartay in ay taageeraan Shareecada Islaamka
Warar
dheeraad ah oo ku saabsan dagaalkii ka dhacay Agagaarka
Diinsoor..
Shalab galabnimadii ayaa
dagaal aad u qaraar duleedka Magaalada Diinsoor ku dhex
maray Ciidamada Maxaakiimta Islaamiga ah iyo kuwa Dowladda
Federaalka oo gacan ka helayey ciidamo Itoobiyaan, waxaana
dagaalkaasi socday mudo hal saac ah, iyadoo wararkii ugu
dambeeyay sheegayaan in Ciidamada Itoobiya iyo kuwidii
Dowladda Itoobiya dib loo soo riixay isla markaana ay
khasaaro kala kulmeen dagaalkaasi, waxaa la xaqiijiyey in
Dagaalkaasi ciidamadii Dowladda iyo kuwaii Itoobiyaanka ahaa
looga qabsaday labo gaari oo kuwa xamuulka ah iyo labo kale
oo kuwa dagaalka ah, waxaa sidoo kale la xaqiijiyey in ay
jiraan dhimasho, waxaana sidoo kale la sheegay in
dagaalkaasi lagu qabtay maxaabiis isugu jirta Itoobiyaan iyo
Soomaali.
Warar dhanka kale aan ka
helnay aaga hore ee Dagaalka ayaa sheegaya in ciidamadii
Itoobiya iyo kuwii Dowladda Federaalka ay dib ugu soo
sikadeen goobihii ay markii hore ka yimaadeen, waxaana la
sheegay in Ciidamada Maxaakiimtu horey ugu dhaqaaqeen
dhinaca xerada Manaas oo ah xero ay degan yihiin Ciidamada
Dowladda Federaalka.
Ciidamada Itoobiyaanka oo
qorsheynaya inay weeraraan Garoonka ..
Warar hoose oo aanu helnay
ayaa waxay sheegayaan in ciidamada Itoobiya ee ku sugan
Baydhabo ay qorsheynayaan in ay weerar ku soo qaadaan
Garoonka Balidoogle, kaddib markii sidaasi ay kula taliyeen
Saraakiil ka tirsan Dowladda Federaalka ah.
Saraakiishaasi waxay
sheegeen in qabshada garoonkaasi ay tahay mid muhiim ah
ciidamada afrikaanka ah ee Imaanaya Soomaaliya, iyadoo
aagaasi ay aad ugu xoogan yihiin Ciidamada Maxaakiimta
Islaamiga ah.
Waxaa tan iyo xalay aaga
Buur-Hakaba ka socday dhaqdhaqaaq aad u xoogan oo labada
dhinac ah, iyadoo ciidamada Maxaakiimta la geliyey heegankii
ugu balaarnaa. Ciidamada Maxaakiimta Islaamiga ah ayaa waxay
horey u sheegeen in aysan dhulkooda u ogolaan doonin Ciidamo
Shisheeye ayna dagaal xoogan la geli doonaan, waxaana haatan
muuqata in Ciidamada Maxaakiimta Islaamiga ah ay Gobalka
Baay haatan ka haystaan labo Magaalo oo kala ah Diinsoor iyo
Buur-Hakaba.
Banaanbax looga soo horjeedo
go’aankii. Qaramada midoobey oo ka dhacay.
Maalintii shalay ahayd ayaa
deegaanada ay ka taliyaan Maxaakiimta Islaamiga ah waxaa ka
dhacay banaanbaxyadii ugu balaarnaa ee looga soo horjeedo
go’aankii Golaha Ammaanka ee fasaxayey in Soomaaliya loo
diro Ciidamo afrikaan ah, waxayna ka qaybgalyaashii
banaanbaxyadaasi ku dhawaaqayeen (waxaan la jihaadi doonnaa
ciidamo kasta oo la keeno soomaaliya) (waxaan uga digeynaa
Dowladaha Soomaaliya ciidamada u soo wada in ay ka
fiirsadaan). Banaanbaxii ugu balaarnaa waxa uu ka dhacay
Magaalada Muqdisho, waxaana isugu soo baxay kumanaan kun oo
Dadweyne waxaana hadalo u jeediyey Guddoomiyaha Guddiga
Fulinta Maxaakiimta Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo sheegay
in aysan marnaba ogolaan doonin in Dalkooda la keeno ciidamo
shisheeye, isagoo ku tilmaamay go’aankii Qaramada Midoobey
mid dhinac ah oo ay ka shaqeeyeen Mareykanka iyo Itoobiya.
Xaaladda Magaalada Boosaaso oo
shalay kacsaneyd markii.
Warar naga soo gaaraya
Magaalada Boosaaso waxay sheegayaan in maalintii shalay
ahayd xaaladda Magaaladaasi ay aad u kacsaneyd kaddib markii
Khadiibyada Masaajida magaaladaasi ay qorsheynayeen saladdii
Jimcaha in khudbadooda ku soo qaadaan in lala jihaado
ciidamada Shisheeye ee la keeno ee ay ugu horeyso Dowladda
Itoobiya.
Markii ay maqleen Maamulka
Puntland waxay ciidamo kor dhoobeen inta badan Masajidda
halkaasi ku yaala, taasina waxay keentay in masaajidda
qaarkood ay ku kaceen xoogaa banaanbaxyo rabshado wata,
waxaase ka hor istaagay Ciidanka Booliiska.
Waxaa laga cabqsi qabaa in
kacdoon ka dhac ah maamulka Puntland uu ka dhaco gobaladaasi
iyo joogitaanka ciidamada Itoobiya ee gobolo ka tirsan
Puntand.
Beesha Dirisame Gaajecel
oo Dooratay Gudi Aqoon yahan iyo gudi Ganacsi {Go’aanana ka
soo saaray Shirkoodaas}
Shir ay ujeedadiisu ahayd
in loogu dhagysto warbixin Gudi farsamo ay kal hore ay
beesha Dirisame Gaajecel isku argaratay dhisme labo gudi oo
kala ah Aqoonyahano iyo ganacsato qodobana ka soo saaray
shirkoodaas
Gudigaas ayaa tiradoodi
kala yihiin min 11 Xubnood
Gudiga Aqoonyahanada ayaa
waxaa ay kala yihiin sidan:-
- 1-Axmed Aadan Maajoor
Gudoomiye
- 2- C/qaadir Xasan
Abuukar ku-xigeen
- 3- C/rashiid Max’ed Sh
Amar Xoghayn
- 4- Max’ed Xuseen
Shiikh Xaamud Af-hayeen
- 5- C/casiis Axmed
Ibraahin Qasnaji
- 6- Max’ed Maxamuud
Goodir Xubin
- 7- C/qaadir Aadan
Maajoor Xubin
- 8- Aadan Daahir
Calasow Xubin
- 9- Muqtaar Shiikh
Xaamud Xasan Xubin
- 10- Max’ed Barre Xasan
(Raggow) Xubin
- 11- Ilyaas Aadan Xaaji
Xasan Xubin
Gudiga ganacsiga ayaa
magacyadooda waxaa lagu kala magacaabay xubnahan
- 1- Xaaji Aadan Kuule
Aadan Gudoomiye
- 2- Xasan Max’ed
Max’uud (Xasan Dheere) ku-xigeen
- 3- Max’ed Shiikh
Xuseen (Maxamed Dheere) Xog-hayn
- 4- Abiikar Aadan Isaaq
Af-hayeen
- 5- C/laahi Macalin
Daa’uud Qasnaji
- 6- Cabdulaahi Isaaq
Dhicisow Xubin
- 7- Xasan Barre Shiidow
Xubin
- 8- Macalin Aadan
Maaxay Xubin
- 9- Aadan Cusmaan Aadan
Xubin
- 10- Caddow Cali Xeyle
Xubin
- 11- Aadan Macalin
Axmed Xubin
Qodobada ka soo baxay
shirka ay yeelatay beesha Dirisame Gaaljecel
Ayaa kala ah
1 – in la dar-dar galiyo
Maxkamada Sheecada Islaamka ee Degamada Ceel Cali iyadoo
lala kaashanayo Midowga Maxaakimta Soomaaliyeed
2- in Degamada Ceel Cali
laga Dhigo xarun difaac iyo tababar maadaama degmada ay hada
ku sugan yihiin Maleeshiyo gaaraysa 500 oo u baahan tababar
kuwaas oo diyaar haday helaan baahan tababar ka dibna diyaar
u ah difaaca dalka iyo diinta maadaama waqti xaadirkan uu
wadanku ku fool leeyahay Cadow u baahan in loo diyaar
garoowo, degmadu waxay xad la leedahay Gobolka Bakool iyo
Ethiopia.
3- In Dib loo habeeyo
Dugsigii Sare ee Degmada iyadoo lala kaashanaayo Ha’ayadaha
Samafalka ee daneeya waxbrashada iyo dadka u dhashay
deegaankaas meel kasta oo ay joogaan .
Ugu danbayntii cidii u
baahan inay la soo xariirto Beesha Dirisame Gaaljecel labada
gudi ee kor ku xusan, sidoo kale waxay beesha ugu baaqaysaa
Ummadda Soomaaliyeed marka la gaaro im la sameeyo Rugta
Ganacsiga Soomaaliyeed Beeshu ay diyaar u tahay inay
codkooda siiso qofkii ay u arkaan inuu u qalmo Gudoomiyaha
Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed iyadoo beesha u fiirin Eex iyo
Qabiil.
Beesha Qubeys oo heshiis ku
gaartay in ay taageeraan Shareecada Islaamka
Waxaa maalintii shalay
kulan balaar ku yeeshay magalada Muqdisho Qeybaha ay ka
koobantahay beesha Qubeys oo ay kaga wada hadlayeen Waxyaabo
ay ugu horeyso in si isku mida loo qaato ku dhaqanka
shereecada Islaamka
Ugu horeyntii waxaa halkaas
ka hadlay dad ay ka mid ahaayeen, nabadoon xuseen Geeddi
Jimcaale oo yiri “Maanta wixii ka dambeeya waxaan ILLAHEY
hortis taageereynaa islaamka sidaas ayaana ku midownay qeyb
kasta oo inaga mid ah” ayuu yiri nabadoonka.
Sidoo kale, waxaa iyaguna
halkaasi ka hadlay xoghayaha guud ee golaha maxkamadaha
Sheekh Ibraahim Maxamuud Suuley oo ku furay aayado quraan ah
iyo wacdi uu u jeedinayo ka soo qeyb galayaashii shirka
beesha, wuxuuna dhinaca kale, si aad ah uga codsaday in
aaney noqonin arrinta ay isugu yimaadeen mid hadal uun ku
ekaata balse ay ficil ku daraan, meel kasta oo ay joogaana
beesha Qubeys.
Sidoo kale, waxaaa iyaguna
halkaasi ka hadlay odayaal iyo nabadoono iyo culumaa’udiin
ay ka mid ahaayeen Xaaji Cali Oorey, Muxumud Geeddi Cilmi,
Macalin Muuse C/nuur Sheekh Cismaan, C/raxmaan Gaabow Max’ed,
nabadoon Geescadde, Abshir Geeddi, Max’ed Cali Xaashi,
Sheekh aadan Jimcaale Cali, Cusmaan Axmed Goome, Sheekh
Muuse Ow-max’ed, Xaaji Axmed yare, nabadoon Bashiir Macalin
Iley iyo xubno oo faro badan.
Gabadii kulankaasi waxaa
lagu dhisay gudi la magac baxay gudiga hirgelinta shareecada
islaamka ee Beedha Qubeys kaas oo isugu jira culum’udiin,
Aqoon yahano iyo nabad doono gudigaas ayaaa howshiisiu noqon
doontaa fulinta, dhaqaalaha iyo wada tashiga beesha waxayna
magacyadooda kala yihiin:-
- 1-Sheekh Max’uud
sheekh Ibraahim Suulay
- 2-Max’ed Cali Ooray
- 3-Max;’ed Axmed Max’ed
(Xaaji dheere)
- 4-Dr.Xuseen Cabdi
Cilmi
- 5-Isaaq Xaashi
Jimcaale
- 6-Mux’ud Max’ed C/llahi
(Caddaan)
- 7-Xuseen Geedi
Jimcaale
- 8-Cabdi Nuur Sheekh
Cismaan
- 9-Mux ‘ud Geedi Cilmi
- 10-Max’ed Cali Xaashi
- 11- Cismaan Axmed
goome
- 12-Farxaan Cali Aadan
- 13-C/jamaal Axmed
Ibraahim
- 14-Axmed Max’ed Xasan
waxaa kaloo jira xubno talo
ku maqaan oo dib loo soo macaabi doono waxaana kulankani
dhamaan dadkii ka hadlay isku raaceen wixii hada ka danbeeya
Beesha gudaha iyo debada kuwo ku tiirsan wada tashi iyo ku
dhaqanka shareecada islaamka.
Kulankan ayaa waxa uu ka
dhacay Guriga uu magaalada ka degan yahay Max’ed Axmed Muuse
waxa uuna ku soo dhamaadaay doco is fahan.
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail
amiinkhasaaro@hotmail.com
Iska Hor-imaad ka Dhacay Boosaaso
Iska hor imaad
dhexmaray Ciidamada Booliska Boosaaso iyo Dad ku jiray
masaajid kahor khudbadii salaada jimcaha ee maanta iyo
Maamulka Soomaliland oo lagu eedeeyey in uu gacanta ugu jiro
Xukuumada Ethiopia..
Akhri...
Dec 8
Faafin: SomaliTalk.com |
Dec 9, 2006
Ethiopia: Soomaaliya
waxaan kula jirnaa Dagaal
Dec 5, 2006:
Bereket Simon oo ah la taliyaha ra'iisul wasaaraha
Itoobiya waxa uu Radiyaha VOA u sheegay in Itoobiya
ay dagaal kula jirto Soomaaliya. Dhegeyso:
Hadalkii
Ethiopia waxay dagaal kula jirtaa Soomaaliya
(MP3) - [Isha:
VOA]
HFKMG: Soomaaliya Ciidan
Itoobiyaan ah ma joogaan
Dec 6, 2006:
Ciid Beddel Maxamed [Idd
Bedel Mohamed] oo ah
Ku-xigeenka wakiilka
Soomaaliya u fadhiya xarunta Qaramada Midoobey oo
su'aal laga weydiiyey Ciidamada Itoobiyaanka ah ee ku
sugan Soomaaliya, waxa uu sheegay in aan ciidamo
Itoobiyaan ahi joogin Soomaaliya, isagoo weriyihii
su'aas weydiiyey ugu jawaabey ma garanayo meesha aad
ka heshay warkaas...
Halkan ka daawo... [Isha:
UN]
AP: 6,000 ilaa 8,000 oo
ah Ciidamo Itoobiyaan ah oo ku sugan Soomaaliya...
Dec 7, 2006:
Warbixin ay qortay ha'adda wararka ee AP ayaa
sheegtay in ay heshay warara sir-Qarsoodi ah oo
sheegaya in Soomaaliya ay ku sugan yihiin
6,000-8,000 oo ah ciidamada Itoobiya. [Isha:
AP]. Mar sii horeyseyna ayey ahayd markii uu
ra'iisul wasaaraha Itoobiya si rasmi ah u qiray in
ciidamadiisu ay ku jiraan gudaha Soomaaliya.
Kongo, Tansania &
USA: Qaraarka Qabyada ah
Golaha
Ammaanka: Isagoo
xasuusanaya qaraarradiisii hore ee quseeyey xaaladda Soomaaliya...AKhri.... |
"Maamulka Puntland oo
ka Shaqaynaya isku Dhac kadhaca Degaanka Nugaal"
Sidaas
waxaa yiri afhayeenka xisbiga Ramaas...
Akhri...
»Gabar yar oo la xanuunsan Biyo Caloosha uga
buuxa
DGPL: Culimada
haddii laga maqlo kelmeda Jihaad waxay mutasanayaan xabsi
Maamulka Soomaliland oo lagu
eedeeyey in uu gacanta ugu jiro Xukuumada Ethiopia..
Akhri...
Dec 8
Kongo, Tansania &
USA: Qaraarka Qabyada ah
Golaha
Ammaanka: Isagoo
xasuusanaya qaraarradiisii hore ee quseeyey xaaladda Soomaaliya...AKhri....
Midowga
Maxkamadaha oo Ganafka ku Dhiftay Go'aankii Golaha Ammaanka..
»C/llaahi
Yuusuf oo Ka Walwalsan Xiriirka Geeddi & Zenawi
»Xeeladaha
Qaadka lagu soo geliyo Muqdisho...
»Ciidamadii
Itoobiya ee joogey Bandiiradleey oo laga soo..
»Dowladda
Kenya oo la filayo in ay xayirada ka qaado...
»Suudaan
oo uu ka socdo Shir looga arrimaha soomaaliaya..
»Xarunta
Ismaaciil Jimcaale oo siminaar u soo gabagabeysey..
Wararkii oo dhan
ka akhri halkan... Guji... Dec 7
|