Soomaaliya oo loo ogolaaday
in laga Furo Garoonkii
Sedexaad ee Mareykanka
Eng. Ahmed M. M. – Waharey
ammoalin@yahoo.com
Sweden.
Maxay yihiin Garoomadu?
Dadka siyaasadaha u kuur
gala intooda badan waa ay
dareensan yihiin baahida uu
Mareykanku u qabo garoomadan
ku soo badanaya dunida
sanadahan dambe, ee uu
boqolaalka bilyan ee doolar
ku bixinayo dhisidooda.
Garoomadan oo ah kuwa si
gaara loogu diyaarinayo
kooxo cusub oo dunida kusoo
badanaya ciyaarahooduna
aysan ku habooneyn in lagu
dhex qabto magaalooyinka ay
deganyihiin bulshooyinka
horumarey, khataraha ay u
geysan karaan ay ka mid
ahayd tii kow & tobankii
september 2001 ay u geysteen
magaalada New York o ahayd
wax fool xun oo ay ka wada
xumadeen bulshada caalamka
oo idil si gaar ahna u
taabtay bulshada Mareykanka.
Markii ay dhibtaasi dhacday
dawlada mareykanka waxa ay
mar keliya dunida ku amartey
in la raaco nidaamka ay kaga
hortegeysa kooxahaas cidaan
raacina ay ku tilmaantay
inay la mid yihiin kooxaha
dhibta noo gaystay.
Markeliya waxaa is bedeley
siyaasadii dunida waxaana
dunida kusoo biirey nidaam
siyaasadeed cusub kasoo
ogolaaday in lagu dhaqmi
karo waxyaalo badan oo harey
bulshada caalamku u tiqiinay
ku xadgud bini’aadanimo.
Sidoo kale Dawlada
Mareykanku waxay isla
waqtigaas dunida kusoo
biirisay nidaam u ogolaanaya
inay ku duuli karto wadamo
ay si gaara u xulatey si ay
uga dhex furato garoomo
cusub oo ay ku casunto
kulana ciyaarto kooxaha
cusub ee sida gaarka ah
qatarta weyn ugu hayay
dawlada mareykanka.
Maamulka Mareykanku waxaa uu
markiiba ka ansaxsaday
aqalka senaterada kuna
qanciyay bulshadiisa hadii
aysan sida ugu dhaqsaha
badan saas samayn in
magaalooyinka waaweyn ee
Mareynkanku noqon donaan
garoomada aanu isku qaabilno
inaga iyo kooxaha cusub
waadna dareemi kartaan
qatarta aanu ka dhaxli doono.
Afghanistan
ayaa noqotay wadankii ugu
horeeyay ee uu mareykanku ka
furto garoon weyn uu kula
bardoodamo kooxaha cusub
halkaas oo ahayd barta
kulanka koxahaas madaama ay
ka jiretey maamul dhaqaale
ahaan siysaasad & ahaanba ku
xirnaa kooxahaas. Dawlada
Mareykanku marna kuma talo
jirto inay afghanistan
yeelato dawlad wadani ah oo
isku filan xag nabadgalayo &
xag dhaqaale sabatoo ah
waxaa ka xirmaya garoonkeeda
weyn ee ay ugu talagashay
ciyaaryahanda degan wadamada
bariga dhexe, Aasiya &
wadamada loo yaqaan bariga
fog ee Aasiya halkaas oo ay
ka yimaadan tirada ugu badan
ee kooxaha cusub ee
mareykanka faraha ba’an ku
haya.
Ciraaq ayaa
iyana noqotay wadankii
labaad ee laga furo goroon
weyn oo si gaara loogu tala
galay dunida carabta (bariga
dhexe). Wadankan oo ahaa
wadan dawlad lahaa kala
dambeynina ka jirtey
inkastoo maamulkiisu ahaa
mid diktaatoor ah muda
dheerna caalamku fiiro gaara
ku hayay in badana
cunaqabatayn lagu hayay ayaa
mar keliya waxaa uu buuxiyay
shuruudihii Mareykanku sida
gaarka ah ugu xulanayay
goobaha uu doonayo inuu
garoomo ka furto.
Maamulka mareykanku waxaa uu
markiiba ku dhaqaaqay sidii
uu cago (lugo) ay ku socoto
ugu samynlahaa siyasadiisa
ku wajahan qabsashada &
burburinta Ciraaq, waxuuna
ka bilaabay gudihiisa isagoo
ku abuurey senataradiisa &
bulshadiisa cabsi weyn,
kadib markii dad gaar ah oo
bulshada caan ka ah
boostodooda loo dhigay sunta
loo yaqaan Antrax si kheyri
caadi ahna looga wada
baahiyay aaladaha
isgaarsiinta ee kala duwan
dadkii oo dhana ay ku
dhalatey inay ka baqaan
furashada boqshadaha loo soo
diro.
Aduunka oo ay ka jirto
baqdintaas dadkuna ay
dhegehooduna maqli karaan
wax kastoo ku wajahan ka
hortageeda ayay si fudud
Dawlada Mareykanku usoo
bandhigtay siyaasadeedi ku
wajahneyd qabsashada iyo
burburinta Dawlada Ciraaq
iyadoo ku macneysan inuu
haysto sunta sida xun wax u
gumaada 48 saac gudahoodna
ku baahin karo caalamka oo
idil.
Somaaliya oo
ah wadan mudo badan uu ka
socdo dagaal sokeeye shirar
badana ay bulshada caalamku
u qabatay kii ugu
dambeeyayna ahaa midkii lagu
soo dhisay dawlada taagta
yar ee haatan ka jirta
somaaliya. Sida muuqatana ay
iska cadahay in Somaaliya ay
buxisay shurudihii
Mareykanku ku xulanlahaa
goobta uu damacsan yahay
inuu ka furto garoonkiisa
sedexaad, kaasoo uu noqonaya
mid uu si gaara ugu tala
galay inuu ku qaabilo
mitidiinta mayalka adag ee
kasoo jeeda dadyawga dega
qaarada afrika & Latin
ameerika oo muqaal ahaan ah
dad is shabihi kara iskuna
dhex gaban kara.
Maamulka Mareykanka oo caan
ku ah inta uusan
figradihiisa caalamka usoo
bandhigin inuu kasoo
hormariyo barnaamijyo u
gogolxaaraya una sii
bisleynaya bulshada caalamku
siday ugu nuglaan lahayeen
qaadashada figradihiisa
qalafsan. Waxaa ku dadaalay
sidii uu somaaliya ugu
bisleynlahaa sidii ay uga
hirgeli lahyd kacdoon
diimeed oo lamida kii
afghanistan ay ka smeeyeen
Taalibaanku, si uu indhaha
bulshada caalamka u tuso
inay tahay halis weyn oo u
baahan in wax laga qabto.
Waxaa uu adeegsaday qaybo ka
mida qabqablayasha dagaalka
una la galay heshiis hoosaad
gaar ah una furay misaaniyad
badan oo uu kusoo jiidanayay
si ay ugu hogaansamaan
hirgelinta barnaamijkiisa.
Markiiba, wuxuu
Qabqablayashii u sameeyay
urur uu ugu magac darey La
dagaalanka argagaxisada,
waxa uu u dirsaday inay soo
qabtaan dad aan waxba
galabsan o qabashadooduna u
sahlantahay qab-qablayaasha
dagaalka kana balanqaadey
markay qof soo dhoofshaanba
inuu borsooyin lacaga ugu
bedalanayo. Ula jeedkiisuna
waxa ay ku ekeyd oo keliya
inuu culimada somaaliyeed ka
careysiiyo oo kiciyo kana
fooliyo sidii ay kacdoon
diimeed oo shabihi kara kii
taalibaan u sameeyaan.
Howlahaasi kuma aysan ekeyn
oo keliya koonfurta
Somaaliya e xitaa waxa ay ka
socdeen Puntland iyo
Somaliland oo iyana si
sidaas si ka duwan oo la
jaanqadi karta maamuladooda.
Mudo yar gudahood waxaa
Somaaliya ka curtay kacdoon
diimeed oo si xooli ah ugu
fidey gobollada dhexe iyo
Konfurta Somaaliya, kaasoo
markiiba si xad dhaaf ah
looga baahiyay Tv-yada iyo
jaraaidyada caalamka. Mudo
yar ka dib waxaa bulshada
caalamka loo tusay in
somaali ay hoy u noqotay
ururada argigixisada eyna
helis weyna kunoqonayso
caalamka madaama ay qarka u
saaran tahay in si buuxda uu
uga hirgelo nidaamka ay
wadaan maxkamadaha Islaamiga
ah, loo arkey inuu si u yara
shabaho nidaamkii ay ku
dhaqmi jireen Talibaniyintii
Afghanistan.
Markii ay baqdintaas ku
baahday aduunka oo idil,
dawladaha caalamkuna intooda
badan ay dhegehooduna maqli
karaan qaadana karaan wax
alla wixii khuseeya sidii
looga hor tegi lahaa
halistaa Somaaliya laga
sheegayo ayay dhowaan
Dawlada Mareykanku
hindisaheedii ku wajahnaa
Somaaliya usoo bandhigtey
Golaha amaanka ee Qaramada
Midoobay kasoo kalfadhi qura
lagu ansixiyay meemarintiisa
laguna ogolaaday in
Somaaliya laga fududeeyo
cunaqabataynta hubka, loona
fasaxo inay tagaan ciidamo
ka socda dawladaha IGAD.
Sida muuqatana Dawladaha
safka hore ee IGAD (Ethopia)
ayaa ku guulaysatay
qandaraaskan lagu dhisayo
goroonkan oo ah kii
sedexaad halka garoonkii
kowaadna ay ku guuleysteen
NATO kii labaadna cid
qaadata intii loo waayey ay
Mareykanka & Ingriisku ay
gacmahooda ku dhisteen jab
badana ay akala kulmeen
haatana aysan diyaar.
Mareykanku marna ma
damacsana in ay Somaaliya
dawlad wadani ah yeelato o
ku filnaata nabad galyadeeda
iyo ka talinta aayaheeda
sabatoo waxaa isa so xiraya
garoonkan sedaxaad oo ah mid
meel istraatiji ah uu ka
sameytay. Mitididiinta
mayalka adag runtii ma’ahan
kuwa xiligan ku sugan
somaaliya laakiin kuwa lagu
soo casumi doona marka
garoonkan la diyariyo.
Siyaasiyiinta haatan xilalka
kala sarsare ka haya Dawlada
ku meel gaarka ah ee haatan
la dhacsan nidaamka
Mareykanku wato una arka
inuu yahay mid lagu
xoojinayo dawlada taagta yar
lana gaarsiinayo awoodeeda
gobollada oo idil markaa
kadibna ay fursad u heli
donaan inay si madax banaan
dalkooda iyo dadkooda u
xukumaan keligoodna
ayaahooda uga tashadaan.
Waxaan leeyahay walaalayaal
xaalka sidaad u heysataan ka
fog halkaad wax ka eegaysan
arinku wa ka sii fogyahay
miyaydaan la socon syaasada
caalamka in xitaa dawladihii
waaweynaa ay ka gaabsadeen
inay ka hadalaan iskaa inay
wax ku darsadaan arin
mareykan leeyahay.
Sidoo kale madaxda haatan
xilalka sarsare ka heysa
maxkamada islaamiga waxaan
iyana xusuusinayaa inaysan
ummada soomaliyeed gaar
ahaan dhalinyta aan aqoonta
fiican u alahyn diinta
inaysan ku beerin jihaad iyo
inay dhiig qof kaloo muslim
ah daadiyaan. Halka aad
arinka ka eegaysana xaalku
waa ka fogyahay meeshan
waxaa loo digdig leeyahay
maahan culimada soomaaliyeed
hadii la idin rabo waa
idinka hadba wadan u
dhoofaya maay idin qabsadaan
war waxa la idinka rabo
garta war in la idinka
careysiiyo oo intaa aad
careysantihiin caradiina
laga faa’ideysto, war diintu
waa nasteexo waxay idiin
baneynaysaa inaad xeelado
badan u isticmaashaan
cadowgiina war xitaa
mararkaa qaarkood
siyaasadaha jaarkaaga waa
lala qabsadaa adigoo taadana
si degan u wata war rabi ha
laga baqo oo ummada
Soaaliyeed yaan la jihaad
gelin.
War kuwa dawlada sheeganaya
e baydhaba fadhiya iyo
idinkuba waa u simantihiin
oo idima kala jecla wax
walba dantiisa uu naga
leeyahay baa uga weyn hadaba
walaalayaal hadaanu midowno
oo aanu qeybsamo maamulka
yar ee haatan jira cadowgan
nagama faa’iideysan karo,
maanta idinkaa gacanta ku
haya aayihii ummada ee nabad
la qaata tanaasulaad badan u
sameeya xitaa hadii ay
idinla galeyso inaydaan xil
qaban go’aansada dadku
markii dad noqdo oo uu
dugaagnimadan ka baxo iyagaa
si ladhifan idinku dooran
doona hadaad maanta u axsaan
fashaan oo aydaan jihaad iyo
dhiig macna dara ah u keenin
haatan.
Shiikhow Ilaahay ka baq
ummada noocaan ku sugan
jihaad iyo jiha wareer hor
leh umma baahna war saw ma
aragtaan sida ummadiinu u
dayacantahay war u tanaasula
hadaad rabi ka baqaysaan oo
aad tihiin dad diinta
ilaahay ay dhab ka tahay.
Qaabka Mareykanku ugu Casumo
Garoomadiisa Mitidinta
Mayalka Adag.
Waxaan wada garanaynaa habka
iyo hanaanka la maro kolka
Dawladi ay doonayso inay
kooxo ku casunto
garoomadeeda. Qaabkani waa
uu ka duwan yahay qaababkii
bulshada caalamku tiqiin waa
mid si gaara loo soo
hindisay iyadoo laga cabir
qaatay fikradan oranaysa.
Markii aad doonayso inaad
badaha ka kaluumaysato ku
feker inaad qalabka aad ku
kaluumaysanayso u surtid
waxa uu kaluunku xiiseynayo
si uu dabinkaaga ugu soo
cararo.
Hadaba Mareykanku
misaaniyadiisa qeyb ka mida
wuxuu ku bixiyaa diyaarinta
barnamijyo & sawiro
muujinaya waxyaalo ku
dhalinkara inay dadka
mitidiinta ahee mayalka adag
meel kasta ay joogaan inay
ka soo baxaan oo iyagoo aan
dhag laqabto lahayn oo kabha
gacanta ku sita kuna haya
jihaad jihaad jihaad ay u
yimaadan garoomadiisa uu
sida gaarka ugu diyaariyay,
xuduudahana waa u furaa una
sahlaa soo gelitaankooda
ilaa inta garoonku ka soo
buxsamayo, markaasu garoonka
albaabada u xiraa oo
go’doomiyaa wareer culusna
ku qaadaa sidii garoonkii
fuluuja oo kale.
Hadaba sida ka muuqata
sawirkan dadka qaarkiis
waxay modayaan qaladaad ka
dhacay qaar ka mida
ciidamada mareykanka,
xaqiiqdii waa ay ka duwan
tahay ma’ahan qalad ciidan
sameeyay ee waxa uu sawirku
yahay (invitation) lagu
casumay mitidiinta qaarkooda
mayalka adag ee sida fudud u
dagaal gala, si ay u
daawadaan cayaaraha ka socda
garoonka todobaadyadan
looguna dhaliyo inay
garoomadan iska soo
xadiriyaan, halkii ay
cayaarhooda la’aadi lahayeen
magaalooyinka ay kasoo
jeedan cidamaas oo u badan
Mareykanka.
Sawiradan iyo kuwo kasii
foolxun oo ay Xabashi &
Ugaandhays siday donaan kaa
samaysan kara inta laguu soo
xareeyo oo lagaa qaado ayaa
sidaaas oo kale
telefishanada caalamka looga
soo deyndonaa iyadoo la sii
buunbuniyay si wadankaagu u
noqdo garoon lagu qaabilo
mitidiinta afrikaanka ah.
shiikhow ka waran arinka
sawirkan ka muuqda iyo mid
kasii foolxun ayaa u
qorshaysan in ummadaada lagu
sameeyo hadii aad fursad
siiso ay kugu soo galaan,
adiguna waxa aad haatan
shacabka isku heysaan wax
misqaala darati ah sida
qaadka ha cunina.
Sidoo kale waxaa jira iyana
barnaamijyo sida
banaanbaxyada qaarkood loo
sameeyo iyadoo Mareykanku
dhex darsado dad aan la
fahmeyn loona yaqaan “Bulsho
Kici yayaal” waxay wataan
tabeelayaal iyo sawiro qiiro
gelin kara mitidiinta
qaarkood, waxaas & waxyaalo
kaloo badan oo anan kusoo
koobi karin qormadan ayaa ka
mid qaababaka Mareykanku ugu
casumo garoomadisa kooxaha
mitidiinta ah.
Runtii ma idin lihi keligay
bay waxani ii muuqdaan, waa
wax waadhix ah oo u muuqda
qof kastoo la socda
siyasaadaha dunida maanta ka
jira. Walalayaal aduunku waa
isbedeley wadamadii waaweyna
ayaa nabadoodu ku xirnaatey
inay wadan ka fog
burburiyaan oo ay hoy bahala
galeena ka sameeyaan oo aay
kula diriraan agagaxisada
halista ku wadamadooda.
Dawladihii inaga weynaa ee
qaarkood vito power ka lahaa
ayaa gabanaya oo aan wax
yaalaha qaarkood ka hadlin
maanta war mowjadaha kuwaasi
ka gabanayaan miyaanu inagoo
somaali ah oo aanu is
ognahay xaalka maanta aan ku
suganahay u bareeri karnaa
inaanu jihaad iyo dagaal aan
dhamaanayn. Miyaydaan
idaacadaha ka maqal mararka
madaxda Mareykanka la
weediyo su’aalaha quseeya
dagaalka ay ku tilmaaman
agagixisada waxay ku
juwabaan “dagaalkani mana
lahan jadwal & waqti uu
dhamaanayo”.
Gabagabadii waxaan leeyahay
kuwo iyana ku faraxsan
ciidamada IGAD ee loo fasaxy
somaaliya berita ayaad
dareemi doontaad idinko
dhafoorada gacanta ku haya
oo qaylo dhaan iyo
banaanbaxyo aad kaga soo
horjeedan sameeynaya ama
dalka gudihiisa jooga ama
dibadiisa jooga.
Qormadani ma’ahan midaan si
cad ugu cadeynkaro
Mareykanka ama aan si sira
ku heley dokumenti cadeynaya
ee waa mid ku kooban
aragtidayda iyo sidaan u
cabirtay habka wax u
dhacayaan sanadahan dambe
sidaad darteed waxaan ka
cudurdaaranayaa inaydan
idina ku dambaabin oo aydan
oran walaahi waa sidaas oo
hebel baa soo qorey.
Wabilaahi Towfiiq
Eng. Ahmed M. M. – Waharey
Somali Peace & Development
Advisor Free lance
ammoalin@yahoo.com
Sweden.