MAXKAMADUHU
WAXAY WALI JOOGAAN TUULADA QAAWANE
Mohamed-Deeq
Abadi-madar ”Haldhaa”
Borlänge, Sweden
haldhaa35@hotmail.com
Dec
12, 2006
Waxaan maqlay in reer miyi ahaa oo
degannaa degaanka Hawd loo yaqaan oo
aan waligiis tuulo iman, magaalo
iska daayee, in uu maaliin ciid ah
yimid tuulada la yiraahdo ”Qaawane”.
Ninku wuxuu aad ula yaabay faraha
dadka meesha joogay. Waligiisna dad
intaas la ek oo hal meel isugu yimid
muusan arag.
Markay
in muddo ah ka soo wareegtay
maaliintii ciidda ahayd ee uu
Qaawane tagay, laakiin aysan
maskaxdiisu wali ka bixin dadkii
fara badnaantiisii, ayuu amin casar
ah la soo istaagay koox rag ah oo
idaacadda BBC-da meel ku
dhagaysanaysay. Wararkii idaacadda
waxaa ka mid ahaa;
“In waddanka Shiinuhu uu noqday
waddadanka ugu dadka badan adduunka
oo ay tirade dadkiisu gaartay kun
milyan”.
Ninkii
aad buu ula yaabay waxa ay British
Broadcasting Corporation sheegayso
wuxuuna u arkay inaysan British
Broadcasting Corporation adduunkaba
war ka hayn, oo ay meelo yaryar uun
ka soo warranto. Deedna intuu
goobtii ka dhaqaaqay ayuu yiri;-
“Wagar! Kun malyan aad?!. War
Qaawane oo maalin ciid ah laysugu
soo baxay baydaan arkin, ee kun
milyan kamaydaan sheekayseen, mana
aydaan buunbuuniseen”
Haddaba
waxay sheekan qosolka iyo xikmaddaba
leh igu soo dhacday markii aan ka
daawaday Universal TV mudaaharaadkii
ka dhacay garoonka ciyaaraha ee
Muqdisho, kaas oo looga soo
horjeeday qaraankuu cuno-qabatayn ka
qaadkii hubka Soomaaliya ee ay
gaareen QM.
Waxaana
raggii madaxda ahaa ee
mudaaharaadkaas ka qayb qaatay ka
mid ahaa Sheekh Yuusuf “Indha-cadde”
oo ah madaxa amaanka maxaakiimta.
Sheekh Indha-cadde wuxuu sheegay
inuu ka soo horjeedo qaraarka QM iyo
inay diyaar u yihiin inay difaacaan
diintooda iyo dadkooda iyo dalkooda.
Taas wuu ku saxsanaa. Xaqa buuna u
leeyahay inuu diintiisa iyo dadkiisa
iyo dalkiisab difaaco. Lakaiin
waxaan u yaabay markii aan maqlay
Sheekh Indha-cadde oo leh;-
“Maraykanka halkanaa lagu
xabaalayaa. Meydkoodaana dhulka lagu
jiidayaa. Anigaan ka mid ahaa dadkii
meydkooda dhulka ku jiiday”
Cajiib iyo amakaag. Waxaa wax lala
yabao ah inuu Sheekh Yuusuf si
caddan ah u qirto danbi aad u weyn.
Taasoon diinta Islaamka ku bannanayn
in ruux meyd ah dhulka lagu jiido
ama la suurad xumeeye.
Laakiin
waxaa iska cad:-
-
Inuusan Sheekh Yuusuf ka fikirin
cawaaqib xumada ay u yeelan
karto guud ahaan ummadda
Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa
Muqdisho iyo hareeraheeda ku
nool.
-
Inuusan ka fikirin inay
Maraykanku awood u leeyihiin
inya meesha uu taaganyahay hal
gantaal oo baabi’iya ku soo ridi
karaan, labo Calina aysan iska
weydiinayn.
-
Inuusan ka fikirin ummadda
Soomaaliyeed ee qurbaha ku nool
gaar ahaan kuwa Maraykanka ku
nool inay dhibaato u keensan
karto.
-
Inuusan ka fikirin ummadda
Soomaaliyeed waddamada reer
galbeedka ah jooga ee kaalmada
iyo taageerada har iyo habeyn
ula taagan maxaakiimta iyo
kacdoonka shacabka ee ka dhacay
koonfurta Soomaaliya.
Intaas aan soo sheegayba kamuusan
fikirin markii uu khudbaddaas
godobta iyo qirashad danbiga
xanbaarsan jeedinayay. Wuxuu arkay
uun sida ay hareerihiisa u
taaganyihiin ragga iyo dumarka ay
isku heybta yihiin. Kuwaas oo kala
badnaaday kun milyan. Wuxuuna la mid
yahay ninkii tuulada Qaawane yimid
uun.
Mohamed-Deeq Abadi-madar ”Haldhaa”
Chairman of The Somali Social
Democrats’ Party (SSDP)
Borlänge, Sweden
haldhaa35@hotmail.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh
qoraaga ku saxiixan