Ciidamo cusub oo hor leh oo ka soo
goostay DFKMG ayaa soo gaaray qaar
kamid ah deegaanada ay Maxaakiimtu
ka taliyaan
Ciidamo ka tirsan kuwa DFKMG oo ka
mid ahaa ciidamadii ku sugnaa
xeradda Manaas ee gobalka Baay ayaa
ka baxsaday xerooyinkii ay ku
sugnaayeen ayagoo ku sii wajahan
goobaha ay ka taliyan Maxakiimta
Islaamiga ah ee Soomaaliya kuwaas oo
dagaal xoogani kala dhaxeeyo dowlada
ku meel gaarka ah.
Waxaa warku intaas ku daray in
Ciidamaan oo ku sugnaa xerada Manaas
ee gobalka Baay ayaa ka baxsaday ka
dib markii ay u adkaysan waayeen
nolosha halkaas ka jirta, waa sida
warku u dhigay'e, oo ah mid aan
lahayn wax daryeel ah waxayna
ciidamadaas ka cabteen xagga nolosha
oo ay sheegeen in ay tahay mid aad
uliidata waxayna go'aansadeen in ay
iskaga haajiraan ayagoo maciin
bidaya dhanka Maxaakiimta.
Ciidamadaan oo tiradoodu gaarayso
110 askari oo sita hubka fudud oo ka
kooban kan qoryo fudud iyo boobayaal
ayaa ka soo fakaday xeradii ay ku
xareysnaayeen, waxayna wararku
sheegayaan in qaar kamid ah
ciidamadaas ay soo gaareen deegaanka
Buur-dhuubo ayagoo sheegay in kuwa
kalana ay ku soo wajahan yihiin
deegaanadaas iyo kuwo kale.
Waxayna sheegen in ay soo gaadhi
doonaan waqtiyada soo socda oo ay
raaciyeen in ciidamada intooda kale
ay jidka ku soo jiraan oo ay soo
kala hormareen oo kaliya, ayagoo
kuwa soogaadhay Buur-dhuubo ay
yihiin 15 askari, halka 85 ta kalana
ay waqti yar ka dib ku soo aadan
yihiin.
Ciidamadaan ayaa lagu soo dhaweeyay
Buur-dhuubo markii ay soo gaadheen
ayagoo daalan waxaana goosashada
maleeshiyooyinkaan ka soo baxsaday
xeradda Manaas ee gobolka Baay ayaa
salka ku heysaa arrimo kala duwan
sida ay sheegayaan wararka iyagoo
uga baxsaday xeradaasi arrimo ay ka
mid yihiin dhaqaalo darro iyo nolol
xumo, iyadoo dagaalkii dhowaan ka
dhacay degmada Diinsoor kaligood
looga soo baxay oo aysan helin wax
gurmad ah iyo taakulo midna.
Ma ahan markii ugu horeeysay ee
ciidamo dowladu ka soo baxsadan
dhanka dowlada ayagoo usoo baxsanaya
dhanka Maxaakiimta, waxayna
gaarayaan Ciidamada dowlada ee ka
soo goostay dowlada ee soo gaaray
dhanka Maxaakiimta ilaa in kabadan
500 oo askari iyo gawaari kuwa
dagaalka ah .
Maxaakiimta oo ciidamadoodu ku sii
jeedan degmada Tiyagloow ee Gobalka
Bakool ayadoo ayna jirin kuwo dhanka
dowlada ah oo ka hor imaanaya
Ciidamada Maxaakiimta ayaa ku sii
dhawaanaya dhanka gobolka Bakool oo
ay ku sii fool leyihiin qaar ka mid
ah degmooyinka Gobolkaas ayadoo
Ciidamo ka tirsan golaha Maxkamadaha
Islaamiga oo shalay kasoo baxay
Gobolka Hiiraan ayaa lagu soo
waramayaa iney soo gaadheen
deeganada Tiyagloow ee Gobalka
Bakool oo ay jirin wax ciidamo ah oo
kuwa dowlada ah oo deegaankaas ku
sugan.
Haddaba wararka ka imaanaya Degmada
Tayagloow oo Baydhabo u jirta
masaafo dhan 270km ayaa waxa ay
tibaaxayaan iney ku sii dhawaanayaan
Ciidamo ka socda Golaha Maxkamadaha
Islaamiga ah ee Soomaaliya kuwaasoo
la sheegay in maalintii shalay ay ka
baxeen Gobalka Hiiraan ayagoo ku sii
jeeda deegano ka tirsan Gobalka
Bakool oo loomalaynayo in ku aadan
yihiin degmada Tayagloow.
Dadka deegaankaas ayaa sheegaya in
ay maamalhaanba wararka sheegaya in
Maxaakiimtu imaanayaan degmadooda la
isla dhex marayay oo aysan
noqondoonin wax cusub hadii ay soo
gaadhaan ciidamda Maxaakiimta
deegaanadaas in kastoo dadka qaar
aysan doonayn in Maxaakiimtu
yimaadaan deegaanadaas ayagoo ku
saleeyey in deegaankoodu yahay mid
Beereed oo ay san doonayn in u noqdo
meel lagu dagaalamo ayagoo ka cabsi
qaba in uu halkaas ka dhaco dagaal
ay isaga hor yimaadaan Maxaakiimta
iyo dowlada.
Inkastoo dadka badankiisu ay diyaar
u yihiin in ay si weyn u soo
dhaweeyaan Ciidamada Maxaakiimtu
marka ay soo gaadhaan ayagoo
sheegeen in ay diyaar u yihiin ku
dhaqanka Shareecada islaamka, iyadoo
Mas'uuliyiin ka tirsan Maxkamadaha
ay sheegeen in wax yar oo kaliya ay
u jiraan deegaankaasi ayaa haddana
la filayn in ay ciidamada ka tirsan
kuwa dowlada ay ka hor yimaadaan
ayadoo ayna jirin wax ciidamo ah oo
ka tirsan dowlada oo ku sugan
deegaanadaas taas oo Ciidamada
Maxaakiimta u fududeyn doonta in ay
si sahlan u gaadhaan goobo cusub.
Inkastoo ay mas'uliyiinta deegaanku
sheegeen in aysan jirin wax
xidhiidha ah oo ay la soo sameeyeen
Mas'uuliyiinta Maxakiimta balse ay
maqleen in Maxaakiimtu doonayaan in
ay yimaadaan degaanadooda oo ay ka
hir galiyaan ku dhaqanka Shareecada
Islaamiga ah.
Ganacsatada keenta Gawaarida yar-yar
ayaa si weyn uga cabatay lacag
dheeraad ah oo lagu kordhiyay
Canshuurtii laga qaadi jiray
Ganacsatada keenta Gawaarida yar-yar
ee laga ganacsado aya si kulul uga
muujiyay Cabasho ay ka Cabanayaan
lacago dheeraad ah oo lagu kordhiyay
lacagtii Cashuuta ahayd ee laga
qaadi jiray markii hore, taasoo ay
sheegeen dekeda weyn ee Magaalada in
looga qaado lacago xaddhaaf ah oo
lagu kordhiyay Mudooyinkii ugu
Dambeeyay oo ay sheegeen in aysan u
dul qaadan karin oo aysan iska bixin
karin lacagahaan lagu soo kordhiyay.
Haddaba Ganacsatadaan oo maanta
suxufiyiinta ku soo wareejiyay
dekedda Muqdisho oo ay yaalaan ilaa
80 baabuur oo isugu jira Minibus,
Lancrusser, Mark2 iyo kuwo kale oo
yaryar oo qaar ka mid ah uu dajiyay
Markab taagan dekedda oo lagu
magacaabo MV Ledinud ayaa
Cabashadooda ku muujiyay halkaasi
ayagoo cadeeyay in aysan bixin karin
lacagahaa, ayadoo in kabadan 50
shirkadood oo keena babuurta laga
ganacsado
yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiin2006@hotmail.com
002521-5580916