Fahad
Yaasiin Xaaji Daahir :- Dadaalaa Waa
Gaadhaa

Asad
Cadaani Ibraahim
Suuriya Dimishiq.
e-mail:
asadlaska@hotmail.com
Qofkasta oo aduunka ku nool isla
markaana uu ku jiro han ,waxa uu jecel
yahay in uu aqoonta iyo cilmiga meel ka
gaadho , mid ku guulaysta iyo mid ku
guul daraysta ayey u qayb samaan,
qofkastaaba wuxuu ku dadaalaa waddadii
uu u mari lahaa waxa uu higsanaayo in uu
naf iyo maalba u huro.
Dhallinyaradii
kacday burburkii ka dibna waxaa ku adkaatay intoodii
dalka ku hadhay in ay helaan waxbarasho nidaamiya,
haddana may quusan, waxay aad ugu dadaaleen in ay
waxbarshadooda kor u qaadaan iyaga oo dalalka hareeraha
ka xiga Soomaaliya iyo Gasiiradda Carabta abbaaraya.
Fahad Yaasin Xaaji
Daahir wuxuu ka mid ahaa dhallinyaradii kacday xilligii
burburkii dawladii dhexe ee Soomaaliya , wuxuuna ka mid
ahaa dhallinyaradii ku dadaashay in ay aqoontooda kor u
qaadaan oo dagaalka xumi ka dhex socday iyaga iyo
wakhtiga iyo dhibaatada waxbarasho ee ka jirtay dalka.

Fahad Yaasiin |
Fahad Yaasiin
Xaaji Daahir markii isugu kaaya horaysay waxaanu isku
baranay Magaalada Nairobi sanadkii 2000, xilligaas oo uu
Fahad waxbarasho gaaban oo uu ugu maqnaa dalka Yaman ka
soo laabtay, waxaanuna ku kulan Hotel ku yaala xaafadda
Isllii 8street oo lagu magacaabo Ilsan, halkaas
oo aanu isugu iman jiray annaga oo ka kooban dhallinyaro
Soomaaliyeed oo uu isaguna ka mid ahaa sxbkay C/shakuur
Cali Mire (Gaaleri).
Xilligaas waxaa
magaalada Carta e dalka Jabuuti ka socday shirkii dib u
heshiisiinta Soomaalida oo inta badan lagala socon jiray
T.V-yada RTD iyo Ajlazeera oo xagga sare ee Hotel Ilsan
maqaaxi ku taalay lagu daawan jiray, marka laga soo
jeestana doodo iyo aragtiyo laysku weydaarsan jiray.
Waxaa dhici karta
haddaba in dad badani isweydiiyaan kuma ayuu ahaa
wiilkan Soomalaiyeed ee marqudha shabakada aduunka
xilligan ugu afka dheer ee Aljazeera uga soo warama
magaalada Muqdisho?., halkee wax ku soo bartay, oo
luqadan carabiga ah ee uu ku luuqaynayo kaga soo qalin
jabiye?.
Waa su’aalo dad
badani isweydiin karaan , laakiin aqoonta aan u lee
yahay Fahad Yaasiin Xaaji Daahir taas oo ka dhalatay
muddo 2 sanno ah oo aanu meel kuwada noolayn xillina
ayba jirta in aanu isku meel ka soo toosi jirnay, mar
marka qaarkoodna aani laptop wadaagi jirnay, in ay tahay
mucjiso iyo in haddii uu qofku dadaalo uu gaadhi karo
qasadkiisa, yoolkiisa , iyo hadafkuu lahaa.
Guulweyn weeye oo
u soo hooyatay Soomaaliya in maanta la helo wiil
dhallinyaro ah oo Soomaaliya oo saxaafadda carabiga oo
ah dhinac aynu hadaynu nahay Soomaalida aad uga liidano
in uu ku soo baxo, guulana ka gaadho.
Fahad yaasiin
Xaaji Daahir intii aanu ku biirin TV-ga
Aljazeera waxa uu guula ka soo hooyey saxaafadda
Soomaaliya oo uu in badan qoraalo aad loo xiiseeyo ku soo
qoray wargeysyada ka soo baxa Muqdisho, gaar ahaan
Ayaamaha iyo shabakadda ugu caansan Soomaaliya uguna
nadiifsan
www.somalitalk.com,
maqaaladiisuna ahaayeen kuwo aad dhagaha iyo indhahaba
loogu raariciyo.
Fahad maaha
saxafi ka soo qalin jabiyey kuliyada saxaafadda ee waxa
weeye nin dhallinyaro ah oo dadaalay carabigana bartay
kuna dhaqaaqay sidii uu guul uga soo hoyn lahaa, waana
arrin mudan ku dayasho, oo qofkasta oo dhallinyaro ah oo
maanta jooga gudaha iyo dibaddaba uu isku hawlo sidii uu
carabiga u baran lahaa uguna difaaci lahaa karaamada
Ummadda Soomaaliyeed, waxaana jirta in ay banaana yihiin
gobo badan oo maanta looga baahan yahay dhallinyarada
Soomaaliyeed ee Luqadda Carabiga qorta kuna hadasha,
waxaana lana odhan karaa Kinalka Aljazeera waxa uu soo
celiyey sharaftii iyo haybaddii luqadda Carabigu lahayd,
oo maanta noqotay Luqad ay reer galbeedku aad u
danaynayaan si ay u ogaadaan waxa ka socda Bariga Dhexe
iyo Dunida Islaamka.
Waxaan maqaalkan
ku soo gabgabeynayaa (Dadaalaa
Waa Gaadhaa)
من جد
وجد ومن زرع حصد
Asad Caddaani
Ibraahim
Suuriya Dimishiq.
Faafin: SomaliTalk.com | Dec 12, 2006
Soomaaliya:
Halista HIV/AIDS iyo Xudduudaha Laga Tallaabo
Warbixin: Berbera oo noqotay meesha ugu AIDS-ka
badan Dhulka Soomaaliyeed...
Akhri...


|