SIMINAAR ISLAAMI AH OO LAGU QABANAYO ODENSE,
DENMARK
Ascwrwb
Dhammaan ragga iyo dumarka iyo weliba
dhalinyarada soomaaliyeed waxaa lagu casumayaa
inay ka soo qaybgalaan siminaar islaami ah oo la
xiriira tarbiyadda islaamka. Siminaarka waxaa
soo jeedin doona culumo iyo aqoonyahanno
soomaaliyeed oo dibadda nooga imaan doona.
Waxay culumadan soomaaliyeed muxaadaraadkooda ku
lafo-guri doonaan guud ahaan dhibaatooyinka
jaaliyadaha muslimka kala soo gudboonaada
dalalka galbeedka, iyagoo kana jawaabi doona
weydiimaha la soo weydiiyo.
Goorta iyo goobta lagu qabanayo siminaarka waa
sidan:
Taariikh: 21.12.2006 Saacadda 14.00 duhurnimo.
Goobta siminaarka uu ka dhacayo: Badstuen,
qolalka shirarka
cinwaanka waa Østre Stationsvej 25, 5000 Odense
C
Wixii faahfaahin dheeraad ah waxaad soo wici
kartaa Ibraahim Saalax Mobil-kan: 45-5196 8522


|