Wararkii: Dec
21, 2006
- Warar dheerad oo ku saabsan Dagaaldii ka dhacay
Daynuunaay iyo Iidaale.
- Maxkamadaha Iyo Dowladda Federaalka oo isla ogolaadeyin ay
ka qaybgalaan
- Ciidamad Itoobiya ee ku sugan Magaaladda Baydhabo oo.
- Ciidamada Maxkamadaha oo ku dhawaadey Xerada Manaas ..
Warar dheerad oo ku saabsan Dagaaldii ka dhacay
Daynuunaay iyo Iidaale.
Wararka kala duwan ayaa ka soo baxaya Dagaalka ka socda
daafaha Magaalada Baydhabo ee u dhexeeya Maxkamadaha iyo
Itoobiya wuxuuna dagaalkaan ahaa dagaalkii ugu qaraaraa ee
dhaxmara labada dhinac iyadoo laysku adeegsanayo hubka
noocyadiisa kala duwan wuxuuna dagaalkaasi ka socday aaga
Iidaale iyo aaga Deynuunaay,waxaana lagu waramay in si aad
ah layskugu adeesanayay Madaafiicda goobta. Ilaa hadda lama
garanayo khasaaraha dagaalka balse warar ayaa sheegaya in
labada dhinac ay kaga dhinteen 25 ruux waxaana ka dhaawacmay
ilaa iyo 60 qofood,
Ciidamada aaga iidaale ee Maxkamadaha ayaa wararku sheegeen
in iyagu guulo ka
gaaray dagaalkaasi waxayna gacanta ku dhigeen dhawr gaari oo
Tikniko ah waxayna maxaabiis ahaan u qabteen ilaa iyo 20
askari oo la sheegay in uu ku jiray askari itoobiyaan ah
balse wararkaasi wax xaqiijin kara ma jiraan Ciidamada
Maxaakiimta islaamiga ayaa ku soo dhawaadey Xaradda manaas
oo ku taal duleedka Magaalada Baydhabo hase yeeshee afhayeen
u hadlay Dowlada Fedaraalka ayaa waxa uu sheegay in ay iska
difaaceen dagaaladii ka dhacay deegaanka Daynuunaay iyo
Iidaale isagoo sheegay in ay khasaaro gaarsiiyeen ciidamada
Maxkam-adaja islaamiga,
Maxkamadaha Iyo Dowladda Federaalka oo isla ogolaadeyin ay
ka qaybgalaan
Waxa maalintii shalay ahayd yimid wadanka soomaaliya wafdi
ka socda Midowga Yurub oo uu hogaaminayay madaxa hormarinta
loIs Micheal wuxuuna kuluamo la yeesheen Dowlada Fedaraalka
iyo Maxaakiimta islaamiga, Waxay Magaalada Baydhabo kula
kulmeen Raiisul Wasaare Cali Maxamad Geedi waxayna isla soo
qaadeen Khilaafka u dhaxeeya Dowlada iyo Maxkamadaha iyadoo
Cali Maxamad Geedi uu balan qaaday in ay diyaar u yihiin in
khilaafka lagu dhameeyo wadahadal,
Markay soo gaareen Magaalada Muqdisho waxay kulamo
layeesheen madaxda Golaha Maxaakiimta islaamiga oo uu ku
jiray Madaxa Golaha Shuurada Shiikh Xasan Daahir Aways
waxayna maxkamaduhu balan qaadeen in ay diyaar u yihiin
bilaa shuruud in ay dib ugu laabtaan wadahadalkii u
dhexeeyay Dowlada iyo Maxaka-madah,wuxuua wafdigaan
imaanshihiisa ku soo beegmay xilli dagaal qaraar u dhexeeya
Maxkamadaha iyo Dowlada Fedaraalka oo gacan ka helaya
Dowlada Itoobiya
Ciidamad Itoobiya ee ku sugan Magaaladda Baydhabo oo.
Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baydhabo waxay sheegayaan
in maalintii shalay ahayd ciidamada Itoobiya ay ku sugan
Magaalada Baydhabo ay shalay xanibaad ku soo rogeen
dhaqdhaqaaqii Gaadiidka ay lahaayeen dadka rayad ka ah kadib
markii ciidamada itoobiya ay ka shakiyeen dadka soomaaliyeed
ay ku nool halkaas,
Ciidamada itoobiya waxay si aad ah u baarayeen Gaadiidka
waxayna dadka qaarkii sheegeen in muddo saacada ah ay iska
haysteen, waxay kaloo sheegeen in marka qaarkood loola
dhaqmayay si aad u fool xun oo ay ku jirto handadaad iyo
cagajugleyn,
Ciidamada itoobiya oo ku sugan halkaa ayaa waxaa la sheegay
in ay ka badan yihiin dadka ku nool Magaalad Baydhabo
waxaana arkaysaa gawaaridooda oo si aad ah isku dhaafaya,
marka qaarkood waxaad arkaysaa iyaga oo lugeynaya bartamaha
Magaalda Baydhabo sidoo kale ciidamada itoobiya ku sugan
magaaladaasi ayaa waxaa wajiyadooda ka muuqata cabsi iyo
argagax ayagoo ka shakisan cidkasta oo soomaali ah oo ka hor
timaada,
Markuu bilaawmay dagaalka u dhaxeeya Maxkamadaha iyo
ciidamad itoobiya ayaa waxaa Magaalada Baydhabo si aad ah
ugu soo kordhay ciidamo itoobiyo ah waxaana gabi ahaan
amaanka la wareegay ciidamada itoobiya iyagoo ciidamadii
booliska ee ku sugnaa halkaa loo sheegay in ay iska Joogaan
guryahooda inta ay iska badalayso xaalada dagaalka ee hadda
socda, ciidamada itoobiya oo ku sugan magaalada baydhabo
ayaa haatan la” meel ay geeyaan dhaawacooda waxaana la
sheegay in askarta dhaawac culusi uu ku yiilay diyaarad laga
saaray magaalada Baydhabo
Ciidamada Maxkamadaha oo ku dhawaadey Xerada Manaas ..
Ciidamada Maxaakiimta oo ku sugan Aaga iidaale ayaa si aad
ah ugu sii siqanaya xeradda Manaas oo 30km u jirta Magaalada
Baydhabo waxaana la arkayay iyadoo xeradaasi laga daad
guraynayo ciidamadii horay ugu jiray ee Dowlada Fedaraalka,
waxaa la maqlayay rasaasta ka imaanaysa dhinaca maxkamadaha
oo si aad ah ugu soo dhawaanaya Magaalada Baydhabo, Maxamad
ibraahim bilaal oo ah Gudoomiyaha Maxkamadaha Al Bilaal
wuxuu sheegay in ciidamada Maxaakiimta islaamiga ay gacanta
ku dhigeen xewradda Manaas hase yeeshee wararkaasi wax
xaqiijinaya ma jiraan sidoo kale dowlada fedaraalka wax war
ah kama soo saarin hadalka ka soo yeeray Maxaakiimta ee
qabsashada xaradda Manaas,
Haddii ay ciidamada Maxaakiimta ay qabsadaan waxaa
fududaanaya qabsashada Magaalda Baydhabo waayo xeradaasi
waxay aheyd Xeredii ugu weyneyd ee Dowlada Fedaraalka,
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail
amiinkhasaaro@hotmail.com
Daawo:
Nin Soomaali ah oo ay Dhaawaceen Booliska Minneapolis
Faafin: SomaliTalk.com |
Dec 21, 2006
Dagaal
Culus oo Ka Dhacag Gobolka Bay...
Arbaca, Dec 20, 2006: Wararka ka imanaya Gobolka Bay
waxay sheegayaan in dagaal culus uu ka dhacay aggaa
magaalada Baydhabo ee xarunta u ah DFKMG.
Sida ay weriyeen wakaaladaha wararku, waxaa dagaal ka
qarxay meel magaalada Baydhabo u jirta 20km, xilligaas oo
magaalada Baydhabo ay ku sugnaayeen wafti ka socda Midowga
Yurub.
Sida ay werisey ha'yadda AP, markii dagaalku bilowday,
dhawr boqol oo ah ciidamada Itoobiya oo wata 13 gaari oo
kuwa militeriga ah iyo hub culus ayaa lagu xoojiyey
ciidamada DFKMG, warkaas oo ay hay'addu ka soo xigatey
sarkaal u hadlay dowladda oo diidey in magaciisa la sheego
warka oo xasaasi ah awgeed, waa sida hay'addu hadalka u
dhigtay'e.
Wasiir kuxigeenka diifaaca ee DFKMG, Salaad Ali Jeelle,
waxa uu AP u sheegay in maxkamaduhu ay soo weerareen oo uu
dagaalku hadda socdo. Waxa kale oo hay'adaha wararku
weriyeen in maxkamaduhuna sheegeen in ayaga la soo weeraray,
sida uu sheegay Sheikh Cabdulkadir Cali oo ka tirsan madaxda
sare ee Maxkamadaha.
Louis Michel, oo ka socda Midowga Yurub, markii uu la
shirayey Ra'iisul wasaare Cali Maxamed Geeddi iyo Madaxweyne
cabdullaahi Yuusuf ayaa dagaalku ka bilowday tuulooyinka
Daynunay iyo Moode Moode oo cirifka ka saaran Baydhabo.
Afhayeenka Maxkamadaha, Cabdirahin Cali Muudey, waxa uu
sheegay in maxkamaduhu la wareegeen Daynunay. Halka ay DFKMG
ah ay sheegtay in ay ayagu halkaas gacanta ku hayaan.
Sheikh Maxamed Ibraahim Bilaal ayaa isaguna hay'adda AFP
u xaqiijiyey dagaalka ka dhacay Daynunay.
Waxa kale oo lagu soo waramay in dagaal ka dhacay aagga
Iiddale.
Ma jiraan warar rasmi ah oo sheegaya ilaa hadda
khasaarada dhimashada.
Waxa ay werisey hay'adda wararka ee Reuters in magaalada
Baydhabo ay dadku ka qaxayaan dagaalka kusoo dhoweeday
awgeed. Waxaana warku intaas ku daray in dagaalku ka
bilowday labo aag oo ah: Iidale oo 55 km Koonfur ka xigta
Baydhabo, iyo Buulo Jadiid, oo 23 km Woqooyi ka xigta
Baydhabo.
Isha: Wakaladaha wararka.. Dec 20, 2006
Barnaamijkii
Radio Xoriyo
19 December 2006
Ogaadeenya: Dagaallo lagu
jabiyay ciidammada cadowga Itoobiya.
Dadwayne uu gumaysigu
meelo kala duwan ku xidhxidhay.
Ciidamada Itoobiya oo toogtey Wiil Geel la jooga.
Dawladaha Yemen iyo Suudan
oo ku howlan baajinta dagaal ka dhaca Soomaaliya.
Ciidamo Itoobiyaan ah oo
soo galiy Balanballe.
Xabsiga Garabcase iyo
waraysi meelo badan taabanaya oo aan la yeelanay Yuusuf
Jaamac.
Barnaamijkii
Dareenka dadweynaha (Q2aad).
=====================
Ogaadeenya: Dagaallo
lagu jabiyay ciidammada cadowga Itoobiya.
Wariyaha RX uga soo
warrama xarunta dhexe ee Jabhadda Waddaniga Xoreynta
Ogaadeenya ayaa noo soo sheegay dagaallo badan oo dhex
maray ciidammada xoreynta Ogadeenya iyo kuwa saama
la-luudka ah ee gumaysiga Itoobiya, waxaana dagaalladaas
ciidammada cadowga ka soo gaadhay dhibaatooyin aad u
ba’an. Dagaalladani waxay u dheceen sidatan;
30/11/06 cutub
ka tirsan ciidammada xoreynta Ogaadeenya ayaa weerar mir
ah ku qaaday ciidammada gumaysiga Itoobiya ee ku sugan
degmada Xamaro, waxayna weerarkaas kaga dileen 4 askari,
3 kalana way kaga dhaawaceen.
05/12/06 weerar
mr ah oo ciidammada xoreynta Ogaadeenya ay sidoo kale ku
qaadeen ciidammada dac-darraysan ee gumaysiga ee
fadhigoodu yahay magaalada Dhagaxmadow, waxay ugu
gaysteen khasaare ba’an on faahfaahintiisa la haynin.
Markii ay taariikhdu ahayd
08/12/06 waxay ciidammada xoreynta Ogaadeenya jidka u
galeen kolonyo baabuur ah oo ay lahaayeen ciidammada
gumaysiga Itoobiya, kuwaasoo marayay Jinnoole, oo ka
tirsan degmada Wardheer, waxaana laga gubay hal baabuur,
iyadoo inta la hubo ay weerarkaas ku dhinteen 11 ka mid
ah ciidammada maxaysatada ah ee Itoobiya, 19 kalana ay
ku dhaawacmeen. Askarta weerarkan lagu laayay waxaa ku
jiray laba sargaal.
09/12/06 waxaa
sidoo kale jidka loo galay ciidammo gumaysiga ah oo
marayay Far-hareeri, waxaana laga dilay 6 askari, 8
kalana waa laga dhaawacay.
16/12/06 dagaal ka dhacay
Jaleelo, oo ka tirsan degmada Shilaabo, waxaa ciidammada
gumaysiga Itoobiya lagaga dilay 14 askari, 19 kalana waa
lagaga dhaawacay.
Wuxuu kaloo wariyuhu noo
soo sheegay in guddoomiyaha Hooggaanka Arrimaha Gudaha
Halgame Cabdi Cadullaahi uu tababar muddo soconayay u
soo xidhay cutubyo ka tirsan Ciidammada Hanqadh markii
ay bisha Disember todobada ahayd. Tababarkan, oo lagu
bixiyay cashirro kala duwan, ayaa u socday ciidammadan
intii u dhaxaysay 25/11 – 07/12/06.
Dhinaca kale wuxuu
wariyuhu noo soo sheegay askar badan oo ka goostay
ciidammada dac-darraysan ee gumaysigu ku soo daabulay
dalka Ogaadeenya. Markii ay taarikhdu ahayd 28/11/06
ciidammada gumaysiga ee ku sugan magaalada Erar waxaa ka
goostay 50 askari, kuwaasoo baxsaday, ka dib markii ay
dileen sargaalkii watay.
29/11/06 waxaa
sidoo kale magaalada Baabili ka goostay ciidammo
konomeeyo lagu qiyaasay oo labo baabuur watay.
Dadwayne uu
gumaysigu meelo kala duwan ku xidhxidhay.
Ciidammada gumaysiga
Itoobiya yaa meelo kala duwan oo Ogadeenya ka mid ah ku
xidhxidhay dadwayne rayad ah oon waxba galabsanin.
Markii ay taariikhdu ku
beegnayd 15/12/06 waxay ciidammada nacabka ah ee
gumaysigu ku xidhxidheen magaalada Dhagaxmadow dad rayad
ah oo tiradoodu 25 qof gaadhayso. Dadka aan magacyadooda
helnay waxay kala yihiin;
1-
Sawda Ursad
2-
Bishaaro Maxamed
3-
Nimco Maxamuud
4-
Naadis Maxamuud
5-
C/risaaq Maxamed iyo
6-
C/raxmaan Muuse
Horraantii Bisha Disember
waxay sidoo kale ciidammada gumaysigu ku xidhxidheen
magaalada Garbo dadka kala ah;
1-
Abshir Maxamed Cali
2-
Deex Xasan Xaaji
3-
Nuur Macallin Xaashi
4-
Tamaan Axmed Sahal
5-
C/rashiid Sh Maxamuud iyo
6-
Cabdi Abaar-diid, oo ka mid ahaa malleeshiyada
Dabaqoodhiga loo yaqaano, hase yeeshee la xidhay, ka dib
markii u diiday inuu mushaaro la’aan ku shaqeeyo.
Ciidamada Itoobiya oo
toogtey Wiil Geel la jooga.
Wararka naga soo gaadhaya Gobolka Nogob, gaar ahaan
degmada Salaxaad ayaa waxay sheegaya in Ciidamada
nacabka Gumeysiga Itooobiya ay todobaadkan ku dileen
Wiil Geel la jooga meesha lagu magacaabo Farjane oo u
dhow degmada Salaxaad.
Wiilkan oo aanan haynin magaciisa kowaad ayaa naloogu
sheegay Ina Maqadin Cabdi.
Ma jirto wax sabab ah oo loo diley wiilkaas, ciidamada
Itoobiya aaya dadka iyo duunyada Ogadeniya meel kasta oo
ay kaga soo hor baxaan rasaas ooda kaga qaada, taasi oo
u nooqtey nolol maal-meed dadka shacabka ah ee aan waxba
galabsan.
Dawladaha Yemen iyo Suudan oo
ku howlan baajinta dagaal ka dhaca Soomaaliya.
Dawladaha dalalka yemen
iyo Sudan ayaa waxay bilaaween dadaalo cusub oo lagu
dhex dhexaadinayo xukuumada Itoobiya iyo Golaha
Maxaakiimta Islaamiga ah si loo baajiyo dagaal ka qarxa
dalka Soomaaliya.
Hadaba warar hor dhac ah
oo ay baahiyeen qaar ka tirsan wakaaladaha wararkaee
dalka Yemen ayaa waxay sheegayan in Dawladda Yemen iyo
Suudaan wadaan dadaalo ay ku qancinayaan dawlada
Itoobiya in ciiidankeeda ka jooga dalka Somaaliya ay
kala baxdo.
Wasiirka Gaashaandhigga
dowladda Suudaan Jen. C/raxmaan Maxamed Xuseen oo
Sabtidii u safrey Magaalada Addis ababa ee dalka
Itoobiya ayaa wada dadaal ku aadan in Itoobiya ay
ciidamadeeda kala baxdo gudaha dalka Soomaaliya isla
markaana ay taageerto dadaalka wadahadallo laga dhex
furo dhinacyada isku haya siyaasadda Soomaaliya.
Sidoo kale, warku wuxuu intaa ku daraya in Madaxweynaha
dalka Yemen Cali Cabdalla Saalax uu xiriir la sameeyey
Meles Zenawi, isaga oo u sheegay sidii uu ciidamadiisa
ku sugan gudaha Soomaaliya uu uga qaadan lahaa, isla
markaana wadahadalladii dowladda KMG iyo Maxkamadaha
Islaamiga dib loogu furi lahaa.
Ciidamo Itoobiyaan ah oo soo galiy Balanballe.
Wararka ka imanaya degmada
Balan Bale ee Gobolka Galguduud ayaa sheegayaa in
Ciidamo Itoobiyaan ah ku hubeysan ugu yaraan 20
gawaadhida dagaalka ah ay magaaladaas soo galeen, iyaga
oo sii xoojinaya ciidamo hore u joogey aagaas.
Dhinaca kale, Ciidamo
Itoobiyaan ah oo mudo joogay deegaano ka tirsan Gobolka
Hiiraan, gaar ahaan tuulooyinka Sabal Xume iyo Qajaabuur
ayaa dib uga laabtay goobihii ay ka soo kicitimeen oo ah
deegaanada Mustaxiil iyo Godey ee Ogadeniya.
Dhaq dhaqaaqyada ay wadaan
Ciidamada Itoobiya ayaa ku soo beegmay xiligi ama
waqtigii Maxkamadaha Islaamka ay u qabteen in Ciidamada
Itoobiya ay kaga baxaan gudaha Soomaaliya.
Si kastaba ha ahatee,
Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Xuduuda ay Ogadeniya la
wadaagto
Gobolada dhexe ee
Soomaaliya ayaa wada dhaq dhaqaaqyo xoogan.
Shir balaadhan oo ka
dhacay Holland.
Maalintii Sabtida ahayd ee
ee aan soo dhaafnay aya wuxu shir weyn ka dhacay
magaalada Arhnem ee wadanka Holland,shirkaas oo ay soo
qabanqaabisay jaaliyada Ogadenya ee Holland ayaa waxaa
ka qayb galay gudomiyaha Hogaanka Arimaha dibada iyo
Jaaliyadaha ee jwxo Mudane Cabdiraxmaan Sheekh mahdi
wuxuuna halkaas warbixino meelo badan taabanaya oo
kusaabsan halganka siiyey dadkii kasoo qayb galay
shirkaas.
Kulankaas oo uu
hogaaminayay wakiilka jwxo ee wadanka Holland Mudane
Sooyaan Caduur waxaa kasoo qayb galay dadweyne tiro
badan oo isugu jira Xubno sarsare oo jwxo
ah,culimo,awdiin,Odayaal,hooyooyin, iyo
dhalinyaro,waxaana shirkaas lagu lafaguray heerka uu
maanta taagan yahay halganka loogu jiro xoreynta
Ogadenya iyo sidii loo taageeri lahaa,sidii jaaliyada
Ogadenya ee wadankaasi Holland loo dardar galin lahaa si
ay howlaheeda ku aadan halganka sare ugu qaado iyo ugu
dambayntii inay madaxda jwxo ,xubnaha firfircoon, iyo
taageerayaashuba ka hormariyaan danahooda khaaseed mida
halganka iyo wax uqabadka Umaddaas dulman.
Dhinaca kale Jaaliyadda
soomaaliyeed ee ku nool wadanka danmark ayaa mudaharaad
ku qabatay kasoo horjeedka aqalka baarlamaanka ee
magaalada Copenhagen maalintii Axada ahayd ee 17-12-2006
Banaanbaxaas waxaa kasoo qayb galay dad aad u farabadan
, waxayna u jeedadiisu ahayd in la muujiyo in aanay
ummadda soomaaliyeed u baahnayn ciidamo ajnabi ah gaar
ahaan itoobiyaanka , iyo weliba inay wadanka ka baxaan .
Waxaa banaanbaxaas soo
qaban qaabiyey ururo kala duwan oo jaaliyaddu leedahay
uuna hor kacayey markazka jaaliyadu ku leedahay
magaalada Copenhagen ee caasimada Denmark.
19
December 2006.
Axmed
Xidig & Axmed Gaal-Eri
Info@radioxoriyo.com
raadioxoriyo@yahoo.com
Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 31 MB
ee dhererkeedu yahay 9445 KHZ,iyo internetka
Radioxoriyo.com,Ogaden.com
Maalinta Talaadada ah 7:00PM – 8:00 waqtiga Afrikada
Bari
Aragtiyo kala
duwan oo ay shacabku ka bixiyeen Digniintii ay ka laabteen Maxkamaduhu
.Minnesota: Booqashadii Garaad Jaamac Inver Hills College
.Gabar lagu kufsaday Garoowe oo xiisad halkaa ka abuurey..
.Xiisada ka taagan Degmada Baardheere..
.Banaanbax ay dhigeen dadka degan deegaan Warshadda...
.Ciidamo mar kale ka goostay xerada Manaas..
.Wafdi ka socda Midowga Yurub oo maanta ku wajahan
Wararka oo dhan
ka akhri halkan... Dec 20
Sheekii Qoray Kitaabka Al-Raxiiq
Al-makhtuum oo Geeriyoodey

Waxaa dalka India Jimcadii
1-12-2006 ku geeriyoodey Sheekh Safiyu raxmaan mubaarak
fuuri oo Allaha u naxariistii janno ka waraabiyee ahaa
caalimkii qorey kitaabka caanka noqdey ee ka hadla
Siirada Nabi Muxamed (CSW), laguna magacaabo Al-raxiiq
Al-makhtuum. Kitaabkan oo ay dad badan aamisanyihiin
inuu yahay kitaab ka mida kuwa ugu qiimaha badan
qoraaladii laga sameyey ilaa hadda Siiradda Nabiga (CSW) iyo
tariikhdii ku xeernayd nolashii suubanaheena iyo waliba
halgankii dheeraa ee u galay faafinta Diinta.
Sheekh Mubaarak Fuuri
waxaa uu ku dhashay tuuladda Xuseen Abaad ee ku taal
dalka India sanadkii 1942kii, wuxuuna waxku bartay
kuliyadda Al salafiya oo uu ku takhasusay culuumta
Fiqiga iyo Xadiiska rasuulka, taasoo uu markii danbana
dadka uu aad bari jirey intii aanu unu u guurin dalka
boqortooyada Sascuudi Carabiya oo uu noqday macalin
culuumta Islaamka ka dhiga Jamacadda ( The Islamic
University) ee ku taal magalada Madiina Al munawara
intii u dhaxaysay (1988-1998kii). Waxa kale oo uu
sheekhu cilmi baare dhanaca diinta Islaamka ka ahaa
makatabadda Daar al salaam ee ku taal magalada Riyaad.
Inkasta oo uu sheekhu aad
ugu soo caan baxay kitaabkiisa Al-raxiiq al-makhtuum
hadana waxa uu qorey kitaabo aad u badan oo wax tar wayn
u yeeshay ardeyda barata culuumta Islaamka iyo dhamaan
muslimiinta, waxaan ka xuusi karnaa qoraaladaas dhaxal
galka ah, sharax calaa saxiix al muslim, talkhiis
tafsiir ibnu kathiir, sharx buluuq al maraam, rowdtu al
anwaar fii siiratu al nabiyu al mukhtaar iyo kuwo kale
oo badan.
Sida la ogsoonyahay
kitaabka Siirada ha ee Al-raxiiq almakhtuum wuxuu ka mid
yahay kutubta aadka ay Soomaalidu u xiisayso aadna culima
badana ay duruus ka bixiyeen, kuwaasoo ilaa iminka laga
helayo meelo badan cajaladihii laga duubay oo dafaha dunida
iyo meelkasta oo Soomaalidu ku nooshay laga helo.waxaana
ka mid ah culimada kitaabkaas aadka u akhriyi jirey
hadana u akhriya Sheekh Daahir, Sheekh Aadan Siiro iyo
kua kale.
Cabdi Yuusuf
Qaahira
horrisom@yahoo.com
Soomaalida
Minnesota oo Taageeray Musharaxnimada Faarax Macallin Dawaara
"Nabadda
Geeska Afrika waxay ku xiran tahay xorriyad la siiyo gobolada la Gumeysto"
Sidaas waxaa yiri....
Akhri....


|