Louis Michel
iyo Xasan Dahir Aweys oo Wadahadlo ku yeeshay
Muqdisho
Wafdi
ka socda Midowga Yurub oo uu horkacayay Louis
Michel oo ah ergeyga horumarinta u qaabilsan
Midowga Yurub ayaa Arbacadii gelinkii dambe
kasoo degey garoonka diyaradaha ee magalada
muqdisho islamarkaana wada hadalo kula yeeshay
Magaalada Muqdisho Madaxda Maxkamadaha Islaamiga.
Wafdigaan oo si diiran loogu soo dhaweeyay
garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho
Guddoomiyaha golaha shuurada iyo kuxigeenka
Golaha Fulinta Maxkamadaha Mr Jiniqow iyo
masuuliyiin kale ayaa markii dambe waxay
wadahadalo kula yeesheen Hotelka Ramadaan ee
Muqdisho masuuliyiinta maxaakiimta islaamiga ah
ee uu ka mid yahay Sheekh Xasan Dahir Aweys.
Wafdigaan ayaa waxa ay horey u soo mareen
magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay,
halkaasi oo kulamo ay kula soo qaateen
Masuuliyiinta dowladda Federaalka Soomaaliya.
Wafdigaan ayaa ujeedkoodu yahay sidii loo baajin
lahaa dagaalka ka qarxa gudaha Somalia, inkastoo
maanta dagaal kulul oo u dhaxeeya maxkamadaha
iyo dowladda uu ka dhacay gobolka Baay.

yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiin2006@hotail.com
002521-5580916
Isha: Wakaladaha wararka.. Dec 20, 2006
Soomaalida
Minnesota oo Taageeray Musharaxnimada Faarax Macallin Dawaara
"Nabadda
Geeska Afrika waxay ku xiran tahay xorriyad la siiyo gobolada la Gumeysto"
Sidaas waxaa yiri....
Akhri....


|