Warar:
Dec 20, 2006
- Minnesota:
Booqashadii Garaad Jaamac Inver Hills Community College
- Aragtiyo kala duwan
oo ay shacabku ka bixiyeen Digniintii ay ka laabteen..
- Gabar lagu kufsaday
Garoowe oo xiisad halkaa ka abuurey..
- Xiisada ka taagan
Degmada Baardheere..
- Banaanbax ay
dhigeen dadka degan deegaan Warshadda Baastada..
- Ciidamo mar kale ka
goostay xerada Manaas..
- Wafdi ka socda
Midowga Yurub oo maanta ku wajahan .
Dagaal Culus oo Ka Dhacag Gobolka Bay...
Arbaca, Dec 20, 2006: Wararka ka imanaya Gobolka Bay waxay sheegayaan in dagaal culus uu ka dhacay aggaa magaalada Baydhabo ee xarunta u ah DFKMG.
Sida ay weriyeen wakaaladaha wararku, waxaa dagaal ka qarxay meel magaalada Baydhabo u jirta 20km, xilligaas oo magaalada Baydhabo ay ku sugnaayeen wafti ka socda Midowga Yurub.
Sida ay werisey ha'yadda AP, markii dagaalku bilowday, dhawr boqol oo ah ciidamada Itoobiya oo wata 13 gaari oo kuwa militeriga ah iyo hub culus ayaa lagu xoojiyey ciidamada DFKMG, warkaas oo ay hay'addu ka soo xigatey sarkaal u hadlay dowladda oo diidey in magaciisa la sheego warka oo xasaasi ah awgeed, waa sida hay'addu hadalka u dhigtay'e.
Wasiir kuxigeenka diifaaca ee DFKMG, Salaad Ali Jeelle,
waxa uu AP u sheegay in maxkamaduhu ay soo weerareen oo uu dagaalku hadda socdo. Waxa kale oo hay'adaha wararku weriyeen in maxkamaduhuna sheegeen in ayaga la soo weeraray, sida uu sheegay Sheikh Cabdulkadir Cali oo ka tirsan madaxda sare ee Maxkamadaha.
Louis Michel, oo ka socda Midowga Yurub, markii uu la shirayey Ra'iisul wasaare Cali Maxamed Geeddi iyo Madaxweyne cabdullaahi Yuusuf ayaa dagaalku ka bilowday tuulooyinka Daynunay iyo Moode Moode oo cirifka ka saaran Baydhabo.
Afhayeenka Maxkamadaha, Cabdirahin Cali Muudey, waxa uu sheegay in maxkamaduhu la wareegeen Daynunay. Halka ay DFKMG ah ay sheegtay in ay ayagu halkaas gacanta ku hayaan.
Sheikh Maxamed Ibraahim Bilaal ayaa isaguna hay'adda AFP u xaqiijiyey dagaalka ka dhacay Daynunay.
Waxa kale oo lagu soo waramay in dagaal ka dhacay aagga Iiddale.
Ma jiraan warar rasmi ah oo sheegaya ilaa hadda khasaarada dhimashada.
Waxa ay werisey hay'adda wararka ee Reuters in magaalada Baydhabo ay dadku ka qaxayaan dagaalka kusoo dhoweeday awgeed. Waxaana warku intaas ku daray in dagaalku ka bilowday labo aag oo ah: Iidale oo 55 km Koonfur ka xigta Baydhabo, iyo Buulo Jadiid, oo 23 km Woqooyi ka xigta Baydhabo.
Isha: Wakaladaha wararka.. Dec 20, 2006
Daawo:
Nin Soomaali ah oo ay Dhaawaceen Booliska Minneapolis
Minnesota: Booqashadii
Garaad Jaamac Inver Hills Community College
December 19, 2006 saacadu
markay aheyd kow iyo tobankii subaxnimo ayaa Garaad Jaamac
Garaad Ali Garaad Jaamac booqdey Inver Hills Community
College. Booqashada Garaad Jaamac ayaa ka dambeysey kadib
markii sabtidii December 16, 2006 lagu kala saxiixdey
heshiis ka dhexeyn doona Jaamacada Nugaal University iyo
Inver Hills Community College. Garaad Jaamac ayaa waxa ku
soo dhaweeyey Inver Hills madaxweynaha kuliyada laguna
magacaabo Cherly Frank iyo 13 dean oo ka kala socdey qaybaha
kuliyada. Garaad Jaamac ayaa waxa lagu qaabiley qolka
shirarka ee kuliyada ka bacdina waxa lagu soo wareejiyey
kuliyada oo dhan, iyadoo oo ay horkaceysey madax weynaha
kuliyada Cherly Frank.

Intii uu ku jirey Garaad
Jaamac booqashada ayaa waxa uu la kulmey ardeyda
Soomaaliyeed ee dhigta kuliyada iyo macalimiinta wax ka
dhiga kuliyada. Markii algu soo wareejiyey kuliyada oo dhan
Garaad Jaamac ayaa waxa lgu soo celiyey qolkii shirarka,
halkaas oo Garaad Jaamac lagu gudoonsiiyey hadyado kal duwan
oo isugu jirey noocyo badan balse qaar aanu halkan ka xusi
karno sida koofiyado, iyo sunaanado ay ku qornaayeen magaca
kuliyada Inver Hills Community College, halkaas oo Garaad
Jaamc Garaad Ali u mahad celiyey madaxda kuliyada iyo sidii
ay u soo dhaweeyeen.
Somali Media, Abdimalik Askar
aabdimalik@hotmail.com
Aragtiyo
kala duwan oo ay shacabku ka bixiyeen Digniintii ay ka
laabteen..
Todobaadkii hore ayay ahayd markii Golaha Maxaakiimtu todo
maalmood ay u qabteen in ay ciidamada Itoobiya kaga baxaan
dalka Soomaaliya, waxayna markiiba shacabku bilaabeen in ay
tirsadaan maalmahaasi, waxayna qaarkood is oranayeen, ?Waxaa
harsan saddex maalmood??? ?Maya waxaa harsan labo maalmood?..?,
waxayna intooda badan ay qaateen in dagaal qaraar uu dhex
mari doono Ciidamada Itoobiya iyo Golaha Maxaakiimta,
maadaama ciidamada Itoobiya u hogaansami waayeen
digniintaasi. Haddaba shacabka Soomaaliyeed ayaa aragtiyo
kala duwan ka bixiyey ka laabashada ay Maxaakiimtu ka
laabteen digniintaasi, dadka Qaarkiid waxa uu sheegay in
Maxaakiimta looga baahnaa in ay fuliyaan ballantii ay
qaadeen.
Nin odey ah oo lagu
magacaabo Cusmaan Cali ayaa waxa uu yiri ?Maxaakiimtu way ku
wanaagsanaayeen in ay ka laabtaan digniintaasi, maadaama
Dowladda Itoobiya laga dareemay inay rabto wada hadal in
lagu dhameeyo khilaafka u dhexeeya iyada iyo Maxaakiimta?,
sidoo kale Haweeney lagu magacaabo Faadumo Cusmaan ayaa
waxay tiri ?Digniinta ay jeediyeen Maxaakiimtu waa mid
taagan, maalinkii loo baahdo ayaana la fulin doonnaa,
waxaana leeyahay ciidamada Itoobiya in ay fishaan dagaal
waqti kasta haddii aysan sida ugu dhaqsiyaha badan uga bixin
dalk?, Nin odey ah oo insa lagu magacaabo Xasan Cali ayaa
yiri ?Markii horeba digniintaasi waa loo baahnaa waayo,
ciidamada Itoobiya waxay xoog ku haystaan dalkeena, waxayna
ahayd mar hore in weerar lagu qaado?, ?waan ka war
dhowreynaa waxa ka soo baxa? ayuu sii raaciyey, ?Ciidamada
Itoobiya waxay ka yimaadeen tobonaan kun oo Kiilo Mitir
waxay dalkeena u joogaana waa garadaro, haddii aysan sida
ugu dhaqsiyaha badan uga bixina waxay la kulmi doonaan
waaciqib xumo. Inta badan shacabka Soomaaliyeed waxay
filayeen in Maxaakiimta Islaamiga ah ay weerar ku qaadaan
Magaalada Baydhabo, hase yeeshee markii ay maqleen in
Maxaakiimtu ka laabteen digniintaasi waxay ku tilmaameen
Maxaakiimta kuwo aan ka dhabaneyn waxyaabaha ay
ballanqaadeen.
Gabar lagu kufsaday
Garoowe oo xiisad halkaa ka abuurey..
Wararka ka imaanaya Degmada Garoowe ee Gobalka Nugaal, waxay
sheegayaan in maalintii shalay ahayd degmadaasi ay ka
dhaceen banaanbaxyo looga soo horjeeday kufsi lagu kala
kacay gabar da?deedu tahay 17 jir oo lagala degay gaari ka
yimid Magaalada Boosaaso, mar ay mareysay koontarool ku
yaala Magaalaga Garooswe.
Shacabka ayaa waxay xireen dhamaan wadooyinka soo gala
Magaalafa Garoowe, waxayna Booliiska ka codsanayeen in sida
ugu dhaqsiyaha badan maxkamad loo taago raggii ka dambeeyay
Kufsigaasi iyo waliba dhicii loo gaystay gaarigii ay
gabadhaasi saarneyd.
Hay?adaha xaquuqda Aadanaha ee ka hawlgala Garoowe ayaa
cambaareeyay falka lagu kacay gabadhaasi oo lagu magacaabo
Kaafiya, waxayna gabadhaasi ku jirtaa Isbitaal ku yaala
magaalada Garoowe oo lagu daaweenayo. Ma ahan markii ugu
horeysay oo fal noocaan oo kale ah ka dhaco magaalada
Garoowe, dhawaan ayay ahayd markii Haweenay kooxo maleeshiyo
ah ku kufsadeen Koontaroolka Magaalada Garoowe, booliiska
ayaa ballanqaaday inay gacanta ku soo dhigi doonaan kooxihii
ka dambeeyay falkasi.
Ciidamadii laga keenay
Puntland oo codsady in dib loogu celiyo..
Ciidamadii laga keenay maamul Gobaleedka Puntland oo
tiradoodu gaareysay 1500 oo Askari ayaa waxay codsadeen in
dib loogu celiyo maamul Gobaleedka Puntlanad, kaddib markii
ay saraakiishoodu sheegeen in lagula kacay Takoor lagana
doorbixiday Ciidamada Itoobiya ee ku sugan magaalada
Baydhabo.
?Markii hore aad baa na loo daneynayey, maantase waa nala
tuuray oo waxaa nagala dhaweystay Ciidamada Itoobiya? ayey
yiraahdeen saraakiishaasi oo intaa raaciyey ?Waad ogeydeen
wixii naga qabsaday safarkii dhulka ee ku tagnay Jowhar, iyo
kii aan ku tagnay Baydhabo wixii dhibaato ahaa ee naga
qabsaday?.
Ciidamada Maamul Gobaleedka Puntland ayaa waxaa laga cabsi
qabaa inay sameeyaan gadood la mid ah kuwa ay sameeyeen
Beelaha kale, waxayna haatan waan waan ka dhex socotaa
Madaxweynaha Maamul gobaleedka Puntland Cadde Muuse iyo
Saraakiisha hogaamineysa ciidamadaasi.
Xiisada ka taagan
Degmada Baardheere..
Kooxo maleeshiyo ah oo ku sugan Degmada Baar-Dheere ayaa
markii ay maqleen in Degmada Baar-Dheere ay ku soo wajahan
yihiin Ciidamo ka tirsan Maxaakiimta, waxayna degmadaasi ka
bilaabeen is uruurisi ay ku doonayaan inay kaga hortagaan
Ciidamada Maxaakiimta Islaamiga ah.
Maleeshiyooyinka ayaa dadka ku amrayey in ay xiraan
goobahooda ganacsiga oo ay u diyaar-garoobaan sidii la isaga
difaaci lahaa Ciidamada Maxaakiimta, waxaana ciidankaasi oo
wata dhowr iyo taban Tikniko ah isku uruursanayaan duleedka
Baar-Dheere, waxayna saraakiishoodu sheegeen in ay iska
difaaci doonaan Maleeshiyada Maxaakiimta Haddii ay ku soo
xad-gudbaan Degamada Baar-Dheere
Banaanbax ay dhigeen
dadka degan deegaan Warshadda Baastada..
Waxaa maalintii shalay ahayd Hotel Ramadaan ku hor banaan
baxay dadkii degganaa Xaafadda Warshadda Baastada, dadkaas
oo ka cabanayay markii lagu war galiyay inay muddo seddax
maalmood ah kaga guuraan halkaas, waxayna dadkii banaan
baxayay ku dhawaaqayeen ereyo ay ka mid ahaayeen
?Maxkamadaha waa inay ka fiirsadaan ganacsatada doonaysa
inay la wareegaan hantida qaranka Soomaaliyeed?, Maxkamada
waa inay gacan siiyaan dadka Masaakiinta ah oo ay ku
tumunayaan ganacsatada dhiig miiridka ah iyo hadalo kale?.
Dadkaas oo u badnaa haween iyo caruur ayaa warshadda
baastada degganaa muddo 16 Sana ah, waxayna sheegeen in
degaankaas ay ka guuri karaan marka qaranka loo dhisayo
dhulkaas
Waxaa maalmahan danbe magaaladan Muqdisaho ka jiray dhul
boob, wuxuuna dhul boobkaasi sii xoogaystay markii
maxkamaduhu la wareegeen magaaldan Muqdisho iyadoo la
ogyahay in Maxaakiimtu dhowr mar soo saareen wareegtooyin ay
ku mamnucayaan in la dhisto ama la dego dhulka danta qaran,
waxaana dhawaan la magaacabay Maxkamado u gaar ah arrimaha
dhulka.
Ciidamo mar kale ka
goostay xerada Manaas..
Waxaa maalinba maalinta ka danbaysa sii xoogaysanaya tirade
ciidamada federaalka ee ka baxsanaya xerada Mannaas, waxayna
haatan xeradaas u muuqataa mid ay ku harayaan Ciidankii laga
keenay degaanka Punt-land, waxaana toddobaadkan xeradaas ka
goostay illaa 400 oo maleeshiya ah oo xooggooda laga keenay
gobolka Gedo, waxaana shalay degaanka Buur Dhuubo raxan
raxan u gaarayay Maliishiyadaas oo diif iyo dar xumo ay ka
muuqatay.
Ciidankaasi ayaa waxa ay ka cabanayeen duruurfo dhinaca
dhaqaalaha ah gaar ahaana dhinaca cuntada iyo jiifka, sidoo
kale waxay ka cabanayeen mushaar aan la siin muddo dhowr
bilood ah.
Basashada ciidamadani waxay dhabar jab ku noqotay dowladda
Federaalka oo iyadu dhawaan sheegtay in ay dib u habeyn ku
sameyneyso ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, waxaana
ciidankaas bedelkoodii ku jira ciidamo Itoobiyaan ah oo
haatan la wareegay gebi ahaanba xarumihii Dowladda
Wafdi ka socda Midowga
Yurub oo maanta ku wajahan .
Wafdi ka socda Midowga Yurub ayaa maanta lagu wadaa in ay
soo gaaraan Magaalada Baydhabo, waxaan wafdigaani
hogaaminaya wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya, waxaana la
filayaa in uu Magaalada Baydhabo uu kulan kula yeesho
mas?uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka, waxaana haatan
Magaalada Baydhabo ka socda diyaargaroow loogu jiro sidii
lagu soo dhaweyn lahaa wafdigaasi.
Wafdigaan ayaa Baydhabo u tagaya sidii loo dhameyn lahaa
khilaafka u dhexeeya Dowladda iyo Midowga Yurub oo ku yimid
markii Midowga Yurub uu ka gaabiyey arrimihii mashaariicda
ee Dowladda Federaalku u baahneyd, warar kale ayaa waxay
sheegayaan in wafdigaani uu u socdo sidii uu Dowladda uga
dhaadhicin lahaa ku soo laabashada Miiskii wada hadalka ee
Magaalada Khartuum.
Wafdigaan oo dhawaan soo gaaray Muqdisho ayaa kulamo la
yeeshay Golaha Maxaakiimta Islaamiga ah oo ay isla soo
qaadeen sidii mar kale loo yagleeli lahaa wada hadalka
Khartuum oo ay qaban-qaabineysay Jaamacadda Carabta. Basle
Ra?isul Wasaare Geeddi oo dhawaan la hadlay Golaha
Baarlamaanka ayaa Midowga Yurub ku eedeeyey inaysan waxba ka
qaban hawlihii ay ka sugayeen oo ay markii hore ballanqaadee
gaar ahaan dhinaca mashaariicda Horumarinta.
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail
amiinkhasaaro@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com |
Dec 20, 2006
Garowe:
Mudaharaad looga soo horjeedo Gabood fal loo Gaystay dad rakaab ah
Gaari rakaab ah oo marayey
bartamaha Garoowe ayaa xalay lagu kufsaday Gabdho gaarigaas la socdey
waxaana...
Akhri
Cali Cabdala
Saalax oo wada dadaalkii ugu dambeeyey oo lagu baajinayo Dagaal Soomaaliya
.Cadde Muuse oo C/llaahi Yuusuf u soo jeediyey in.
.Nin ka tirsan Ciidamada Maxaakiimta oo dil ka geystey..
.Geeddi oo shalay warbixin siiyey Golaha Baarlamaanka...
.Casho Sharafkii Garaadka iyo Soomaalida Minnesota
.Bosaso: Mid ka mid ah Shaqaalaha Shirkada Isgaariista..
.Warbixin Dheerad ah: Bannaanbixii Soomaalida Denmark..
Wararkii oo dhan
ka akhri halkan.... Dec 19
Warbixinta Raashin Qaybinta Sh/Hoose
LACAGO DEEQ AH OO SOO
GAARTAY GOLAHA SAMAFALKA IYO HORUMARINTA
SOOMAALIYEED
Soomaaliya:
Halista HIV/AIDS iyo Xudduudaha Laga Tallaabo
Warbixin: Berbera oo noqotay meesha ugu AIDS-ka
badan Dhulka Soomaaliyeed...
Akhri...
Maxaa ka soo baxay kulankii C/llaahi, Geedi iyo Cadde Muuse..
.Mudahadaraad ka dhacay Denmark
.Ma dhabbaa in Miles Zenawi uu yimid Magaalada Baydhabo..
.Xerada Manaas oo u muuqata mid ay sii faaruqinyaa..
.Sheekh Shariif oo gaaray wadanka Imaaraadka Carabta..
.Qiimaha sarifka doolarka puntland oo hoos u dhac ku yimid.
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Dec 18
Ciidamada
Itoobiya oo khamri fara badan soo geliyey Magaalada Baydhabo
.Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Baydhabo oo dil iyo...
.3-kun oo Loor oo Bur ah oo shalay lagu gubay…
.Ciidamada Itoobiya ee ku sugan dalka oo uu..
.Dowladda Canada oo walaac ka muujisay..
.Aqoonyahano soomaali-yeed oo Dowladda..
.Abwaan Abshir Bacadle oo loo doortey Gudoomiyaha..
.Dufcaddii 38-aad oo ka qalinjabisay Machadka Al-Cimra..
Wararka oo dhan ka akhri halkan....
Dec 17


|