SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

LACAGO DEEQ AH OO SOO GAARTAY GOLAHA SAMAFALKA IYO HORUMARINTA SOOMAALIYEED


Lacago deeq ah oo isugu jira Shillin Somali iyo Doollar ayaa maanta la soo gaarsiiyay Golaha Samafalka iyo Horumarinta Soomaaliyeed, waxaana lacagtan ku kala deeqay dad soomaaliyeed oo ku kala nool dalka gudahiisa iyo dibaddiisa, waxayna kala yihiin sida soo socoto:-

 

ð       Dugsiga Hoose, Dhexe iyo Sare ee Salmaan Al-faarisi ee Magaalada Muqdisho ayaa wuxuu soo gaarsiiyey Golaha Samafalka iyo Horumarinta Soomaaliyeed deeq lacag ah oo gaaraysa   $601. (lix boqol iyo kow dollar).

 

ð       Ganacsatada Degmada Baraawe iyaguna waxay soo gaarsiiyeen Golaha Samafalka iyo Horumarinta Soomaaliyeed deeq lacag ah oo gaaraysa $600,( lix boqol Dollar).

 

ð       Dugsiga Hoose, Dhexe iyo sare ee New Afrika isaguna wuxuu ku deeqay lacag dhan  2,500,000 ( laba Milyan iyo Shan boqol kun ).

 

ð       Sidoo kale 13/12/2006 Jaaliyad soomaaliyeed oo ku dhaqan Dalka Shiinaha, ayaa  Waxay soo gaarsiiysay Golaha Samafalka Iyo Horumarinta Soomaaliyeed Deeq lacag ah oo gaareysa 7150 $ (Todoba kun Boqol iyo Konton Dollar),

 

MAHAD CELIN

 

Golaha Samafalka iyo Horumarinta Soomaailyeed wuxuu mahad ballaran u celinayaa Walaalaha ku deeqay lacagtan, wuxuuna ALLE uga baryayaa inuu ka ajar siiyo deeqdaas wax ku oolka ah oo ay u fidiyeen walaalahooda ku dhibaatoobay Daadadka iyo Fatahaadaha.

 

BAAQ

 

Goluhu wuxuu ummadda Soomaaliyeed ugu baaqayaa inay sii laba laabaan kaalmo ururinta inta xaaladdu taagan tahay, intii horey wax ka geysatayna waxaan leennahay kheyr Alle ha idinka siiyo.


La soo xiriir: Tel: 854155,  235646,  930773:   
Mobile:  577471 ,506308 , 987371


Kuna soo hagaaji wixii tabarrucaad ah

Accounada, G.S.H.S

 

Qaran Express

117

Dahabshiil Bank:            

2283

Amal Bank:

11073

Global Money Transfer :

21042

Mustaqbal Bank

22315

Tawakal Bank

309

 

 

Guddoomiyaha Golaha Samofalka & Horumarinta Soomaaliyeed

Sheekh Axmed Maxamed Suleymaan

 

yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiin2006@hotmail.com

002521-5580916

Dec 18, 2006

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD