SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Tartanka Dhinaca Saxaafadda ee Xubnaha Maxkamadaha

W/D: Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Muqdisho, Soomaaliya


Hoggaamiyaasha adduunka qaarkood si aad ah ayay uga gaabsadaan inay mar walba ka dhex muuqdaan dhinaca warbaahinta, qaarkoodna waxay jecel yihiin in si aad ah looga sheeg sheego dhinaca saxaafadda, waxaan soo xasuustay Boqor ka mid ah Boqoradii Itoobiya ee xukumi jirey kaasoo ahaa mid si aad ah mar kasta uga dhex muuqan jirey warbaahinta, waxaa dhacday in Oradyahan u dhashay Itoobiya ayaa waxaa buun buuniyay Saxaafadda isagoo ka hadlaya meel fagaare ah ayaa waxaa toogtay rag ilaalo u ahaa Boqorka halkii ayuuna ku geeryoodey oradyahankaas, markii boqorkii la weeydiyay ayuu wuxuu yiri “anigii ayuuba iga magac dheeraaday”.

Haddii aan u soo laabano dalkeena Soomaaliya, waqtigii Siyaad Barre, waxay saxaafaddu ahayd mid hal gacan ku jirtey, markii uu dhacay Dagaalkii Sokeeye ee teliskii Millaterigu meesha ka baxay ayaa waxaa sare u sii kacay oo sii kordhay Saxaafadda Madaxa banaan ee ka jirtay dalka,

Gen Caydiid wuxuu ahaa nin aan mar kasta ka muuqan saxaafadda isla markaana aan bixin jirin inta badan wareysiyada waxaana si aad ah ugu yaraa qabashada shirka jaraa’id, hase yeeshee maalinka uu rabo inuu ka hadlo arrimo saxaafadda aad bay ugu tag tagi jirtey waayo waa dhif iyo nadir in mar kasta Gen Caydiid warkiisa la helo, xitaa waxaan arkay isagoo dib u celiyay koox joornaalistiyaal ah oo doonaysey inay waraysi la yeeshaan . Jananku kama ahayn nacayb uu saxaafadda u qabo balse wuxuu aaminsanaa fikirka ah in hadal badan uu ka wanaagsan yahay wax qabad halkii uu mar walbana uu saxaafadda ka dhex muuqan lahaa isagoo dhinaca kalena ka rumaysnaa murtida tiraahda MEEL WALBA KA MUUQO WAA LAGU MUUNAD BEELAA. Daraasad aan sameeyay seddxdii toddobaad ee ugu dambaysey markii aan dhagaystay Idaacadaha Magaalada Muqdisho waxaan ka maqlayay mas’uuliytiinta Maxkamadaha oo aad ugu batay gaar ahaan waraysiyada lala yeelanayo iyo waliba waxyaabaha kale ee wax laga weydiinayo, waxaana magaalada Muqdisha ka furan illaa iyo laba iyo toban Idaacadood, waxaana iigu yaab badnaa markii aan arkay Guddoomiytaha Golaha Shuurada Shiikh Xasan Daahir Aweys oo fadhiya mid ka mid ah Idaacadaha Muqdisha, dadkuna ay weydiinayaan Su’aalo, haddana waxaa mar kale ka maqley Idaacad kale ee uu Shiikhu fadhiyo, wax yar kaddib haddana waxaa dhegahayga ku soo dhacay waraysi ay Idaacadi Shiikha la yeelanayso.

Shan saac oo xiriir ah ayaa Shiikh Xasan uu fadhiyay mid ka mid ah idaacadaha oo su’aalo la weydiinayay, su’aalahaasina waxaa weydiinayay dhalinyaro oo mid waliba uu doonayo in magacooda laga maqlo Idaacadaha, markii aan u kuur galay su’aalahoodana ma ahayn kuwo xambaarsan wax nuxur ah, isla toddobaadkaas ayaa hadana sheikhu fadhiyay mid ka mid ah Idaacadaha oo haddana la weydiinayo su’aalo kale oo kuwii hore la mid ah ama aan waxba ka duwanayn

Intii uu socdey kacdoonka waxaa inta badan arrimaha Maxkamadaha wax laga weydiinayay Shiikh Shariif Shiikh Axmed,Halka Shiikh Xasan uu waqtigaa Aamusnaan ku jirey ,wax isagana aan ka marnayn Saxaafadda Shiikh Cabdiraxmaan Jinaqow oo isna la weydiinayo Su’aalo la xiriira Maxkamadaha.

Sidoo kale waxaa isaguna Masraxa saxaafadeed aan ka maqnayn Shiikh Yuusuf Indhacadde,waxaana mararka qaarkood dhacda iska war qabid la’aanta mas’uuliyiinta maxkamaduhu ay keento Warar is burinaya, waayo waxaan soo xasuustay subax uu Shiikh Xasan yiri kama qayb galayno shirka khardduun oo maba aqoonsani Dawladda Federaalka, kaddib Shiikh Shariif oo isaguna Idaacad kale ka hadlaya ayaa yiri “Waan hor fariisanaynaa Dawladda” iyadoo la ogyahay in golaha Maxaakiimtu ay leeyihiin Hoggaan warfaafineed oo uu madax ka yahay Shiikh Cabdiraxiim Cali Muudeey.

Waxay Soomaalidu tiraahdaa MEYD MIDKEE U DAMBEEYAY?” MIDKAAS LA SII SIDO. Iyadoo la ogyahay in todobaadkii hore uu Shiikh Yuusuf Indhacadde u qabtay Toddobaad in Ciidamada Itoobiya ay Dalka kaga baxaan ayaa haddana dhinaca kale Guddoomiyaha Golaha Fulinta Shiikh Shariif wuxuu British Broadcasting Corporation u sheegay shaley inaysan jirin waqti ay qabteen iyo Dagaal ay qaadayaan midnaba, taasina waxay daliil u tahay wax lagu tilmaami karo Ma Mas’uuliyiinta ayaan iska war hayn, mise waxay ka tahay in mid walboo iyaga ka mid ah uu jecel yahay inuu ka dhex muuqdo Saaxa Saxaafadeed?

Waxa dhacay toddobaadkan gudihiisa in Mas’uuliyin kala geddisan ay ka hadlaan Idaacadaha, Mareykan baa hadlay, Mas’uul baa jawaabay, Itoobiyaa hadashay Mas’uul kalaa hadlay, Xukuumadda Federaalka baa hadashay Mas;uul kalaa ka daba qaatay, arrintaas oo dhanna waxaa u sabab ah Idaacadaha oo haddii Shinbiri hadashaba jecel inay markiiba wacaan Mas’uuliyiinta Maxkamadaha, taasna la yaab ma laha oo aqoontooda ayaa intaa ah.

“Mas’uuliyiinta Maxakamadahow waan idin baranaye naga tartiibiya ka muuqnaanshaha badan ee Saxaafadda “ ayuu yiri wiil dhallinyara ah oo aad ula yaabay hadalada faraha badan ee Mas’uuliyiinta Maxkamadaha, Xusuustana Xaddiiskii ahaa “HADAL WAXAA U KHEYR BADAN MIDKA YAR”,
ama Murtida Tiraahda (Hadal Haan Lagama Buuxsho).

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 19, 2006


YAA UMAQAN TAARIIKHDA SOOMAALIDA

Akhri HALKAN....

 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD