SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Warar: Dec 18, 2006

  • Mudahadaraad ka dhacay Denmark
  • Ma dhabbaa in Miles Zenawi uu yimid Magaalada Baydhabo..
  • Maxaa ka soo baxay kulankii C/llaahi, Geedi iyo Cadde Muuse..
  • Xerada Manaas oo haatan u muuqata mid ay sii faaruqinyaa Ciidamadii..
  • Sheekh Shariif oo gaaray wadanka Imaaraadka Carabta..
  • Garowe: Qiimaha sarifka doolarka puntland oo hoos u dhac ku yimid.

Mudahadaraad ka dhacay Denmark

Jaaliyadda soomaaliyeed ee ku nool wadanka danmark ayaa mudaharaad Axadii17-12-2006 ku dhigay mudaharadaa casimadda wadankan danmark ee kobenhagen .

Waxaa kasoo qayb galay dad aad u farabadan , waxay u jeedadiisu ahayd in la muujiyo in aanay ummadda soomaaliyeed u baahnayn ciidamo ajinabi ah gaar ahaan itoobiyaanka , iyo inay wadan ka ka baxaan .



Waxaa soo qaban qaabiyey ururo kala duwan oo jaaliyaddu leedahay uuna hor kacayey markazka jaaliyadu ku leedahay kobanhegan

wixii faahfahin dheeraada waxaa lagala xiriiri karaa
sh.cabdi raxmaan abyad 004525927795
Email:  abyad2@hotmail.com

Ma dhabbaa in Miles Zenawi uu yimid Magaalada Baydhabo..

Xuuraansi dheer mar aan sameynay isla markaana aan la xiriirnay rag ku dhow dhow madaxtooyada C/llaahi Yuusuf ayaa waxay sheegeen in Ra/’isul Wasaaraha Itoobiya Miles Zenawi uu dhawaan yimid magaalada Baydhao, waxaana na loo sheegay in Miles Zenawi uu Magaalada Baydhabo yimid maalinkii uu Cali Max’ed Geeddi inta uu saacado joogay Baydhabo dib ugu laabtay magaalada Nayroobi, waxayna dadku noo sheegeen in diyaaraddii uu watay Cali Max’ed Geeddi ay ahayd Diyaarad ay lahayd Dowladda Itoobiya, sidoo kale waxaa na loo sheegay Miles Zenawi uu kulan gaar ah la yeeshay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Ra’isul Wasaaraha Dowladda Federaalka Cali Max’ed Geeddi, waxaana la iskula soo qaaday sidii looga hortatgi lahaa waxa loogu yeeray kooxaha Argagixisada ee ku sugan dalka Soomaaliya.

Imaanshaha Miles Zenawi waxaa kaloo lagu xaqiijiyey iyadoo diyaaradda garoonka ay fadhiday mudo toban saacadood ah, iyadoo la og yahay in Dowladda Federaalka aysan ka bixin Karin qarashkaas faraha badan oo ay diyaaradi ku joogi karto Magaalada Baydhabo, waxaana maalmilihii ugu dambeeyey ay saxaafaddu hadal haysay in Ra’isul Wasaaraha dalka Itoobiya uu tagayo Magaalada Baydhabo. Miles Zenawi ayaa la sheegay in uu kulan mudo socday la yeeshay Saraakiil ka tirsan ciidamadiisa oo ku sugan Baydhabo, waxayna warbixin ka siiyeen xaaladda ay ku sugan yihiin ciidamada Itoobiya ee ku sugan Baydhabo iyo guud ahaanba dalka Soomaaliya. Miles Zenawi ayaa dhowr jeer ku celceliyey in Soomaaliya ay ka joogaan ciidamo tababarayaal ah, hase yeeshee waxaa la xaqiijiyey in ilaa iyo 12-ku oo ciidamo Itoobiyaan ah ay ku sugan yihiin gudaha dalka, kuwaas oo la sheegay inay loo diyaariyey sidii ay weerar ugu qaadi lahaayeen Maxaakiimta Islaamiga ah, hase yeeshee waqtigii ay Maxaakiimtu u qabteen ciidamada Itoobiya in ay kaga baxaan dalka Soomaaliya ayaa ku ek maanta, lamana garanayo waxyaabaha xigi doono, inkastoo uu Guddoomiye Sheekh Shariif uu caddeeyay inaysan ku talojirin wax weerar ah.

Maxaa ka soo baxay kulankii C/llaahi, Geedi iyo Cadde Muuse..

Waxaa maalintii shalay ahayd magaalada Baydhabo soo gaaray wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha maamul gobaleedka Puntland, waxa uuna markiiba kulan ay albaabadu u xirnaayeen uu la yeeshay madaxweyn C/llaahi Yuusuf iyo Ra’isul Wasaare Cali Max’ed, inkastoo aan faahfaahin dheeraad ah laga bixin, haddana ilo ku dhow dhow waxay sheegayaan in saddexda mas’uul ay isla soo qaadeen sidii ay isaga difaaci lahaayeen Ciidamada Maxaakiimta Islaamiga ah iyo iyagu si aad ah ugu soo siqaya magaalada Baydhabo, dhawaana la wareegay magaalooyinka Buur-Hakaba iyo Diinsoor, warar kale ayaa waxay sheegayaan in Cadde Muuse la doonayo dhaqaale looga hortagayo Maxaakiimta Islaamiga ah, maadaama maamulka Puntland ay dakhli fara badan ka helaan canshuuraha ay ka qaadaan dadka ganacsadata iyo Dekedaha.

Si kasta ha ahaatee waa booqshadii ugu horeysay oo uu Cadde Muuse ku tago Magaalada Baydhabo tan iyo markii loo magacaabay xilkaasi, dhanka waxaa lagu waramayaa in lagu qorsheynayo in saddex aag laga soo weeraro Maxaakiimta Islaamiga ah.

Xerada Manaas oo haatan u muuqata mid ay sii faaruqinyaa Ciidamadii..

Wararka naga soo gaaraya gobolka Bay waxay sheegayaan in Xerada Manaas ee ku taala Duleedka Baydhabo inay u muuqato mid ay ka sii faaruqayaan Malleeshiyooyinkii halkaa la isugu geeyay si loogu taba baro, waxaana toddobaadkan gudihiisa xeradaas ka baxsaday illaa 400 oo Malliishiyo oo hubkooda watay.

Ciidamadan ayaa waxaa la sheegay in sababaha ay halkaas uga carareen ay tahay markii ay u adkaysan waayeen dhaqaale xumo iyo daryeel la’aan isla markaana laga door bidey kuwii ka socday maamul goboleedka Puntland oo la sheegay inay helaan daryeel iyo dhaqaaleba.

Ciidamadii ugu danbeeyay waxay gaareen Magaalada Diinsoor oo ay gacanta ku hayaan Ciidamada Golaha Maxaakiimta iyadoo dhawaan ay magaalada Muqdisha soo gaareen illaa iyo 200 oo Malliishiyo oo iyaguna ka soo goostay dawladda Federaalka.

Ciidamada soo goostay mar aan wareysanay qaar ka mid ah ayaa waxa ay noo sheegeen inay jidka ku soo jiran ciidamo fara badan oo hubkooda wata kuna soo wajahan yihiin goobaha ay ka taliyaan Maxaakiimta Islaamiga.

Baxsashada Ciidamadan ayaa waxa ay dhabar jab ku tahay Dawladda Federaalka oo dhawaan beesha Caalamka u gudbiyay kharashaadka ku baxaya iyo sidii dib u habayn loogu samayn lahaa.

Gen Cadde Muuse oo Baydhabo u yimid sidii uu u dhiirigelin lahaa ..

Waxaa magaalada Baydhabo shaley soo gaarey wafdi uu hogaaminayo Madaxweynha Maamul Goboleed Puntland Generaal Cade Muuse wuxuuna markiiba kulan la qaatey Madaxwynaha Dowlada federaalka Cabdulaahi Yuusuf iyo Raiisul Wasare Cali Maxamed Geedi Inkastoo aan la faahfaahin wixii ay isla soo qaadeen Hadana Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland waxaa uu kulan gaar ah la qaatey Saraakiisha ciidamada Puntland ee ka soo jeeda Maamulkaas ka dib markii qaar ka mid ah ay bilaabeen ay ay ka goostaan xeryihii ay ku jireen ka dib markii ay soo wajahdey Daruufo dhaqaale

Cadde Muuse ayaa saraakiisha u balan qaadey in sida ugu dhaqsiyaha badan Baahidooda loo dabooli doono, maanta ayaa la filayaa in Cadde Muuse uu booqdo xeryaha ay ku jiraan ciidamada si uu hadal gaaba ugu jrrdiyo oo ku saabsan mid dhiirigelin ah waxayna wararka qaar ay sheegayaan in la siin doono mushaaraad ka maqnaa muddo dhowr bilood ah, waxaa sii raaci doona Saraakii;l itoobiyaan ah iyo kuwa ka tirsan dowladda federaalka .

Sheekh Shariif oo gaaray wadanka Imaaraadka Carabta..

Madaxa fulinta Golaha Maxaakiimta Islaamiga ah Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray wadanka Dalka Imaaraadka Carabta, kaddib markii dowladdaMadaxa fulinta Golaha Maxaakiimta Islaamiga ah Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray wadanka Dalka Imaaraadka Carabta, kaddib markii Dowladda dalkaasi uu martiqaad ka helay.

Qaar ka mid ah wafdigii la socday Sheekha oo shalay dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho oo uu ka mid ahaa Xoghayaha Golaha shuurada Sheekh Maxamuud Ibraahim Suuley ayaa waxa uu sheegay in Sheekh Shariif uu dalka Imaaraadka Carabta uu kulamo kula yeelan doono mas’uuliyiinta wadankaasi, sidoo kale waxa uu sheegay in uu la kulmi doono Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalkaasi isagoo warbixin ka siin doona waxyaabihii ka soo baxay shirkii ka dhacay dalka Yemen ee ay isugu yimaadeen Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aada.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Garowe: Qiimaha sarifka doolarka puntland oo hoos u dhac ku yimid.

Dec 17: Waxaa qiime dhac uu ku yimid qiimaha sarifka Doolarka deegaanada puntland maalmihii ugu danbeeyay iyada oo ilaa shalay uusan daganayn qiimaha sarifka doolarka waxaana kolba uu dhinac ku kacayay ama uu u dhacayay ilaa shalay ugu danbayntii ayuu ku istaagay 1400 oo shilinka somlaiga ah isaga oo kolkii horena ahaa 1500 oo shilinka somaliga ah qiimaha $100 kii doolar.

Lamagaranayo sababata dhabta ah ee lagu macneeyay qiima dhaca sarifka dollarka ku yimid deegaanada puntland hase ahaatee markii aan u kuur galay xiriirna aan la sameeyay sariflayaasha magaalooyinka Bosaso, garowe, galkacyo, lascanood, iyo magaalada Muqdisho waxaa isa sootaraya sabab dhab ah oo loo macneeyo sare u dhica qiimaha sarifka dollar, waxaana ay sariflayashu ku macneeyeen in ay ugu wayntahay joojinta qaadka taasi oo sababtay in lacagtii adkayd ee loo yaqaano lacagta qalaad ay si xawli ah u taalo dalka somalia oo aysan jirin wax lacag adag oo sidaas u badan oo dalka ka baxda balse ay lacagtii shilin somaliga ahyad ay hada yaraatay taasina ay sababtay in doollarka badan ee dalka gudihiisa yaala keenatay in qiimihii $100 kii doollar uu hoos u dhaco.

Guud ahaan dhulka somalia ayaa waxaa ku yimid qiima dhac sarifka lacagta qalaad ah waxaana maanta la kala siisanayay qiimaha $100 kii doolar magaalada Garowe 1400 halka magaalada Bosasana uu ahaa 1420 magaalada galkacyana uu ahaa 1420 magaalada laascaanana uu ka ahaa 1400 balse magaalada caasimada u ah somalia ayaa taas ka duwan waxaana $ 100 kii doolar uu ahaa 1200 oo shilinka somaliga ah taasi oo layaab ku ah taarirkhda maadaama uu sarifkii doollarka uu gaaray heer uusan gaarin 10kii sano ee ugu danbeeyay waana arin si wayn farta loogu hayo lagana cabsi qabo in uu markale cirka isku shareero in kasta oo aysan jirin hada sabab uu cirka isugu shareero oo lacagtii adkayd ee qaadka lagu badali jiray la joojiyay inteedii badnayd.

Galkacyo: Madaxwaynaha puntland oo Baydhabo u anbabaxay maanta- Dec 17

Madaxwaynaha puntland iyo wafti uu hogaaminayo ayaa saaka ka anbabaxay magaalada Galkacyo ee xarunta gobalka Mudug.

Wafdigan uu hogaaminayo madaxwaynuhu ayaa waxaa ku weheliya wasiirada Maaliyada, Caafimaadka,Arimaha gudaha iyo aminga sidoo kale wafdiga madaxwaynaha ayaa waxaa ka mid ah Gudoomiyaha Baarlamaanka DGPL.

warar lagu kalsoonyahay ayaa xaqiijinaya u jeedada wafdigan in ay ugu wayntahay sidii ay uga wada hadli lahaayeen madaxda ka socota puntland iyo kuwa federalku xaalada uu marayo dalku iyo sidii la iskaga difaaci lahaa Midowga Maxaakiimta oo dhan walba kaga fiday aagaga ay dawladu ka taliso qabsadayna deegaano horleh.

Cade muuse ayaa dhawrjeer ku cel celiyay in uusan cidna duulaan ku ahayn balse hadii la soo weeraro isdifaacayo balse tilaabadan uu ugu kicitimay dhanka magaalada baydhabo ayaa ah tilaabo ku lugleh dhanka Maleteriga maadaama ay tahay markii ugu horaysay ee uu cade muuse uu u anbabaxo magaalada Baydhabo waxana ay ku soo beegmaysaa xili uu madaxwayne c/laahi yuusuf sheegay in ay dhamaatay wadadii wadahadalka maxaakiimta iyo dawlada.

Waxaana laga cabsi qabaa in dagaal xoogani uu ka dhaco dalka somalia iyada oo dhanka kalena ay Midawga maxaakiimtu ay u qabteen 7Casho in ay kagabaxaan ciidamada Ethiopia ee dalka xooga ku soo galay waa sida ay hadalka u dhigeene.

Shir albaabadu u xiran yihiin ayay ku yeesheen labada dhinac ee ka kakala tirsan maamul Gobaleedka puntland iyo madaxda Dawlada Federalka shirkaasi oo aan ilaa iyo hada saxaafada loo shaacin wixii looga wada hadlay.

A/rizak koronto

Garowe Puntland

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 18, 2006

Ciidamada Itoobiya oo khamri fara badan soo geliyey Magaalada Baydhabo
.Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Baydhabo oo dil iyo...
.3-kun oo Loor oo Bur ah oo shalay lagu gubay…
.Ciidamada Itoobiya ee ku sugan dalka oo uu..
.Dowladda Canada oo walaac ka muujisay..
.Aqoonyahano soomaali-yeed oo Dowladda..
.Abwaan Abshir Bacadle oo loo doortey Gudoomiyaha..
.Dufcaddii 38-aad oo ka qalinjabisay Machadka Al-Cimra..
Wararka oo dhan ka akhri halkan.... Dec 17

Warbixinta Raashin Qaybinta Sh/Hoose
Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee Norway iyo Holland oo deeqo lacageed soo gaarsiiyey Guddiga Farahaadaha.. Guji...

Muqdisho: Howlo isugu jirta indho fiiqid qaliin daaweyn

Garaad Jaamac Garaad Cali oo Si Weyn Loogu Soo Dhoweeyey Minneapolis

Kulankii Engineerada Soomaaliyeed
Kulan ay isugu yimaadeen qaar ka mid ah Engeneeerada Soomaaliyeed ee Dalka ku sugan ayaa..  Akhri...

Fatahaadda Webiga ee Degmada Afgooye Yaa U maqan?

 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD