November 2006
Soomaaliya:
Tallaabada
la filan karo in uu Golaha Ammaanku ee Qaraamada Midoobey uu ka qaato Soomaliya
Waxaa turjumey: Wali Farah, Ottawa.
wfarah@rogers.com
_____________________________
______________
_____
Waxaa la filayaa in Ergeyga gaarka ah ee
Xogahayaha Guud ee Qaramada Midoobey ee u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Mudane
Francois Lonseny Fall, uu bisha Nofeember warbixin kooban u soo gudbin doono
Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey. Sida wadamada gobalka ee Itoobiya iyo
Eriteriya ugu dhax larban yihiin arrimaha gudaha ee Soomaaliya ayey u badan
tahay in ay noqdaan warbixintaas qayb muhiim ah oo ka mid ah. Waxaa markaa soo
bixi karta in madaxweynaha golaha ammaanku soo saaro go’aan si toos ah u
abbaaraya waddamada Itoobiya iyo Eriteriya. Oo markaas waxaa dhici karta in loo
sheego Itoobiyo iyo Eriteriya in ay arrimaha Soomaaliya faraha kala baxaan.
Waxaa kale oo Golaha Ammaanku uu eegi doonaa
codsiga uga yimid Ururka Midnimada Africa iyo IGAD. Codsigaas oo ku saabsanaa in
qayb ka mid ah cunaqabateynta dhinaca hubka ah ee saaran Soomaaliya la qaado si
ay ugu suurto gasho in ay ciidamo nabad ilaalin ah u soo diraan Soomaaliya (IGADSOM).
Tallaabo arrintaas la xariirto oo uu goluhu qaado waa wax haatan aan u ekeyn in
ay suurtoobeyso, sababtuna tahay iyadoo xubnaha goluhu ay aad uga
walaacsanyihiin in haddii cunaqabateynta la qaado ay markaas keeni karto
dhibaato sii murjisa xaalka haatan ka taagan Soomaaliya.
Kooxda Dabagalka ee Cunaqabateynta saaran
Soomaaliya ayaa soo gudbin doono warbixin ay ka soo diyaariyeen Soomaaliya
iyagoo u soo gudbin doono warbixintan guddiga Cunaqabatooyinka ee Golaha bishan
Nofeember dhammaadkeeda. Waqtiga shaqo ee Kooxdan Dabagalka waxay ku egtahay
Bisha Diseember seddexdeeda, waxaana la filayaa in Goluhu u sii dheereeyo
waqtiga oo loogu daro ilaa lix bilood oo kale.
Waxyaabihii ugu muhiimsanaa ee Dhawaan
Soomaaliya ku soo kordhey:
Is jiid jiidka u dhexeeyey Golaha Maxkamadaha
Midoobey ee Soomaaliyeed iyo Dowladda Federaalka ee Ku meel gaarka ah wuu sii
xoogeystey marka la eego bishii Oktoobar ee aynu soo Dhaafney.
Taariikhdu marka ay ahayd Sebteember 25 Golaha
Maxkamadaha Midoobey waxay qabsadeen iyagoon dagaallamin Magaalada Kismaayo iyo
gobalka Jubbada Hoose oo ah gobal ku yaallo meel leh ilo dhaqaalo oo muhiim ah.
Tallaabadan waxay keentey in Golaha Maxkamadaha Midoobey uu gacanta ku dhigo
dekedaha ku yaallo dhammaan bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya, dowladda ku meel
gaarka ahina ay ku go’doonsanaato magaalada Baydhaba. Waxaaba jira warar dhawaan
soo baxay oo sheegay in Baansiinkii laga jarey Magaalada Baydhabo. Dowladda
federaalka ahi waxay ku dacwootaa in Golaha Maxaakiimtu ay jabiyeen heshiiskii
5-ta Sebteember ee ahaa heshiiskii xabbad joojinta.
Si haddaba looga jawaabo arrintaan cirka iskusii
sharereysa iyo iyadoo la raacayo guubaabada Golaha Ammaanka ee aheyd in si
firfircoon loo wajaho arrimaha Soomaaliya ayaa Lonseny Fall wuxuu kulamo la
qaatey madaxda waddamada Itoobiya, Eriteriya, Jabbuuti, Masar, Suudaan,
Yugaandha iyo Yaman.
Bisha Oktoobar 9-keedi ayaa dagaal oogayaal la
safan Dowladda Ku meel Gaarka ah ee fadhigeedu yahay Baydhabo oo taageero ka
helayo ciidamo Itoobiya leedahay ayaa waxay la wareegeen Buurxakaba oo ah
magaalo u dhaw Baydhaba oo ah halka ay fadhido dowladdu. Dowladda Itoobiya
markii hore way inkirtay in ciidamadeedu ay ku lug leeyihiin arrimaha
Soomaaliya, laakiin dhawaan dowladda Itoobiya waxay qiratey in ay ciidamadeeda
ay u dirtey Soomaaliya iyagoo ah kuwa wax tababaraya. Maxkamadaha midoobey
waxay iyagu sheegteen in ay qabteen sarkaal Itoobiyaan ah waxayna ka digeen
dagaal in ay la galayaan ciidamada Itoobiya ee ku soo xadgudbay ciidda
Soomaaliya.
Taariikhdu Markey aheyd Oktoobar 13, 2006 IGAD
waxay soo gudbisey qorshaha IGADSOM oo faah faahsan oo ay soo ansaxiyeen Ururka
Midnimada Afrika iyo Golahiisa Ammaanka iyo nabadgalyada. Dowladda Federaalka
Soomaaliya iyana waxay bisha Oktoober lixdeedii soo gudbisey qorshaha xasilinta
iyo ammaanka qaranka (NSSP = National Security and Stabilisation
Plan).
Warbixinta Xogayaha Guud ee Soomaaliya ee uu
soo gudbin doono aakhirka bisha Oktoobar ayaa waxay sheegeysaa in soo bixidda
Maxkamadaha Midoobey ee Soomaaliya ay aad u wiiqdey Dowladda Ku Meel Gaarka ah
Ee Soomaaliya. Waxay warbixinta Xoghayuhu soo bandhigi doontaa in Ammaanka
meelaha ay xukumaan maxkamaduhu in uu soo hagaagey.
Kooxda Wadatashiga Caalamiga ayaa iyana kulmey
Oktoober 19-keedii iyadoo ay jirtey walaac isa soo taraya oo ku wajahan falalka
ay wadaan dowladaha Itoobiya iyo Eriteriya.
Tallaabooyinka mudan in la qaado
Goluhu wuxuu haystaa in uu sameeyo mid ama ka
badan waxyaabaha hoos ku qoran:
- In uu cusbeeneysiisyo
jiritaanka iyo howsha Kooxda Dabagalka Cunaqabateynta Hubka ee Saaran
Soomaaliya iyagoo waqtiga loogu darayo ilaa lix bilood oo hor leh.
- In loo jawaabo
codsiga ka yimid IGAD iyo Ururka Midnimida Afrika si loo qaado qayb
xayiraadda hubka ah si loo fuliyo qorshaha IGAD.
- In la soo saaro
go’aan ku qeexan oraahda Madaxweynaha Golaha Ammaanka taas oo farriin adag u
noqota dalalka Itoobiya iyo Eriteriya farriintaas oo ah mid aad u cad oo
loogu digayo dalalkaas in ay joojiyaan faragalintooda Soomaaliya.
- In la sii xoojiyo
xayiraadda hubka ee saaran Soomaaliya ayadoo la isticmaalayo xannibaado
mucayin ah iyadoo la oggolaanayo in dowladda ku meel gaarka ah loo fasaxo
qayb qalab aan waxba dilin oo ay u isticmaalaan dhismaha ciidan qaran oo
ammaanka suga.
- In la faah faahiyo
xaaladaha ay IGADSOM ku soo geli karto Soomaaliya, sida in oggalaansho laga
helo labada qaybood ee is haya iyo in heshiis loo dhan yahay ay leeyihiin
waddamada IGAD iyo weliba in la dammaanad qaado in IGADSOM ay caawin doonto
wax ka qabashada siyaasadda Soomaaliya.
- Iyo in la dardar
galiyo in la sii dhiiri galiyo in ay xukunka wadaagaan Dowladda iyo
Maxkamadaha.
Arrimaha Muhiimka ah:
Iyadoo Goluhu uu aad u xiiseynayo in la taageero wadahadallada Khartuum ee u
dhexeeyo Maxkamadaha iyo Dowladda ayaa arrintu waxay tahay in taageeridda
IGADSOM iyo in qayb xayiraadda hubka la qaado ay mijixaabin karto wadahadalka
Khartuum. Waxaa dhab ah in xataa haddii qayb xayiraadda hubka la qaado ay
markaasi dhici doonto in la carqaladeeyo wadahadalladii nabadda.
xoojinta xayiraaddaas hubka weli miiska
ayey saarantahay....
Kooxda Dabagalku, iyaga qaybtooda, waxay
rumeysan yihiin in IGADSOM ay tahay carqalad meesha ku jirta; iyo in xitaa in
qayb xannimaadda hubka la qaado ay si khatar ah u kordhin karto militiriyenta
dalka Soomaaliya iyo in cunaqabateyn cayiman ay iyana tahay wax aan suurtoobeyn
oo aysan dhici Karin in qolo Soomaalida ah loo furo hubka qolana laga xannibo.
|
Waxaa arrintaas kore la xariirta mid kale oo ah
in haddii wadahadallada nabaddu burburaan in ay markaasi dhici doonto in
dowladduna burburto Maxkamaduhuna dalka oo dhan la wareegaan. Tan markaas waxaa
ka dhalan karta in dowladda Itoobiya ay ka carooto oo ay sii kordhiso khatarta
in dagaal ballaarani dhaco dagaalkaas oo ay ka qaybgali doonaan Itoobiya iyo
laga yaabe Eriteriya. Sidaa darteed, xujada hor taalla Goluhu waxaa weeye in ay
sii wadaan in ay taageeraan Dowladda Federaalka Ku Meel Gaarka ah iyo
hay’adaheeda iyagoo ka dhigaya hay’adaha xaqa ah ee Soomaaliya ka jira, iyagoo
qorshahana ku darsanaya Maxkamadaha iyo Siyaasadda dhabta ah ee Soomaaliya ee
aan la inkiri Karin.
Xayiraadda hubka ee saarneyd Soomaaliya waa mid
aad loo burburiyey oo ay ku tunteen Dowladda, Maxaakiimta iyo dowladaha kala
taageera. Marka arrintu waxaa weeye xoojinta xayiraaddaas hubka weli miiska
ayey saarantahay. Khubaro badan waxay rumeysan yihiin in farsama ahaan aysan
suurta gal aheyn in cunaqabateyn kala qaybsan oo cayiman laga hirgalin karo
Soomaaliya. Haddaba, in cadaadis badan la saaro waddamada iyagu jabiya
xayiraaddaan ayaa ah arrinta ugu muhiimsan.
Arrin kale ayaa waxa ay tahay xubnaha ay ka
koobnaan doonaan IGADSOM. Qorshaha dowladda (NSSP) wuxuu ka reebayaa ka qayb qaadashada waddamada deriska ah. Marka Suudaan
iyo Yugaandha ayaa ah kuwa la filayo in ay keenaan ciidamada nabad ilaalinta,
laakiin waa in la sugo sida ay suurta gal u tahay in ay labadan waddan ciidan u
yaboohaan una keenaan. Sidoo kale wax daliil oo cad ma jiraan oo tilmaamaya in
Maxkamaduhu oggolaan doonaan ciidamo shisheeye.
Waxaa iyana meesha ku jirta, la’aanta wax la
isku raacey oo ka dhexeeya IGAD qudheeda oo la xariira IGADSOM. Xubnaha IGAD ee
Jabbuuti iyo Eriteriya way diidan yihiin wax la yiraa IGADSOM. Goluhu wuxuu
rabaa taageera buuxda oo IGAD u dhantahay inta aysan taageerin IGADSOM.
Waxaa taas uga sii hooseysa Golaha Ammaanka in
Goluha arrinta ugu weyni tahay in haddii la hir galiyo Awood qaybsi ka dhex
dhaca Maxkamadaha iyo Dowladdu uu keeni karo in Maxkamaduhu sii helaan Qiil aay
ku carqaladeeyaan gobalka.
Xurgufta socod-is-beddelka badan ee Golaha
Ammaanka dhexdiisa
Dowladda Shiinaha ayaa hoggaanka u haysa
arrimaha Soomaaliya waxayna aad gadaal uga riixeysey waayahanba in IGADSOM la
keeno Soomaaliya iyo in xannibaadda hubka qayb laga qaado Soomaaliya iyadoo taas
ku raacsan Ururka Midnimada Afrika. Tanzaaniya ayaa arrintan taageersan laakiin
waddamada kale ee xubnaha ka ah Golaha arrintan aad uguma dhiirranayaan.
Dowladda Ingiriiska ayaa iyana hindisayaal la
timid. In kasta oo ay taageersantahay dowladda Ku meel gaarka ah ee Soomaaliya,
haddan dowladda Ingiriisku waxaa ay sheegtey in ay ka walaacsantahay faragalinta
ciidamo shisheeye oo Soomaaliya loo diro. Sidaa darteed, dowladda Ingiriiska
hindisahoodu waa in la xoojiyo dhammaan xannibaadda hubka ee saaran Soomaaliya.
Bisha Nofeember, dowladda Ingiriiska waxaa laga yaabaa in ay soo bandhigto
qaraar ka turjumayo mowqifkooda. Laakiin, waxaa dhici karta in la isku raaci
waayo qaraarkaas waayo waxaa jirta in waddamada Afrika qaarkood ay taageerayaan
qorshaha la xariira IGADSOM.
Ruushka, Mareykanka iyo xubnaha Yurub ee Golaha
iyagu aad ayey uga taxaddarayaan in la qaado xannibaadda hubka iyo qorshaha
IGADSOM. Waxaad mooddaa in ay sidaas door bidayaan tan iyo inta ay jirto
colaadda Soomaaliya oo aysanba jirin nabad la ilaaliyo. Waxay taageersan yihiin
in Goluhu ka taxaddaro in la dhiiri galiyo in Ciidamo shisheeye loo diro
Soomaaliya.
Mowqifka dalka Mareykanka si wacan uma qeexna.
Mowqifkoodu wuxuu yahay iyagoo isku dayaya in ay hagaajiyaan xiriirka ay la
leeyihiin Maxkamadaha ayey weli sii wadaan taageerada ay u hayaan dowladda
federaalka ku meel gaarka ah ee Soomaaliya.
Xubnaha Golaha intooda badan waxay garowsteen
in Maxkamaduhu yihiin xoog aan la inkiri Karin oo Soomaaliya maanta ka jira.
Laakiin su’aasha ayaa ah intee in la eg ayaa habboon in la aqoonsado Maxkamadaha
marka la bar bar dhigo dowladda. Jawaabta su’aashaas kuma cadda hindisayaasha
kala duwan ee is beddelaya ee ay wadaan xubnaha golaha. Iyadoo ay jirto in
Maxkamaduhu yihiin xaqiiqa jirta oo dhulka taalla, ayaa qaar xubnaha golaha ka
mid ah waxay u arkaan in Maxkamaduhu yihiin khatar dihan oo ku soo fool leh
maaddaama qaar ka mid ah madaxda Maxkamadaha Midoobey lagu sheego in ay xiriir
la leeyihiin shabakadaha argagixisada. Haddaba, waxaa jirta caga jiid la xiriira
in si cad loo aqoonsado doorka Maxkamadaha Midoobey, taageeridda fikradda ah in
awoodda la qaybsado, iyo in tallaabo laga qaado faragalinta shisheeye. Waxaa
intaas sii dheer iyadoo Maxkamaduhuna aysan laheyn Ajenda cad taas oo markaas
shakiga sii kordhineysa.
Kooxda Dabagalku, iyaga qaybtooda, waxay
rumeysan yihiin in IGADSOM ay tahay carqalad meesha ku jirta; iyo in xitaa in
qayb xannimaadda hubka la qaado ay si khatar ah u kordhin karto militiriyenta
dalka Soomaaliya iyo in cunaqabateyn cayiman ay iyana tahay wax aan suurtoobeyn
oo aysan dhici Karin in qolo Soomaalida ah loo furo hubka qolana laga xannibo.
Waxaa turjumey: Wali Farah, Ottawa.
wfarah@rogers.com
Isha:
http://www.securitycouncilreport.org
Faafin: SomaliTalk.com | Nov 22, 2006
Siyaasadda Itoobiya ee ku wajahan
Soomaaliya
Himilada
iyo Siyaasadda Amniga Qaranka iyo Arrimaha Dibadda
ee Dowladda Federaalka ee Dimuquraadiga ee Itoobiya...
Akhri....
Xuquuqda
Qoraalka Copyright Akhri..
|