Tacaddigii
Saami Xaaji iyo Xabsiga Guantanamo
Munaasabad loogu
Boroordiiqayey oo ka dhacdey Muqdisho
Saalim
Muxiidiin Axmed waxaa uu ku dhashay Magaaladda Kharduum 25
Feb 1969-kii waxaa uu aabihii ula wareegay magaaladda Sinaar
oo ku taala badhtamaha sudaan haalkaas oo uu aabihii ku
ganacsan jiray. Wax barashadiisii hoose illaa sare waxaa uu
ku qaatey Magaaladda Sinaar,dabadeedna waxaa uu u safray
dalka Hindia halkaas oo uu shahaadada Majisteer uu ku qaatey,
Suugaanta luuqadda Ingiriiska. Waxaa kale oo uuu saami uu ka
soo qaatey isla dalka hindia Shahaado ah Aqoonta
Computer-ka. Wax yar kadib markii uu soo qalin jabiyey waxaa
geeriyootey hooyadiis waxaana uu dib ugu soo safray dalka
Imaaaradka Carabta.halkaas oo uu ka helay shaqo Shirkadda
Romat International ee wax soo dajinta. Dib usoo
laabashadiisii waxaa uu bartey habka sawir qaadida.
1997 ayuu saami guursaday Igool Isayov oo u dhalatey dalka
Aderbijan, waxaaneey u dhashay ilmaheedii ugu horreeyey
sanadkii 2000.
Isla sannadkii 2000 ayuu saami tababar dhinaca sawir qaadida
ah ka billaabay Chanelka Aljazeera, kadib waxaa uu si rasmi
ah uga mid noqday shaqaalaha Al-jazeera dabayaaqadii sanadka
2000
Saami waxaa ay Al-jazeera u dirtey dalka Shiishaan, laakiin
uma aaneey suurta galin inuu tago halkaas ka gadaal markii
uu waayey fiisihii dalku galka dalkaas halkaasoo uga soo
laabtey dalka Georgia. Safarkisii waxaa loo wareejiyey dalka
Kosavo
Sanadkii 2001 ayuu Saami Xaaji u baqoolay magaalada
Qandahaar ee dalka Afghanistan isaga iyo koox kale oo uu
hogaaminayey Yusuf Al-shuulii si ay usoo tabiyaan dagaalkii
mareykanka uu ku qaaday dalkaas, Kadib jabkii Ururkii
Taliban ee ka talinayey dalka Afghanistan Saami iyo
saaxibadii waxa ay u baxeen dhinaca dalka Pakistan, hase
yeeshee mar kale ayey dib ugu soo laabteen magaaladda
Qandahaar kadib markii uu amar uga yimid maamulka Sare ee
Al-jazeera Markii ay ku sii laabanayeen magaalada qandahaar
ayaa dowladda Pakistan waxaa ay xirtey sawir qaade Saami
xaaji iyaga oo sita waraaq uu magaciisu ku qornaa, Muddo 21
maalmood ah ayuu Saami ku jiray gacanta Ciidanka dalka
Pakistan

Muddo yar kadib Saami waxaa loo wareejiyey xabsi ku yaala
magaaladda Kuweyta,halkaas oo gacantaa loo galiyey Cidamada
Mareykanka, kuwaasooo iyana u sii gudbiyey saldhiga Bagram
ee dalka Afghanistan oo markaas fariisin u ahayd Ciidamadda
Mareykanka,
Halkaas ayaa waxaa saami uga billowday Safar dheer oo aad u
dhib iyo rafaad badan iyadoo aaneey jirin wax eedeymo ah oo
loo soo jeediyey. Mar kale ayey Ciidamada Mareykanka dib ugu
soo celiyeen magaaladda Qandahaar isagoo aan xor ahayn oo la
hayste ah. Jeelka Qandahaar waxaa lagu xasuustaa tacadigii
ugu horreeyey ee lagu bahdilayey maxaabiista inuu ka dhacay,
iyadoo waliba Kitaabka Quraanka Kariimka ah laagu tuntey.
Bishii July ee isla sanadkaas aayaa Saami Xaaji loo duuliyey
Jeelka Gontnamo, halkaas oo uu illaa iyo hadda uu ku xidhan
yahay danbi la’aan mana jhirto illaa hadda wax eedeymo ah o
lagu soo oogay oo ay mareykanku soo bandhigeen
Gardaradan bareerka ee lagula kacay sawir qaade Saami Xaaji
oo ku gudajirey gudashada waajibkiisa shaqo ee soo tabinta
Runta saxaafadeed ayaa waxaa aad uga xumaaday dhamaan
dadyoowga runta iyo xaqqa u hiiliya ee adduunka oo dhan. Si
hadaba aynu dareenkeena ula wadaagno dadyoowga caalamka ee
run udirirka ah ayaanu dooneynaa inaanu si wada jir ah aynu
uga qayb qaadano waxaana maalintii shalay ahayd Hotel Peace
ka dhacday xaflad baroor diiq ah oo lagu muujinayey
dhibaatada lagu hayo Saami Xaaji waxaa na ka qayb galay
Qaybaha kala duwan ee bulshada iyo saxafiyiin ka kala
socotey qaybaha warbaahinta dalka waxaana soo qaban qaabiyey
Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed waxaana goobtaas ka hadlay
Saalax Sheekh Ibaarhin oo ka socday televitionka Al-jazeera
waxaana uu halkaas ka aqriyey taariikhdii iyo sababihii loo
xiray sawir qaade Saami Xaaji sidoo kale waxaa ka hadlay Ing
Suudaan Cali Axmed waxaana uu sheegay in dadka ku xiran
xabsiga Gontnama ay dhamaantood yihiin dad dulmaneyaal ah oo
u xiran si gardarro ah sidoo kale waxaa goobtaas ka hadlay
C/qaadir Ibraahin Gacal ‘Abkoow’ waxuuna sheegay in Saami
ALxaaji uu u xiran yahay maxaad runta u sheegtey ?waxuna
dowladda Mareykanka u soo jeediyey in si sharuud la’aan ah
loo sii dayo sawir qaadahaasi. Waxaa kaloo ka hadlay Xabiibo
Xaaji Jimcaale iyo Nuurto Sheekh Maxamed oo iyana sheegay in
Saami Al Xaaji uu u xiran yahay si gardarro ah waxaana
intaas ay raaciyeen ineey u ololeyn doonaan sidii loo si
deyn lahaa dulmanahaas Saami Xaajiinat uu ku jiro xabsiga
waxaa kaloo ka hadlay Cali Maxamed Xalane oo isna sheegay in
suxufiyiinta Soomaaliyeed aysan ka hari doonin sidii loo sii
deyn lahaa Saami, dhanka kale waxa uu sheegay gardarro tan
aan ka dhicin inuu u xiran yahay Taysiir Culuuni oo uu
sheegay ineey ahaayeen saaxiibo. Ugu dambeyntii waxaaa ka
hadlay Madaxa TV-ga Aljazeera ee Muqdisho Abshir Buqaari
wuxuuna u mahad celiyey intii codkooda ku biirisay sidii
lagu sii deyn lahaa sawir qaade Saami, waxaana uu sheegay in
Tv-ga Aljazeera uu u doodi doono cid kasta oo saxafi ah oo
dhibaato loo geysto
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail
amiinkhasaaro@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com |
Feb 11, 2007
Dowlada
FKMG Ah Ee Soomaaliya oo Indhaha Ka Laabatay Ceelasha
Shidaalka Ee Ay Kenya Ka Baarayso Xadka Soomaaliya...
Waxaa dhowaanahanba isa
soo tarayey ceelal shidaal ah oo laga baarayo deeganada
xadka Soomaaliya oo ay dowlada kenya ku guda jirto,
islamarkaana ay wararku tibaaxeen in meelaha ay ka baarayso
ay yihiin deegaano ku yaala gudaha wadanka soomaaliya, ayaan
waxaan dadaalo dheeraad ah u galay bal si aan wax uga ogaado
arrintan sida ay u aragto dowlada kmg ah ee Soomaaliya.
Akhri
warka oo dhan....
WARBIXIN
KU SAABSAN XAALADDA YAASIIN KILWE OO KU XIRAN BERBERA
Dhahar:- Yaasiin Kilwe
Cismaan waxa uu ku dhashay kuna soo barbaaray degmad Dhahar
ee gobolka sanaag sanadku markuu ahaa 1981kii, waxa uu ku
soo qaatay waxbarasha asaasiga ah dugsiga H/Dhexe ee degmada
Dhahar, waxa uu markii ugu danbaysayna arday ka ahaa
Jaamacadda bariga Afrika ee Boosaaso, sanadii 2003 bishii
11aad isaga oo ku jira fasax ayuu safar u aaday magaalada
Hargaysa, nasiib darro waxaa lagu xiray halkaas, isaga oo
lagu eedeeyay inuu lacag ka soo dhacay meel u dhaxaysa Tog
Wajaale iyo Jigjiga oo ka mid ah kililka shanaad ee
Ethiopia, arrintaasi oo ah mid aan jirin maxkamadduna ay
waxba ku wayday sida ay caddaysay 05/06/2006 dii.
AKhri warkan oo dhan....
Zakariya
Xaaji:-Waa In Loo Diyaargaroobaa Sidii Tegreega Dalka Looga Xorayn Lahaa
Xildhibaan Zakariya X.Maxmuud oo isagu ka mid ah guddiga
arrimaha dibada ee Golaha wakiilada, isla markaana xubin
joogta ah ka ah baarlamaanka Carabta ayaa xaflad lagu qabtay
magaalada Dimishiq taas oo lagu soo dhaweynayey xildhibaanka
ka sheegay in ay Soomaalidu u diyaar garowdo sidii ay
dalkooda uga xorayn lahaayeen xoogaga Tegreeyga ee ku soo
duulay.
Xafladan oo ay ka soo qayb galeen dadaweyne aad u tiro badan
iyo xubno ka socday Safaaradda Soomaalida ee dimishiq gaar
ahaan xoghayaha Safaaradda C/raxmaan Barqiya, guddoomiyaha
Jaaliyadda Soomaaliya Fu’aad iyo Shiikh C/casiis Calas ayaa
waxa uu Zakariye ku dheeraaday Taariikhdii soo jireenka
ahayd e u dhaxaysay Shacabka soomaaliyeed iyo Dawladda
Itoobiya ee ay gadhwadeenka ka yihiin qawmiyada Tegreey...Akhri...
Shirkadda
Range oo Sheegtay in Saddexdii bilood ee lasoo dhaafay ay
Garoonka Diyaaradaha ee Garoowe siisay US$313,000
lacagtas oo aad uga badan tii ay DGPL sheegtay in shirkadu
bixisay..
Akhri...
Lacag dhan $3 million
ilaa $7 million oo ay kala Qaybsanayaan Range iyo DGPL
Lacagtaas oo qarsoodi ahayd waxaa
shaaca ka qaaday wargeyska Herald ee ka soo baxa Australia...
Akhri....
Kenya
ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey
baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya...
Akhri...
DGPL oo Caddayn weydey Meesha ay ku Baxeen
Lacagihii ay hore u Bixiyeen Shirkadaha Macdanta
Madaxweyne Cadde Muuse oo ku sugan Dubai oo
kulan la yeeshay shirkadaha ayaa la sheegay
in...
Akhri...


|