SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SEATTLE

Munasabad balaaran oo lagu furayay Urur u adeega danta Somali-bantu oo ka dhacday Kent-Washington.

Munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa xalay oo ay tariiqdu ahayd(Feb,10 07) lagu qabtay Caasimada Kent oo ka tirsan gobalka Washington.Munaasabadaani oo ay iska kaashadeen soo agaasinkeeda ururada u doodo ee ka hadla guud ahaan arrimha Soomaalida(Somali Focus Gruops) oo ay ka mid yihiin Refugee Woman Alliance(Rewa) iyo Community yada Soomaalida qaarkood ayaa ujeedadiisu ahayd in lagu furo la iskuna baro Jaaliyada Somali-bantu iyo Madxada kala duwan ee caasimada Kent-Washington.

Munaasabadaani oo si wanaagsan loo soo agaasimay siweyna looga soo qaybgalay ayaan waxaan ka xusi karaa dadkii kasoo qaybgalay duqa caasimada Kent oo ah haweenayda lagu magacaabo Suzett Cooke,Generalka haysta ciidamada Police ka Kenta Steve Stranchan,Agaasimaha waaxda waxbarasha Kent,Mary oo ah madaxa qaybta Human resources Kent,Eric Garcia oo ah agaasimaha qaybta dhaqaalaha ee macadka Discovery iyo Soomaali aan tira yarayn oo madax ka ah ururada jaaliyadaha ka dhisan Seattle iyo daafaheeda(King County).



Amina Axmed oo xiriirinaysay munaasabadaan islamarkaa kasocotay refugee woman allince(REWA) ayaa ku soo dhawaysay Suzett Cooke oo ah duqa Kent oo ku dheeraatay sida ay u jeceshahay islamarkaana ula shaqaysa Soomaalidda ayaa waxaa hadaladeedii ka mid ahaa"Waxaan idin ku soo dhaweynayaa Kent hadaad Soomaali tihiin,hal sano kaliya ayaan Mayor ahay waxaan u baahanay inaan wax badan ka barto dhaqanka Soomaalida,horumar walba oo ay Kent gaaraysa madaama aad dad badan tihiin gacntiina ayay u baahantahay marka albaabka xafiiskayga mar walba waa idiin furanyahay oo in aan wax idinla qabto mar walbo diyaar baan u ahay"

Waxaa sidoo kale munaasabada ka hadlay General Steve Stranchan oo ah madaxa ugu sareeya ee Police ka Kent oo hadalkiisa ku bilaabay inuu wax yar kaqaybgalayaashii munaasabad ugu sheego tariikh nololeedkiisa iyo waxyabihii uu soo qabtay.Wuxuu sheegay in muddo Labaatan sano ah uu ka soo shaqeeyay waaxaha sharci ilaalinta (Law Enforcement) uu shaqadiisii ugu horaysay uu ka bilaabay inuu noqdo askari xabis u shaqeeyo kadibna uu ku biiray Lakeville,waaxda Police ka Minesotta(Minesotta Police Department).Wuxuu kaloo sheegay inuu jagooyin dhowr ah soo qabtay sida inuu noqday dambi baare,qaybta roondada Police ka(Patrol),Chief Ploce ka Lakeville-Minesotta ugu danbayntiina Kenta Washintogon uu u soo guuray oo uu jeclaaday cimaladeeda haatanna uu yahay madax ugu sareeya ee Police ka Kent ." Waxaan madax u ahay 125 askari oo la duunayo inay u adeegaan bulshaweyn balaaran,waan filayaa inuu qalad imaan karo haddii aad wax tabanaysaa xafiiskayga lasoo xiriira " ayaa ka mid ahaa hadaladiisii.

Kooshin Maxamed ayaa makarafoonka lagu soo dhaweeyay oo sheegay inuu la shaqeeyo dowlada Federaalka kumeelgaarka ee Soomaliya oo ka codsaday kaqaybgalayaashii munasabada inay tageeraan dowlada Federaalka kumeelgaarka ee Soomaaliya"Dadka Soomalida qaar ka mid ah ayaa sheego in Soomaliya lagu soo duulay oo ay Itoobiya qabsatay,Soomaliya cidna kuma soo duulin ee waxaan leeyahay waxaa yimid dal aan walaalo nahay oo caawinayo dowlada Soomaliya si ay u hanato amaanka guud ee dalka"

Waxaa sidoo kale madashii xalay ka hadlay Xaaji Shuungolow oo ka mid ah madaxda ururka lasoo bandhigay ee Somali-banti Community organisation oo sheegay inuu aad ugu faraxsanyhay sida hagar la`aanta ah oo ay ugu soo gurmadeen walaalhooda Soomaliyeed oo la furay ururka uu madaxda ka yahay."Hadda laga bilaabo waxaan diyaar u nahay inaan u adeegno dadkayaga Soomaliyeed ee Somali-bantu si ay u noqdaan dad waxqabsada oo la jaanqaado nolashaan cusub ee Mareykanka"


Iskusoo wada duuduboo munaasabadaani ayaa ku dhaamatay jawi wanaagasan iyadoo gunaandkiina laga iclaamiyay kulan midkaan la mid ah oo ka dhici doono isla xaafad Kent Adress ka yahay:February 17TH 2 PM to 5 PM at Villa Kee Apartments-Recreation Room

23401 104 ave. S.E. Kent,Wa.98031.

Waxaadna kala xiriiri kartaan Amina Axmed telefoonka ah (206) 957-2245 mise barta internetka oo ah: www.rewa.org  mise www.ci.kent.wa.us


Tifaftiraha Somali Northwest Tv
C/risaaq Cali Adam(Jeesteeye)
Jeesteeye@gmail.com
Seattle,Washington.

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 13, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH