SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MINNEAPOLIS

Socdaalkii Gudoomiyaha arrimaha dibedda ee Kulmiye/Somaliland iyo booqashadiisii Minnesota 

Gudoomiyaha arrimaha dibedda ee xisbiga Kulmiye/Somaliland, Dr. Axmed Xussein Isse  ayaa booqaso gaaban ku soo gaaray gobolkan Minnesota ee carrigan Maraykanka. Gudoomiye, Dr. Axmed oo ay si weyn ugu soo dhaweeyeen Airport-ka weyn ee magaalada Minneapolis habeenkii Jumcihii ee ay taariikhdu ahayd June 29th 2007 hogaamiyayaasha, aqoonyahanada iyo culimo-awdiinka reer Somaliland ee gobolkan Minnesota ayaa u dhacay si aad u qurux badan. Waxa Goobtaas si gaar ah ugu soo dhaweeyay dad aad u tiro badan oo ay hor kacayeen gudoomiyaha xisbiga Kulmiye ee gobolkan Minnesota, Mr. Yuusuf Budle, Gudoomiyaha Somaliland Community of Minnesita, Mudane Xasan Yoonis C/laahi, aqoonyahan, macalin Ibraahim Aaye, iyo Mudane Cusmaan Saxardiid (Cadaani).

Soo dhaweyntaas ka dib waxaa Gudoomiye Dr. Ahmed Xuseen Ciise lagu soo dhaweeyay casho sharaf gaar ah, halkaas oo uu si gaar ah ugu xog-waramay ikhyaartii reer Somaliland. Waxa uu digtoorku sheegay in socdaalkiisan uu ku saabsan yahay u sii diyaar garoowga ololaha dooroshooyinka madaxweyne-nimo ee dhawaan ka bilaabmidoona Somaliland. Xisbiga Kulmiye oo ah xisbiga ugu weyn ee mucaaridka ah ee Somaliland, isla markaana ah kan la filayo in uu si aan shaki lahayn ugu guulaysandoono dooroshooyinka soo socda ee Somaliland ayaa taageero weyn ka haysta tirada ugu badan ee aqoonyahanada Somaliland, gaar ahaan kuwooda qurbojoogga ah.  

Dr. Axmed oo fadhigiisa weyn uu yahay xarunta Europian Community-ga ee Brussels/Belgium ayaa ah mid si weyn ugu ololeeya aqoonsiga Somaliland, isla markaana hormuud ka ahaa sharcigii ay dhawaantan baarlamaanka dalka Jarmalku (Germany) soo saareen ee sheegayay in ay dowladda Germany ay aqoonsan tahay in Somaliland ay tahay mid danteeda ku soo dabaqday “Nabad iyo dimuqraadiyad run ah” sidaas awgeedna ay mudan tahay in dowladda Jarmalku ay gaar ah, oo ka madax banaan arrimaha koonfurta Somaliya ula dhaqanto Somaliland. Inkasta oo sharcigaas ay ansixiyeen golaha baarlamaanka ee dalka Germany aanu ahayn ictiraaf amaba aqoonsi, haddana waxa uu yahay mid sumcad badan iyo qadarin u soo jiiday Somaliland. 

Subaxnimaddii sabtidii waxa uu gudoomiye Dr. Axmed Xuseen si gaar ah ula kulmay kooxo kala duduwan oo ka kala socotay deegaanada Somalilnd.  

Igu dambayntii waxa Dr. Axmed lagu soo dhaweeyay xaflad weyn oo loo wada dhamaa, si gaar ahna loogu soo abaabulay xarunta weyn ee Brain Cole ee magaaladan Minneapolis. Goobtaas oo ay u dhamaayeen aqoonyahanada, hogaamiayayaasha, culimo-awdiinka, haweenka iyo dhalinyarada reer Somaliland ee degen gobolkan Minnseota. Goobtaas waxa uu Dr. Axmed ka jeediyay khudbad aad u dheer oo uu si gaar ah iyo si guudba ugaga xogwaramayay xaqiiqada dhabta ah ee taala dhulkii hooyo. Waxa uu aad carabku ugu celceliyay ilaalinta sharafta iyo sumcadda tastuurka iyo xeerarka ay dhigteen dadka reer Somaliland ee aan dibadda ka iman. Waxa uu yiri Dr. Axmed: Somaliland ma haysato aqoonsi caalami ah ilaa hadda, mana laha dhaqaale weyn oo lagu faano, waxase ay cid walba kaga hormartay nabadda, cadaaladda iyo ixtiraamka tastuurka aasaasiga ah. Waxa ugu weyn waa ilaalinta xuquuqda wadaniga reer Somaliland, meeshuu doonaba ha joogee, ayuu yiri Dr. Axmed isaga oo hadalkiisa sii wata.  

Waxa kale oo isna halkaas qudbad qurux badan ka jeediyay gudoomiyaha xisbiga Kulmiye ee gobolkan Minnesota Mudane Yuusuf Budle (Sacad). Waxa uu Yuusuf si gaar ah u carobaabay amaba u sheegay in ay muhiim tahay in dadka reer Somaliland ee degen dalkan Maraykanka, gaar ahaan gobolkan Minnesota ay muhiim tahay in xiriir fiican, oo ku dheehan is ixtiraam iyo is fahan ay la samaystaan walaalahooda kale ee Soomaaliyeed ee la degan qurbaha. Waxa kale oo uu Mr. Yuusuf sheegay in ay lama huraan tahay in ay dhexdhexaad ka noqdaan dagaalada sokeeye ee ka holcaya koonfurta Somaliya, gaar ahaan magaalada muqdisho iyo agagaarkeeda. Mudane Yuusuf waxa uu hadalkiisa ku soo gebo-gabeeyay: Xisbigaad doontaba ahaw, waxa ugu weyn ee la inaga rabaa waa walaaltinimo, daacadnimo, niyo saafi ah iyo cadaalad loo siman yahay. Waxa uu mudane Yuusuf ku soo gabagabeeyay: Nidaamka siyaasadeed ee aynu qaadanay, waa dumuqraadiyada’e, waa mid curdin ah, aqoon badana aynaan u lahayn, marka waxa haboon in la ilaaliyo oo kolba laga toosiyo meeshii qaloocsanta, kahor inta aanu qaladku sii balaaran.  

Dadkii kale ee halkaas ka hadlay waxaa ka mid ahaa gudoomiyaha Somaliland Community, mudane Xasan Yoonis C/laahi. Waxa uu Mr. Xasan si weyn uga hadlay isku xirnaanta looga baahan yahay qurbo-jooga reer Somaliland iyo dadka dalkii jooga, gaar ahaan siyaasiyiinta iyo odayaal dhaqameedyada. Waxa uu ku nuuxnuuxsaday sida ay lama huraanka u tahay in mar kasta isha lagu hayo dhaqanka iyo dhaqdhaqaaqa madaxda iyo siyaasiyiinta Somaliland, si ay u fududaato sixitaankoodu, haddiba loo arko in ay wax qaldan yihiin.  

Xafladaas oo ku soo gebo gebowday si aad iyo aad u qurux badan ayaa mahadeeda gaarka ah ay leeyihiin Mudane Cusmaan Saxardiid (Cadaani) iyo Mudane C/xakiin Xaaji Siciid. 

Ugu dambayntii waxa si wada jir ah loo sii sagootiyay Dr. Axmed Xuseen Ciise , maalintii Axadda ahayd (July 1st), isaga oo garoonka diyaaradaha ee Minneapolis, MN ka duulay saacaddu markay ahayd 1dii duhurnimo. 

Waxa soo diyaariayay

Khadar Jaambiir (Kharad Jacayl)
EAWCH@aol.com

Faafin: SomaliTalk.com | July 2, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com