SOOMAALIYEEY,
CABDULLAHI WAA KAAS !!!
Mohamed-Deeq
Abadi-madar ”Haldhaa”
Waxaa
la yiri qoyska Soomaaliyeed ayaa waxay
damacday inay Ugaas ama suldaan samaysato.
Haddaba waxaa arrintaas isu soo sharaxay nin
la odhan jiray Muuse Yuusuf. Muuse wuxuu ka
dhashay jilib laan dheer ahaa xoolo baddanna
wuu lahaa. Laakiin muusan ahayn nin ku
habboon hoggaanka noocaas ah oo waxaa ku
yaraa dul-qaadka.
Haddaba
waxaa Muuse aad uga soo horjeeday asii laga
laan-dheeraysnaa nin la odhan jiray Faarax
Khayre. Faarax iyo Muuse dhowr oday bay kala
tirsan jireen oo sidasa umaysan kala fogayn.
Faarax wuxuu ahaa nin caqli badan oo
xeer-dheer. Wuxuunaa aaminsana ainuu isagu
ka mudanyahay Muuse. Laakiin waxaa dib u
dhigay laan-gaabnimadiisa oo markaas kalalin
mugleh cayaarysay.
Waxaa lagu
ballamay burrito in la caleelo-saaro boqorka
cusub ee beesha. Waxaana loo googlay geed
weyn oo reerka agtiisa ku yaallay.
Faarax
wuxuu degay shax uu ku fashilinayo Muuse
Yuusuf, illen si kale wax ugama qaadi karee.
Wuxuu
sameeyay intuu awr gool ah qalay ayuu wiil
uu dhalayna kuruskii ka dharjiyay. Dushana
wuxuu kazoo marmariyay subagii iyo dufankii
hilibka. Wuxuuna wiilkii ku yiri_
“Aabe
waxaad samaysaa geedka iyo gogosha raggu
fadhiyo sii fariiso.
Wiilkii
sidii aabihiis faray ayuu yeelay, oo wuxuu
sii fariistay gogoshii raga iyo boqorka
cusub loo dhigay. Isagoo waliba subaggii iyo
dufankiiba leh.
Raggii
markuu meeshii yimid. Ayuu Muuse Yuusuf
yarkii ku yiri;-
Yarkii
wuu diiday. Deedna Muuse intuu xanaaqay ayuu
yarkii canaantay oo waliba dhangad la dhacay.
Isagoo waliba aad u cadhaysan.
Faarax
Khayre oo meesha fadhiyay intaasna eegayay
waxa dhacaya ayaa intuu istaagay, raggii ku
yiri;
“Habar-jeclooy Muuse waa kaas”
Raggiina
way fahmeen oo way garoowsadeen inuusan
Muuse Yuusuf ku habboonayn xilkaas. Halkaas
ayuuna ku waayay xilkii markii la arkay
inuusan wiilkii yaraab au dulqaadan ama
uusan arrintiiba si caqliyaysan u xallin.
Haddaba
anigu waxaan dhacdadan murtida leh uga
danleeyahay markii aan arkay gumaadka
shacabka Soomaaliyeed e Muqdisho deggan iyo
shacabka Soomaaliyeed ee Jubbooyinka deggan
lagu sameeyay ee uu Cabdullaahi Yuusufna ka
aamusay. Ama uba riyaaqay in shacabka la
gumaado. Ayaa waxaan soo xusuustay
sheekandan murtida leh.
Waxaan
kaloo xusuusta sheekadan igu dhaliyay markii
aan arkay sawir gacmeedka Amiin Caamir ee
ana kor ku soo qaatay. Kaas oo run ahaantii
ka turjuma soida uu Cabdullaahi Yuusuf uga
raalli yahay gumaadka shacabka ama uuba u
moogyahay.
Waxaan isu
barbar dhigay Soomaalidii xilligaas wax ku
cabiri jirtay nin dulqaadiiska, wiil yar oo
dhago adag iyo Soomaalida maanta hoggaanka u
dhiibatay mid madaafiic xabashi usoo
kiraystay inuu ku gumaado ciddii isaga
diiddan maamulkiisa.
Waxbase
hadalka badin maayee, waxaana leeyahay uun:-
“Soomaaliyeey Cabdullahi waa kaas”
Mohamed-Deeq
Abadi-madar ”Haldhaa”
Chairman of
The Somali
Social Democrats’ Party (SSDP)
Borlänge,
Sweden