Daabaco
Boggan | Print
SomaliTalk:
Hadalkii Wasiirka Waxbarashada DGPL waa Baroortu Orgiga ka Weyn
Hay'ada UNESCO ayaa waxbarashada Puntland ugu deeqday gaari iyo buugaag,
laakiin..
Akhri...
Dowlada FKMG Ah Ee Soomaaliya
oo
Indhaha Ka Laabatay Ceelasha Shidaalka Ee Ay Kenya Ka Baarayso Xadka
Soomaaliya...
Akhri

Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado
xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya
Akhri

Shirkadda Range oo Sheegtay in Saddexdii bilood ee lasoo dhaafay ay Garoonka
Diyaaradaha ee Garoowe siisay US$313,000
lacagtas oo aad uga badan tii ay DGPL sheegtay in shirkadu bixisay..
Akhri...

Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006

Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006
ARAGTIDA/MAQAALLADA
DADWEYNAHA EE MAANTA
Mar 11, 07: Inta beri oo laga joogo markii xabashidu
gashay: Kismaayo
(70), Muqdisho
(74), Beledweyne
(77), Baydhabo
(85), Galkacyo
(106),
Sarbeebtii Diinaari |
Gabay: Cabbir
Cabdikhayr
Sheikh Soofe
soofe@hotmail.com
Shaqsiyaadkii Soomaaliyeed
ee masuulka ka ahaa burburkii qaranamidii Soomaaliyeed iyo
xadgudubyadii xaquuqul insaanka ka dhanka ahaa ee ka dhacay
Soomaaliya, markii lagula loollamay hab-dhaqankooda
dugaagnimada ahi waxay casuumeen cadawgii taarikhiga ahaa ee
ummadda Soomaliyeed ee marwalba u haliilayey qabsashada
waddanka Soomaaliya. Waa qayb kamid ah ammuuraha uu ka
hadlayo gabayga soo socda ee la magac baxay Cabbir ee soo
baxay Maarso 11, 2007. Gabayga waxaa tiriyey Cabdikhayr
Sheikh Xassan Sh. Soofe waxaa lagu soo bandhigay Shirkii
bulshada Soomaaliyeed ee waqooyiga America ee lagu qabtay
Columbus, Ohio Maarso 10-11, 2007.
Shirkaasoo ay soo
abaabuleen aqoonhanno Soomaaliyeed waxaa uu ku saabsanaa
sidii midnimo Soomaaliyeed loo heli lahaa iyadoo loo marayo
wada xaajood iyo dedaal aan rabshado wadan. Soofe wuxuu ku
halqabsanayaa Eng. Maxamed Cali Cibaar oo ah aqoonyahan iyo
abwaan Soomaaliyeed oo deggan waddanka Holland marwalbana ka
hadlo wado jir, madaxbannaani, nabad iyo midnimo
Soomaaliyeed, si gaar ahna saaxiib u yihiin Soofe.
Faahfaahin dheeraad ah gabayga isaga ayaa iska bixinaya.
- Caynka gabay
Cibaarow adaa caalim ku ahaaye
- Cisihii Rasuulkiyo
adaan sunnihii caasiyine
- Calankeenna daafaca
adaa cod ula taagnaaye
- Caawimaadda
ehelkuna aday kugu cuslaanayne
- Curiskaaga yaa laga
gartaa caaqilkaad tahaye
- Cimrigiisu raagyow
runtaan kuu cabbirayaye
- Cabashadeyda
saakana bal maqal Caalimkaa weyne
- Casiiskii na uumiyo
markaan diinta ku ciyaarnay
- Ku ceebownay
ciiddaan lahayn caalamkoo idile
- Carruurtiina nala
yaabtay iyo caaqa liitaaye
- Caadiyo waxaan
dhaqan laheyn camal karaameysan
- Cayayaan waxay nagu
tirshaan aan cindi lahayne
- Ciilkaan la
seexdaan walaal kuu cabbirayaaye
- Cabashadeyda
saakana bal maqal Caadilkaa weyne
- Cafiskiyo qoomkii
nabadda naca oo is ceyrteeya
- Oo ceesh qabyaaladi
u tahay cudurna maalaaya
- Markey kala
caroodaan dadoo cidiba meel aaddo
- Cadowgii nimuu
ciidanshaan caymo filaneyne
- Qalbicamo markii
loo xuliyo kuwo ciyaal suuqa
- Oo caalimiintii la
naco jaahilna caweeyo
- Caku kama
dhamaatiyo inuu galo calolyowe
- Annagana canaasiir
ayaa noo cimaamadane
- Calaf waxay u
haystaan wixii gala calooshoode
- Cosobkii
dhulkeeniyo dalkii siiste caanteyne
- Cawaannimo halkey
gaartay baan la cajabaayaayoo
- Ciilkaan la sexdaan
walaal kuu cabbirayaaye
- Cabashadeyda
saakana bal maqal Caalimkaa weyne.
- Ciil looma go’
Maxamedow ceeb adduunyada’e
- Soomaali caawa
sidey tihiyo caatadaa muuqan
- Nimankii colaad
waarta iyo iyo cudurka beeraayay
- Nimankii cududdii
aan lahayn cadcad u googooyay
- Raggii
ceynwareejiyay talada samana ciideeyay
- Culimaa’uddiinkiyo
kuwii caaqillada iibshay
- Colaadaha kuwii
huriyayee gooyay ciribteenna
- Caadaqaatayaashiyo
kuwii cunayay jiirkeenna
- Nimankii cidihii
soomanaa casar duqeynaayay
- Nimankii
carqaladeynta iyo dhibka ku ceeshaayay
- Cilladihii
dhexdeenniyo kuwii keenay caalwaagu
- Haddey maanta
casumeen Tigree waan cajabayaaye
- Ciilkaan la sexdaan
walaal kuu cabirayaaye
- Cabashadeyda
saakana bal maqal Caalimkaa weyne.
- Itoobiya col baan
abid aheyn taniyo coorcoore
- Ceyriinka nimankii
baroo ceyrsadaan nahaye
- Maantana haddaan
cudud la siin caalamna u hiillin
- Cashar kale inaan
siin lahayn waa wax caadiyahe
- Marka ciidan is
horjoogsadee taangi la cabbaysto
- iga celiya wow
caado oo kama cabsoodaane
- Cadow soo
gurmanayaa hadduu cirka ka soo duulay
- Oo uu carshaantii
gubiyo xoolo cows daaqa
- Carradeenna uu xoog
ku yimid lana cambaareynin
- Haddii dulmigii loo
ciidanshoo xaqii la ciideeyay
- Caaq bey la tahay
guul iney cadowgu gaareene
- Waa cowradii dunida
oy calal ka feydeene
- Ciilkaan la sexdaan
walaal kuu cabirayaaye
- Cabashadeyda
saakana bal maqal Caalimkaa weyne.
- Nin caqligii calool
uu ka galay waa caddilanyahaye
- Cawaantaa la soo
waalayee calawasaadeysa
- Caaqibadey la
kulmayaan ciribxumaanteeda
- Caalim kii ahaa
wari ninyahow caamo yeelkeede
- Musafeni cantuuguu
rabaa cunaha naafeyne
- Caddaaladda hadduu
jecelyahoo cahdi uu dhowraayo
- Cagafcagaf ma
mariyeen dhallaan waayay caanihiye
- Coomaadi kuma soo
kacsheen wiilal caaridaye
- Cirroolihii ma wada
layn lahayn cunugyow jog yiriye
- Intii dumar curyaan
noqotayoo hooyo la ciqaabay
- Cisbitaal intuu
gubay ayaan cidina moogeyne
- Caydhteeyay
shacabkiisiyoo cunto ma haystaane
- Caynkii Koongo
hadduu naga rabiyo inaan casnhuur dhiibno
- Oo uu dhulkaa wada
camiran qeyb calaameytay
- Ceego wow danbeyn
idam-Ilaah iney cabaadaane
- Anoon
cagajugleyneyn runtaan sii cabbirayaaye
- Cabiidnimo ninkii
nala rabow taladii kaa ciirtay
-Dhamaad-
Cabdikhayr Sheikh Soofe
soofe@hotmail.com
Faafin: March 14,
2007

Xal u helidda Dhibaatada ka Taagan Soomaaliya hadda.
Kulan ay ka soo qayb galeen culimaa'udiin, aqoonyahanno iyo
siyaasiyiin Soomaaliyeed ayaa waxaa...
Akhri....


|