XISBIGII RPP AFKII HOOGAY YIRI TOOBAY WAA KARAA !!!
Ustaad
Abdiwali Bashir Warsame MR Dalboon
cdalboon@hotmail.com |
abdiwali2006@myway.com
North America Minneapolis, Minnesota
Waa Cajabaah alla la yaab badanaa !!! ayuu yiri carab
kii akhristow hala yaabin oraahda kor ku Xusun waa hadal meeshiisa
dhacay sida aan is leeyahay soo ma aadan maqal Xisbi ama Urur la Oran
jiray Allaha u naxariistee Ramaas Political Party (RPP) oo uu
Gudoomiyaha ka ahaa Nin Ka la yiraahdo Daahir C/qaadir Muuse Af hayeen
kiisuna ahaa C/Naasir Guure Faarax (jeer) ma Ahan Maalintii iigu
horaysay oo aan siyaasi somali ah la yaabo laakiin raggii hore tar tiib
Si yar Ayey u dusi jiraan ama waa fakan jireen sida Xussen Caydiid oo
kale ama Diinaari laakiin
C/Naasir Guure Faarax
[jeer] |
Nin Hal mar la soo booday ama galay Madaxtooyadii uu
caayi jiray waliba Af ka qaylo ku Shubtay Asaga oo aad mooda bartiis
yaqaan Jaqadiisi Afhayeen nimada sida uu isku Magacaabay ilaa meel lagu
magaacabay looma sheegin saxaafadee hal mar ayaan ku Baraarugnay Af
Hayeenka Madaxtooyada Puntland C/naasir Guure Faarax Halkan ku dhufo
:
Qoraalka ay Somalitalk ka diyaarisay
http://www.somalitalk.com/2007/nov/05nov07.html
Maalintii aan akhriyey oo war bixin tiisa oo mudo asbuus ah laga joogo
waxaan is iri waa Indhahaaga ee si facan wax u akhri indhahaan Mar
martay mase sawir kiisii ayaaba ku jira Markaas ayaan jagada fiiriyey uu
sheegtay mase meeshiisi kama dhaqaaqin ilaa waa bar Tiiyaqaane mar kii
aan wax hubsaday oo haddana aan arkay Qoraal kii Somalitalk ayaan email
Diray nasiib daro iima soo jawaabin war nin ku han yaraa !!! waxaase han
yaradi ka daran laba Arimood Nin ragga waa is dhiibaa meesha uu isku
dhiibay ayada oo aan la ogayn iyo sida uu u Halmaamay waxuu ku hadli
jiray waxaa la yiri
Sirqabahana taariikhdu way sahamindoontaaye
Hadde Nin baa horay u yiri
Waxan ahay nin midabbeeya oo maalinbays rogae
Muuqaygu gelinkiiba waa muunad goonniyahe
Miisaanna ima saari karo nin i maleeya
Adigu waxaad iska dhahdaa AF KII HOOGAY YIRI TOOBAY WAA KA RAA Nin la
oran jiray Ismaaciil Ahmed Diiriye oo gabyaa ahaa ayaa walaal kiis waxuu
ku biiray xisbigii S.Y.L Markaas Ayuu qoonsaday gabay ayuu tiriyey uu ku
muujinayo in uu ka xun yahay in uu siyaasad galo waxaa walaal kiis la
oran jiray Aw Basbaas waxaana ka mid ahaa
Haw dhuran dhurwaagii laftuu dhuuxay eersadaye
Dhagar aanad gelin Aw Basbaas* yuu ku dhaxalsiinne
Dhexda yaanu maro kuugu xidhin dhiig tif leeyahay
Dhulka niman samaantiisa wadin yaan lagaa dhigine
Dhiinraac ha noqon adigoo dhawr gu'yaal soo jiraye
Adiguna dhabada weecsinta ah dhaanka haw rarine
Marabin in aan si lawada maqlayo in aan wax kaaga qoro laakiin adigaa
qayliyey waxaanse Arkay dad badan oo madaxa dhafuurada haysta amaa
lagugu han weynaa oo aad hanyaraatay.
Xataa meeshaada haddii aad horay oga dhaqaaqi lahayd
waxbay ahaan lahayd walow aysan Macno badan samayseen Jago ka fiican buu
helay maqal ka wax weyn ma yeesheen waa Haddii aanan qoraaladada dib
danbo iyo meel loo raaco Record kaagii hore la waayi lahaa Cakow
Caalamkaam Cawrada faydaya hal Qaryo Haltuulo hal Mandaqad ayaa laga
dhigay
GUDOOMIYIHII XISBIGII RPP
Waxaa xaal ku ku socdaa Geelu Darantii waaba kaga daray
Daahir C/qaadir Muuse in aad Aamusto madan iyo xal baad biday haddii
aadan wax ka ogayn ma is taraashaad tahay ayadaa faraha la iskaga
tiraaye mase balan qaad ayaad ku aamustay oo adiguna meeshaadii kama si
kanaysid oo nin walbow meeshaadii weeye Gudoomiye ayaad rabtaa ilaa
raggu horay uma Socdaane mase adeer sharciyada axsaabta mucaaradkaa ayaa
dan akhrisan qodab kee Cuskateen in aad is dhiibtaan mase Dowladda ayaa
u shaqaynayseen oo mar kii ay aragtay cid Xisbi rabta in aysan jirin
ayey idin kala dirtay oo waa iska tagtay adna su,aashusu waxay tahay
Maxaad beenta noogu sheegteen horay ayaan Maqaal kii aan Puntland ka
qoray ee HANOO TALIYEE TUUG MAHAYSAAN ku xusay eray meesha fadhiya NIN
WAX XADIYO XARIIF MOOYEE NIN XAQ DOON YIRI KU XISAAB WAA
AQOON YAHANADA REER PUNTLAND
Waxay ila tahay Aqoon yahanada Reer Puntland labada
xaniiyood ayaa la haystaa Nin baa Waxaa la yiri masaajid ka iyo salaadba
waa ku Cusbaayeen oo geel jire ayuu ahaa howd Waadiye ayuu ka yimid
laakiin nin af tahan ah oo Kaftan Badan ayuu ahaa Magaalu yimid Markaas
ayaa la yiri toko Salaadda oo masaajidka aad salaadii waa la baray
Masaajidka ayuu Safka hore iska xaadiriyey salaadii ayaa la galay markii
la sajuuday ayaa cunug yar labada Xiniiyood oo soo kuusan iska laa
laadiyey asna inta uu adkaysta oo mooday rugni salaada ka Mida ayuu
iimaan kii soo jiiday xiniiyaha aac war iga fuq ilaa safka danbe ayaa
xaniiyaha la is Haystaa buu ku jawaabay hadde waxay ila tahay ilaa
Baydhabo miyaa mase ilaa Adis Ababa
Kii aqoon yahan ahaa intee cudur ayaa ku dhacay Inta
wadnuhu garaacayo rag baa la meel ay ku neefsadaan
TALADA AAN SIINAYO XISBIGII RPP
Talada aan siin karo Xisbigii asagu is bur burshay ee
RPP maradii idin ka dhacdaye dad kiina
Dhinac ka raaca oo meelba ma iidan gaarine bakaylow Nin iyo Bur waad
maqasheen ayaan Filayaa bakaylaa shiray waxuu shir kiisii ku dhamaaday
Nin walbow naftaa bur ha hoos galo Waa geed yar oo ciid kuusan leh bur
ku ilaa hadda hoos galaa nin kii bakayla ahaa markuu qof Ama bahal Arko
asaga oo 10 ka badan burkaas ayuu isku aaminaaye inta uu yahay kuma
Xisaabtamo igana raali ahaada haddii aan xoogaa idin ku qaloociyey
Ustaad Abdiwali bashir Dalboon North America Minneapolis
cdalboon@hotmail.com
ABDIRAXMAN XARIIRO OO MARAY WADADII SHAAFICI HASSAN:
Jawaab....