SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

ABDIRAXMAN XARIIRO OO MARAY WADADII SHAAFICI HASSAN  


Ustaad Abdiwali Bashir Warsame MR Dalboon
cdalboon@hotmail.com | abdiwali2006@myway.com
North America Minneapolis, Minnesota


Bismilaahi Raxmaani Raxiim   
Naxariis iyo Nabad galyo Nabi Mohamed Korkiisa ha ahaato   
Intaas ka dib  

Sheikh Aweys:
SH XASAN DAHIR NIN XAQ DOON YIRI, IYO XARIIF MOOYE NIN XABASHI KEENEY KU XISAAB WAA !!!  

Cajiib badanaa subax dhaweyd ayaa sidii caadada ii ahayd markii laga soo baxay salaada subax ayaan fariistay Computer kayga mase nin Xariiro la yiraahdo ayaa  Afka qaylo ku shubtay oo maradii ka dhacday, nin kaas maqaal Ayuu ku qoray website yada somalida, maqaal kaas oo uu u Bixiyey ama cinwaan ka dhigtay HASSAN DAAHIR AWAYS OO ILAAHNIMO SHEEGTAY, [Daahir Caweys oo ILAAHNIMO Sheegatay, waa sida uu hadalka u dhigay'e] - waxaan halkaas ugu xiriiriyey in aad ila aragtaan waxaan rabo in aan raadiyo ama nagdiyo sababtoo ah haddii aad rabto in aad qof saxdo ama khalad kiisa sheegto waxaa khasab ah sida eedaabtu ku jirto in la helo Waxii aad ku haysato ama waxii aad rabto in aad wax ka tiraahdo si loo fahmo adiga iyo qofka aad ka hadlayso waxaad isku haysaan laakiin waxaa ayaan daro iyo nasiib xumo ah Xariiro arintaan kufriga keenaysa in uu san xaqiiqo u keenin oo uu yiri aljaziiro ayuu ka hadlay maalin laakiin wax copy ah qoraal ama cod ma soo ban dhigin:

  1. waa miisaan ka uu saarayna waa gaalnimo oo fir coon ayuu la siman
  2. cadaaladii ayuu ka tagay oo in uu soo ban dhigo ayey ahayd qoraal iyo cod waxuu ka hayo
  3. sida asaguba qoraal kiisa uu ku sheegay waa uu xanaaqsanaa

Haddii aan maqaal kayga iyo qoraal kaga u soo laabto ciwaan kiisa  "ABDIRAXMAN XARIIRO OO MARAY WADADII SHAAFICI !!! "

Maqaalkayga ciwaan kiisa bal wax yar aan isku taago :

Xariiro waa nin ka aan ka hadli doono oo aan si cilmiyeysan aan ku radin doono, laakiin waxaa laga yaabaa in ay dad ku is weydiiyaan Shaafici Hassan waa kuma ? haddii aad akhristow ama qoraayow aad tahay mid wax akhriya  haafici waxuu qoray Maqaal la yiraahdo WADAADADU MA DAD BAA MASE WAA DIIN !! ?? waxaan filayaa in ay ahayd masalo dad badan ku wareereen oo falylisuufigaas shaafici ee cilmi nafsiga bartay uu isku dayey in uu dad ka xariiro oo kala in uu wareersho laakiin allah nin ayuu ku soo saaray la yiraahdo Abdiwahid khaliif oo jawaab aan is leeyahay waa ku haboon tahay siiyey halkaan ma qaal ka ka fiiri http://www.somaliatalk.com/2003/sept/cw290903.html  laakiin Abdiwahid ayaa sharxay waa dad diinta allah xambaarsan dad iyo diin labada waa yihiin sida aanan diinta iyo dowladda loo kala qaadin ama su,aashii Abdiwahid oo ahayd doctor ku ma daawaa mase waa doctor hadii daawada wax laga sheego oo la yiraahdo daawadu waa khaldantay oo cudur kaan aad qabto looma cuno ama waa dhacday yaa wax laga sheegay doctor ka ayaa wax laga sheegay hadii aad culumada aad wax ka sheegtana allah iyo diintiisa ayaad wax ka sheegay ama tusaale kale hadii aan ku siiyo niman kii munaafiqiinta ahaa ee saxaabada nabiga swc yiri waa niman cir weyn oo caloola waaweyn oo fulayaala allah ayaa ka jawaabay oo yiri allah iyo ayaad kiisa miyaad ku cayaaraysaan cadaabna waa loo yaboohay marabo in aan ku sii fogaado ama aan dib idinkugu celiyo 2003 gii waxaana aamisanahay in ay jawaabtii Abdiwahid ku filan tahay .

QAAB KAA OGA JAWAABAYO MAQAAL KA XARIIRO  

Akhri:
FIRCOON IYO AFADIISII

 

Xariiro in kastoo aadan soo bandhigin arinta aad Hassan ka sheegtay in uu ilaahnimo sheegtay sida qoraal kaaga ku cad ama qoraal midna laakiin aljazeera ayaad sheegtay in uu hadalka ka sheegay dabcan hadal kiisa ama erayada aad ku dhagan tahay oo kama ah waxuu yiri naxnu nakhlukh insaan oo macnaheedu yahay dad ayaan abuuraynaa. Iyo kalmada ah gabadhiisa ayuu i siin lahaa laakiin. Tan gaal nimada aad ku sheegay ayaa muhiima ayaad moodaa in aan ka hadlo walow aadan keenin wax cad qoraal ama cod oo aad xukun ka adigu riday kuna xukun tay rido ama gaal nimo waxaadna la sintay fircoon masalada in qof lagaalaysiiyaana waxaa laga sheegay iyo waxaa lalahaa cid na laguma gaalaysiin karo qarniyadaana hade dowladaha horray u maray waa ku dhiiran la yihiin in ay ilaah nimo sheegtaan laakiin adigu koley nin eraygaan ku dhagan ayaad tahay una malayn mayo inta aan luuqada carabiga aan ka bartay in aad ka taqaanid.
     
            Sharaxaxaadda Erayga Naxnu Nakhlukh Insaan  
 
Macnahu waa Dad ayaan abuuraynaa laakiin waxaa laga wadaa dad ayaan Tarbiyadooda iyo akhlaakhdooda iyo dad nimadooda soo saaraynaa, xariiro laftigiisu macnahaas waa sheegay aan amaantu cilmiya aan u sheegee waxuuna yiri xariiro waxaa laga yaabaa in uu is lahaa sh. Hassan aways dheh Naxnu Narabi ajyal ) intaas waa hadalkii xariiri laakiin xariiriyow erayga khalqiga ah ama qaaliqa iyo erayga aad ficilka ka dhigtay ee Rabi maxay ku kala duwan yihiin ?? waxaan u malaynayaa haddii aad garanaysid in Aadan Hassan qabsateen.
 
(1) Horta adiga oo fahmay sheekhu meesha uu wax ku u wado oo wali sheegay sida uu hadalka u rabo ayaad inta hadal kii af mariijisay oo jeegada qabatay ayaad xukun soo saartay ah in uu gaaloobay sharuudaha takfiirinta ama gaalaysiinta qof muslim ahaana waxaa ka mid ahaa in wax cududaar ah loo waayo laakiin adiga oo u haya oo qoraal kaaga ku dhex sheegay in uu sida uu rabay ayaad hadana ku dhawaaqday Hassan ilaahnimo ayuu sheegtay ilaahnimo sheegashaduna waa galnimo ? 

(2) Ma og tahay erayga aad ku haysato ee khaaliq iyo erayga aad leedahay muu isticmaalo ee ah Rabi in ay isku Mid yihiin ogow haddii ay isku macno noqdaana adiguna kama baxsan doontid meesha aad u riixayso Hassan. Laba tusaale ayaan ku siinayaa - 1: Allah waa kan dhulka iyo circa abuuray "khalaqa samaawaati wal ardi" kalmada khalaqa ayaa la adeegsaday markii dad ka laga hadlayeyna waxaa la yiri "Rabi Naas" oo macnaheedu yahay Allaha dadka abuuray, marka maxay ku kala gadisan yihiin xariiri khalaqa dhulka iyo cirka allaha abuuray iyo allaha dad ka abuuray, hadaba waa isku macne marka hore oo halkaas adiguna rabi hala adeegsado ayaad tiri adiga iyo hassana waad saxan Tihiin oo labada erayba waa la adeegsan karaa gaalnimana ma sheegayso labada erayna allah labadaba qur,aan ka ayuu ku sheegay marka waxaa la dhahaa oo culumadu adeegsadaan Qaacido caam ah oo Macruufa IDAJTAMACAA IF TARAQAA WA ITAFTARAQAA IJTAMACAA hadii ay kulmaan macno aan waa kala tagaan haddii ay kala tagaan macno ahaan waa isku soo laabtaan tusaalaan ku siinayaa :
 
(1) Qul Acuudi Birabi Naas oo macnaheedu yahay Waxaad dhahdaa allah ayaa magan galayaa rabiga dad ka abuuray  
(2) Nabiga waxaa ka sugan Laa yu,um Rabul Mansil lama Tujiyo nin ka gurigiisa ama xafiis kiisa haddii aad ugu timaado lama tujiyo waa in uu asagu kuu idmo oo yiraahdo walaal salaada naga saar mooye waa meelaha islaamku digtaatooriya kula dagaalamo nin gurigiisa inta ugu timaado istawuu ma dhihi kartid laakiin anigu macnaha aan ka wato aan sheego marka bal u fiirso Rabi naas iyo rabul mansil maxay ku kala gadisan yihiin labada erayba waa rabi haddii xariiri joogi lahaa xiligii nabiga mala waxuu dhihi lahaa nabiyow erayga rabi ha is ticmaalin ee dheh Laa yu,um Rajul fii bay tihi, xariiri sacuudigana waa joogtaa naxwaha iyo sarfiga iyo balaaqadaan kuma fiicnid, waxaa fiicnaan lahayd in aan isku meel joogno oo aan masaajidka abubakar sadiiq kaa radiyo oo ilaa sadex muxaadaro aan kaa galo.
 
(3) Waxaa kaloo qur,aan ka ku sugan qisadii Nabi yusuf swc markii uu riyada fasiray ayuu yusuf yiri ku laabo rabigaaga oo weydii waxay sameeyeen naagihii kooxda ahaa ee gacmahooda jaray, erayga rabi marakanna waxaa loo is ticmaalayaa boqor nin madax ah, marka xariiriyow erayga ee hassan aad leedahay ha is ticmaalo ee rabi ah oo aad tiri waxaa la rabay in ii yiraah Nahnu Nurabi Insaan meesha uu ka yiri Naxnu Nakhlukh insaan maxay ku kala gadisan yihiin allah ayaan idin ku dhaarshaye waxuu ka cararo ayaan idin sheegayaa xariiro erayga khaalikh waxuuna rabaa in laqaato erayga rabi waana isku mid asaga iyo Hassan sidaan horay u sheegnay waa saxan yihiin erayguna hadba meesha la dhigo ayaa macnihiisu aadaa marka xariiro gaalnimada xaggee ka keentay.
 
(4) Haddii lagu yiraahdo dad ku ma dhalaan mase wax bay abuuraan ? maxaad oran lahayd xariiriyow anigu waxaan oran lahaa dad ku waa dhalaan laakiin hadana ilmaha akhlaakhdooda iyo dad nimadooda ayaga ayaa qayb weyn ka qaata oo waa tuu nabigu lagaa qof kasta islaan nimo ayuu ku dhashay ee hooyadiis iyo aabbihis ayaa ka dhiga Yahuud ama Nasaaro ama Muslim see  oga dhigaan ?? Xariiri aan kuu sheegee sida Hassan oo kale ayey akhlaakhda wanaagsan iyo wadada saxdaa ku ridaan macno saxa oo la fahmi karo ayuu imaanayaa erayga Hassan oo ah Ummad ayaan soo saaraynaa.
 
(5) Haddii Xariiriyow Laa ilaahay illa laahu Mohamed Rasuululaah la kala gooyo oo la soo qaato Laa ilaahay oo kaliya maxaa soo baxaya ?? waxaa soo baxaya kufri iyo ilxaad laakiin haddii la raaciyo ila laahu Mohamed rasuululaah waxaa soo baxaya Towxiid iyo Macno la fahmi karo, waxaan ku leeyahay hadalka Sh Hassan Markii horaad kala goysay meel loo raacana ma lahan waxaa laga yaabaa ilaa hadba waxaad tiri waxaa laga yaabaa lacala tuqaabilu lacala Marka waxaa lagayaabaa in uu yiri sh Hassan dad ka akhlaakhdooda iyo caqiidada salafka iyo hilinka toosan ayaan ku ha gaajinaynaa siday saxaabaduba u oran jiraan waxaan ahaan jirnay dad qabiil isku laaya oo dhagax caabudo oo gabdhahooda aasa waa suurta gal in uu ka hadlayey mushtamaca wanaagsan si loo helo laakiin waa nasiib daro mushtamacii wanaagsanaa in aad adigu toosh ku ifiso kuna sheegti sida qoraal kaaga ku cad "Argagixiso" caalamiya, runtii waa ayaan daro in aad joogto meeshii nuurka adduunka iyo towxiidku ka yimid Sacuudi Arabia hadana aragtidaada sidaas noqoto, kulama yaabeen haddii aad wadamada reer galbeed joogi lahayd.

SAXAABADII RASUULKA
0. Hordhaca Casharada...
1. Cabdullahi Binu Xudaafa
2. Abul-Caas Binu Rabiic
3. Ummu Salama
4. Cabdullaahi Binu Cabbaas
5. Cumeyr Binu Wahab
6. Cabdiraxman Binu Cawf
7. Dhufayl Binu Camr
8. Xudeyfa Binu Al-Yamaan
9. C/lahi Ibnu Ummi Maktum
10. Saciid Binu Caamir
11. Caddiyyu Ibnu Xaatim
12. Majsaata Ibnu Thawr
13. Salmaan Al-Faarisi
14. Asmaa Bintu Abii-Bakar
15. C/lahi Binu Mascuud
16. ABuu Ayuub Al-Ansaari
17. Abuu Hureyra Al-Dowsi
18. Dalxata Binu Cubeydillahi
19. C/lahi Binu Jaxshi
20. Al-Baraa Binu Maalik
21. Thumaama Binu Uthaal
22. Abuu Cubeyda Al-Jarraax
23. ABuu Dar Al Qhifaari
24. Al-Rabiic Binu Ziyaad
25. Uzaama Binu Zeyd
26. Zeyd Binu Xaaritha
27. Ummu Xabiiba
28. Jacfar Bin Abii Dhaalib

LUUQADA ARABIGA  

Khalaqa waxaa la dhahaa awjada ama ansha,a macno qadara waa la dhahaa sida qawaacida carabiga nahwo ama balaaqo ama sarfi qalaqa masdar fii maxali nasba faah faahin dheeraada ka fiiri kitaabka sharxo caqiidatu al daxaawi ee xadiith ta sh albaani takhriijiyey bogga 141 fiiri mar kii macnaynayo kalmada qalaga qalqa bi cilmihi baab kaas  
 
Rabi Macna rabuubiya walaa marbuub allah rabi weeye ayaad oo aysan jirinin cid rabi loo noqdo ayuu rabi ahaa Markii macnahaas fasiraya asaga oo waliba baab kaas daba dhigay eraygii khaalikh waxuu kitaab ka caqiidatu daxaawi sharaxiisa Ibnu abu cisi al xanafi ku macneeyey kalmada Rabi mowsuufun waxuu ku sifaysan yahay Rabi qabla An yuujad Marbuub Rabi waxuu Rabi ahaa ayada oo cid rabi loo noqdo aysan jirin waa tan meesha aan ka daliishanayo waxuu yiri waxuu ku sifaysan yahay ama ku til maaman yahay in uu yahay khaalikh soo uma jeedi farqi weyn in uusan u dhaxaynin Rabi iyo qaaliq adna waxaad tiri midna waad ku gaalaysiisay midna saan ayuu rabay in uu dhaho sidaan ayaa san ayaad isla soo taagtay ka fiiri Caqiidatu Daxaawi sharxiisa bogga 136 sa daqiiqa ayuu u sii sharxaya bal akhriya  
     
Xariiriyow Is dhiib oo toobad keen  

Akhri: Taariikhdii Imaamul Bukhaari  

Somali haddii aan nahay culumo iyo caamo dhib gooniya ayaa nahaysta iska dhiibno marka xaqqa nala ka hayo uma qabno in ay naga hoos bixi karto xataa haddii uu shiikh aad masalo isku qabataan waa ka xishoonayaa in uu is dhiibo waan soo baarayaa ayuu ku leeyahay haddii uu soo baaranaya cadaalada ayuu garab marayaa oo nas kasta oo ku taageersan hoos uma fiirinayee waa ka gudbayaa haddii uu arko wax raacsanaya khad ayuu ku madoobaynayaa far waa weyn iyo qalin cas ayuu ku soo qorayaa waa takbiir sanayaa allahu akbar ayuu leeyahay qof walbow isku day saddex wax yaalood in aad wax akhriso in aad is dhiibto haddii lagaa hayo anbiyadii ayaa la sixi jiray iyo in waxada qoraysid ka fiirsato gaar ahaan haddii aad shakhsi rabto in aad wax ka sheegto soo qor waxuu yiri soo gudbi haddii uu cod yahay khaasatan haddii sida xariiri oo kale aad rabto in aad diinta xuja la,aan dad ka oga saarto xariiriyow maantay waa adduun ka faaidaysto fursadaan qaaligaa  
 
Xukunka Xariiro Maxuu Noqon Muslim iyo Gaal  
 
Waxaan taas oga tagayaa aqoon weyn uma lihi xariiro, Shiikh na ma ahi, walow faniga carabiga gaar ahaan luuqo Safaaxo luuqada saxaafadda iyo culuumta diinigaa aan ku fiicnaadee khadiib north America min barada ka is taago ii daa anigu xukun kaaga culumada ayaan u daayey rag baanse jeclaan lahaa in ay wax kaa dhahaan, gaar ahaan  qorayaasha ah aqoonta leh, waxaan ka rajaynayaa in ay adiga iyo intii ku soo raacda si weyn loo redin doono Haddii iidan is dhiibin.
 
Ustaad Abdiwali Bashir Dalboon
North America Minneapolis
cdalboon@hotmail.com | abdiwali@myway.com

SH XASAN DAHIR NIN XAQ DOON YIRI, IYO XARIIF MOOYE NIN XABASHI KEENEY KU XISAAB WAA !!!  

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | July 3, 2007

QOraaladii hore ee dalboon::


Sawirada: Google Images


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD