SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO

Barnaamijkii Radio Xoriyo

09 October 2007.

Dagaallo cadowga lagu waxyeelleeyay.
 
Waxyeellooyin cadowgu u gaystay dadwnayaha.
 
Khilaaf u dhexeeya taliska Addis Ababa.

Khudbad meelo badan taabanaysa oo uu jeediyey Gudoomiyaha JWXO.

======================        

HALKAN KA DHEGEYSO BARNAAMIJKA .......

Dagaallo cadowga lagu waxyeelleeyay.
 
Wariyaha RX uga soo warrama xarunta dhexe ee Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya ayaa noo soo tabiyay dagaallo dhawr ah oo si wayn loogu waxyeelleeyay ciidammada caga-jiidka ah ee gumaysatada Itoobiya. Dagaalladaasi waxay u dhaceen sidatan;
 
08/10/07 waxaa magaalada Dig lagu miray ciidammo gumaysigu leeyahay oo halkaas ku sugan, iyadoo loo gaystay khasaare aan faahfaahintiisa la haynin.
 
07/10/07 waxaa sidoo kale magaalada Dig duleedkeeda lagu weeraray ciidammada gumaysiga ee Dig fadhiya, waxaana weerarkaas ciidammada cadowga lagaga dilay 2 askari, 2 kalana waa lagaga dhaawacay.
 
05 iyo 04/10/07 waxaa sidoo kale weerarro mir ah loo gaystay ciidammada gumaysiga ee Dig ku sugan, waxaana weerarradaas loogu gaystay khasaare aan faahfaahintiisa la haynin.
 
03/10/07 waxaa weerar mir ah loo gaystay ciidammada gumaysiga ee fadhigoodu yahay magaalada Yucub, waxaana loo gaystay khasaare aan faahfaahintiisa la haynin.
 
30/09/07 dagaal adag oo CWXO iyo kuwa gumaysiga Itoobiya ku dhex maray meesha lagu magacaabo Uusley, oo ka tirsan degmada Awaare, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 21 askari.
 
Waxyeellooyin cadowgu u gaystay dadwnayaha.
 
Cidammada gumayisga Itoobiya ayaa waxyeelloyin kala duwan oo isugu jira dil, xidhay iyo dhac u gaystay dadwayne rayad ah.
 
30/09/07 waxay ciidammada gumaysigu Uusley, oo ka tirsan degmada Awaare, ku dileen Alla ha u naxariistee Cabdi Daa’uud.
Waxay sidoo kale ciidammada gumaysigu deegaanka Uusley ku gubeen labo reer, iyagoo dab qabadsiiyay Aqalladii iyo hantidii ay labadaas reer haysteen. Labadan reer ee cadowgu gubay waxaa oday u ahaa ninka lagu magacaabo Xaaji Furre.
 
22/09/07 waxay ciidammada gumaysigu magaalada Iimey ku xidhxidheen dadka kala ah
1-    Haadi Mustafe
2-    Dubad Nuur Xaaji
3-    C/nuur C/raxmaan
4-    C/llaahi Aabi Mataan
5-    C/raxmaan Colaad
6-    Cindi Maxamed Qani iyo
7-    Ardo Faarax
 
15/09/07 waxay ciidammada gumaysgu boob ka gaysteen tuulada Gudhis, oo ka tirsan degmada Fiiiq, waxayna lacag gaadhaysa 1600 oo Bir ka dhaceen ninka lagu magacaabo Maxamed Haybe. Waxay sidoo kale ciidammada jidhdil aad u ba’an u gaysteen Axmed-yare Sh Yuusuf Haybe.
 
10/08/07 ciidammada gumaysiga ee ku sugan degmada Xamaro ayaa hanti badan ka boobay dad rayad ah, isla markaana jidhdil ba’an u gaadhsiiyay. Dadka dhibaatooyinkan loo gaystay waxay kala yihiin;
1-    Wali Xauseen Digaale
2-    Nuur Carab Muxumed
3-    Cabdi Maxamed Cabdi Salsal iyo
4-    Cumar Baddal Aaden Xaashi.
Dadkan waxay ciidammada gumaysigu ka dhaceen lacag marka la isu geeyo gaadhaysa 22,000 oo Bir.
 
Dhinaca kale waxay ciidammada gubeen tuulada Fiic, oo Qabridaharre ka tirsan, markii ay taariikhdu ahayd 06/10/07. Ciidammada gumaysiga ayaa bililiqaystay tuuladaas markii ay gubayen, waxayna baabuurtooda ku rarteen Jiingadihii guryaha iyo wixii kale ee hanti ahaa ee dadwaynuhu lahaa.
 
Khilaaf u dhexeeya taliska Addis Ababa.
 
Taliska Addis Ababa ee TPLF-tu hooggaamiso ayaa la sheegayaa in raga ugu sarsarreeya uu khilaaf xooggani soo kala dhex galay, waxaana la sheegayaa inay isku khilaafsan yihiin in wadaxaajood lala galo xisbiga CUDP iyo in kale.
 
Ilo xogogaal ah oo u warramay Warsidaha Indian Ocean ayaa sheegay in khilaaf xooggani uu u dhexeeyo kaligii taliye Meles Zenawi iyo wasiirkiisa arrimaha dibada oo dhinac ah iyo Sebhat Nega oo ay taageerayaan Bereket Simon iyo Tefera Walma oo iyaguna dhinac ah.
 
Labadab garab ayaa isku diiddan in wadaxaajood lala galo waxa ay ugu yeedheen madaxda qunyar-socodka ah ee xisbiga CUDP, oo ah kuwii dhawaan xabsiga laga sii daayay. Labadan garab midkood ayaa rumaysan in madaxda xisbiga CUDP siyaasad dabacsan lagula dhaqmayo, waxayna ka soo horjeedaan in wadahadallo furan lala galo xisbiga CUDP.
 
Kooxo kala duwan ayaa dalka Maraykanka ka wada dadaal ay ku doonayaan in ku wadahadalsiiyaan kaligii taliye Meles Zenawi iyo madaxda CUDP, waxaana loo badinayaa in wadahadalladaas ay ka shaqayso oo dhexdhexaadiye ka noqoto Xarunta Carter ee madaxwaynihii hore ee Maraykanka Jimmy Carter, hase yeeshee dhinaca wadahadalladan diiddan ayaa la filayaa inay ku gacan-saydhi doonaan isku day kasta oo arrintaas la xidhiidha.

HALKAN KA DHEGEYSO BARNAAMIJKA .......

 

09 October 2007 

Axmed Gaal-Eri

 

Radioxorio@radioxoriyo.com
Raadioxoriyo@yahoo.com

 

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay 15260 KHZ,iyo internetka Radioxoriyo.com,Ogaden.com  Maalmahaa Talaadada & Sabtida  7:00PM – 7:30  waqtiga Afrikada Bari

 

SomaliTalk.com | Oct 10, 2007


Cadde Muuse oo Shaaca ka qaaday in ku "daalay" Madaxweynanimada
"waa waqtigii aan nasan lahaa.. anigu waan daaley.." Sidaas waxaa yiri Madaxweyanaha DGPL oo u waramayey idaacada Codka Maraykanka, waxa kale oo uu ka hadalay Batroolka..

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com