SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Warar: Oct 11, 2007

  • 22 Wasiir oo Xukuumada Geeddi Ka Dalbaday in ay Kalsooni weydiisato Baarlamaanka ka hor Oct 12, Haddii kale...

  • Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan Qarax weyn oo ka dhacay meel ku dhow Hoyga Cali Max’ed Geedi ee Baydhabo…

  • Sheekh Aadan Madoobe oo sheegay in lagu kala bixi karo Dastuurka

  • Cali Max’ed Geedi “Dowladdu waxay inta badan waqtiga uga lumay guurguurida iyo dagaal..”

  • Dowladda Uganda oo sheegtay in ay walwal badan ka qabto xaalka Muqdisho

  • Saraakiil uu soo diray Madaxweynaha DFKMG C/llaahi Yuusuf oo shalay Dekedda xaalad ka abuuray

  • Dhaca Gawaarida oo ku soo badanaya Muqdisho

  • Sarkaal ka tirsan ciidamada oo lagu dilay Villa Baydhabo

  • Warbixn dheeraad ah oo ku saabsan qarax ka dhacay Magaalada Kismaayo


22 Wasiir oo Xukuumada Geeddi Ka Dalbaday in ay Kalsooni weydiisato Baarlamaanka ka hor Oct 12, Haddii kale...

Baydhabo: Wasiiro ka tirsan DFKMG oo tiradoodu dhan tahay ilaa 22 ayaa isku raacay in xukuumada Cali Maxamed Geedi ay kalsooni weydiisato baarlamaanka DFKMG ee Baydhabo ka hor Octobar 12, 2007 oo sida ay sheegeen ah maalinta ay ku egtahay xukuumada Geeddi, haddii ay kalsooni weydiisan weydo baarlmaanka markaas waxa ay wasiiradaasi sheegeen in ay yihiin xildhibaano. Haddii baarlamaanku arrintaas meel marin waayona waxay wasiiradu sheegeen in ay halkaas ku kala tagi doonaan.

Wasiirada go'aankaas soo saaray waxay xukuumada Geeddi ku eedaynayaan in ay diidey in codka kalsoonida weydiisato baarlamaanka kahor Octobar 12keeda. Waxayna cuskanayaan qodobka 11aad ee Axdiga Federaalka KMG ah farqadiisa 8aad & 9aad oo ay sheegeen in ay ku caddahay in in Xukuumadda ay cod kalsooni ah weydiisato Baarlamaanka inta aan la gaarin October 12, 2007.

Xukuumada Geedi, sida ay wararku sheegeen, in waqtigii ka dhammaaday maadaama la rabey in muddo laba sano gudeheed ah ay ku soo dhisto Dastuurka Federaalka ee lagu dhaqayo dalka. Waxayna 22ka wasiir ee qaraarka soo saaray dalbanayaan in maadaama ay xukuumada arrimahaas ka soo bixi weydey ay kalsooni weydiisato Baarlamaanka, baarlamaankuna uu arrintaas u codeeyo.

Wasiiradda qararka soo saaray magacyadoodu waxaa kamid ah:

  1. Max'ed Max'uud Gacmo Dheere.Wasiirka Arimaha gudaha.

  2. C/risaaq Isaaq Biixi, wasiirka Gaashaan dhigga.

  3. C/laahi Cabdi Garuun, Wasiirka Amniga Qaranka.

  4. C/laahi Yuusuf Xaraare , Wasiirka Batroolka iyo Tamarta.

  5. Max'ed Nuuraani Bakar, Wasiirka Macdanta iyo Biyaha.

  6. Ismaciil Maxamuud Hurre Buubaa, Wasiirka waxbarashada.

  7. Cabdi Max'ed Tarax, Wasiirka boostada iyo isgaarsiinta.

  8. Cali Ismaciil Cabdi Giir wasiirka Dekedaha.

  9. Aamino Max'ed Mursal, Wasiirka Haweenka.

  10. Cali Cabdulaahi Cosoble, Wasiirka Qorsheynta Qaranka.

  11. Max'ed Ibraahim Xaabsade, Wasiirka Gaadiidka cirka iyo dhulka

  12. Xasan Max'ed Nuur Shaati-Gaduud, Wasiirka maaliyadda.

  13. Qamar Aadan Cali, Wasiirka caafimaadka.

  14. Xasan Dhimbil Warsame wasiirka Garsoorka.

  15. Madoobe Nuunoow, wasiirka warfaafinta iyo kuwo kale.

  16. C/laahi Axmed Afrax, Wasiirka Ganacsiga.

  17. Max'ed Cabdulaahi Kaamil, Wasiirka Warshadaha.

  18. C/raxmaan Jaamac Rooble, Wasiirka Dib u dhiska.

  19. Qamar Aadan Cali. Wasiirka caafimaadka.

  20. C/qaadir Nuur Caraale, wasiirka Beeraha

  21. Cali Max'ed Max'uud, Wasiirka dalxiiska iyo duurjoogta.

  22. Cali Axmed Jangali, wasiirka Xanaanada Xoolaha.


Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan Qarax weyn oo ka dhacay meel ku dhow Hoyga Cali Max’ed Geedi ka deggan yahay Baydhabo …

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baydhabo waxay sheegayaan in maqribnimadii shalay uu qarax weyn ka dhacay oo gilgilay Magaalada Baydhabo. Qaraxaan oo ahaa gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa ayaa waxaa la sheegay in uu watay qof naftii hure ah, waxaana la sheegay in gaarigu uu ku qarxay goob ay ku sugnaayeen ciidamada Itobiya, gaar ahaan warshaddii Xasay, sidoo kale waxa uu qaraxaasi waxyeelo u gaystay guriga uu degan yahay Ra’isul Wasaaraha DFKMG Cali Max’ed Geedi.

Qaraxaan ayaa dadka qaar waxay noo sheegeen in uu gaystay khasaare xoogan oo la xiriira dhinca ciidamada, waxaana xalay Magaalada Baydhabo lagu soo daadiyey ciidamo fara badan oo isugu jira Itoobiyaan iyo Soomaaliya. Mudooyinkaan Magaalada Baydhabo way ka nasatay qaraxyada noocaan oo kale a h, waxaana ugu dambeeyay qarax lala beegsaday Madaxweynaha DFKMG C/llaahi Yuusuf Axmed, mar uu ku sugnaa xarunta Baarlamaanka. Ilaa iyo haatan ma jirto cid sheegatay qaraxaani, waxa uuna ku soo beegmay xili ay Baydhabo ku sugan yihin Madaxweynaha DFKMG C/llaahi Yuusuf iyo Ra’isul Wasaaraha DFKMG Cali Max’ed Geedi oo ay xurguf aad u xoogani u dhexeyso, waxaana magaalada Baydhabo haatan ku sugan xildhibaanada Baarlamaanka oo kulamo gooni gooni ah la leh Madaxweynaha iyo Ra’isul Wasaaraha.

Qaraxaani ayaa sidoo kale waxa uu ku soo beegmay xili Madaxweynaha DFKMG C/llaahi Yuusuf u buuxsan tahay sanadguuradii saddexad oo ah markii loo doortay xilka madaxweynimo, hase yeeshee waxaa la sheegay in aan wax xaflado ah loo sameynin maalinkaasi, ha noqoto Magaalada Muqdisho ama Baydhabo.

Qaraxaani ayaa sidoo kale waxa uu ku soo beegmay xili ay Baydhabo ku sugan yihiin saraakiil ka tisan Ciidamada Itoobiya oo Baydhabo u yimid sidii ay u dhex dhexaadin lahaayeen Madaxweynaha iyo Ra’isul Wasaaraha. Sanadkaan gudihiisa ayayd markii Ra’isul Wasaaraha DFKMG Cali Max’ed Geedi gurigiisa uu ka dhacay qarax aad u weyn, waxa uuna qaraxaasi ahaa mid ka mid ah qaraxyadii ugu waaweynaa ee ka dhaca Muqdisho, waxayna khasaaro ka soo gaartay dad ka ag dhawaan guriga Ra’isul Wasaaraha.

Sheekh Aadan Madoobe oo sheegay in lagu kala bixi karo Dastuurka

 “Anigu waxaan qabaa in lagu kala baxo dastuurka iyo axdiga ku meel gaarka ah” ayuu yiri Sheekh Aadan Madoobe oo sheegay in waqtigaan aysan habooneyn in ay is qabqabsadaan madaxda sare ee Dowladda, waxaa kale oo uu sheegay in uu diyaar u yahay in uu kala dhex galo Ra’isul Wasaraha iyo Madaxweynaha  si u socoto Hawsha Dowladda Federaalka.

Waraka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo waxay sheegayaan in ay kulamo hoose u socdaan xildhibaanda Baarlamaanka iyo mas’uuliyiinta Dowladda, iyadoo maalintii shalay ahayd kulan albaabadu u xirnaayeen ay wada yeesheen Madaxweynaha, Guddoomiyaha iyo Ra’isul Wasaaraha, hase yeeshee warar ayaa waxay sheegayaan in lagu kala dareeray kulankaasi.

Cali Max’ed Geedi “Dowladdu waxay inta badan waqtiga uga lumay guurguurida iyo dagaal..”

Ra’isul Wasaaraha DFKMG Cali Max’ed Geedi ayaa waxa uu sheegay in khilaaf kasta oo u dhexeeya isaga iyo Madaxweynaha DFKMG C/llaahi Yuusuf lagu dhameeyo wada hadal.

“Anigu diyaar ayaan u ahay in lagu kala baxo axdiga ku meel gaarka ah, balse ma doonayo in arrintu noqoto mindi mindi ku taag” ayuu yiri Ra’isul Wasaaraha DFKMG Cali Max’ed Geedi oo intaa raaciyey  “Dowladdu ma helin meel ay ku shaqeyso, mar waxay ku jirtay guuritaan, marna waxay ku jirtay dagaal”, waxa uuna Cali Max’ed Geedi carabka ku dhiftay in shirkii dib u heshiisiinta ee Nayroobi uu ahaa mid awood qaybsi wax walba lagu saleeyey, isla waxa uu sheegay in dowladdu ay ku shaqeyn karto axdiga iyo dastuurka lagu soo heshiiyey.

Ra’isul Wasaaraha ayaa taageerayaal fara badan ku leh golaha Baarlamaanka, taana waxaa laga dareemay markii uu ka degay Garoonka Diyaaradaha ee Baydhabo ayaa waxaa halkaasi ku soo dhaweeyey xubno fara badan oo ka tirsan labada gole.

Dowladda Uganda oo sheegtay in ay walwal badan ka qabto xaalka Muqdisho

Dowladda Uganda ayaa waxaa la sheegay in ay walwal ka qabto ciidamadeeda ku sugan gudaha dalka Soomaaliya, gaar ahaan Magaalada Muqdisho. Afhayeen u hadlay Dowladda Uganda waxa uu sheegay in habeen dhaweed ciidamada Uganda ee ku sugan Km4 lagu soo weeraray bambaanooyin balse uusan wax khasaare ah ka soo gaarin weerarkaasi.

“maalin walba waxaa na soo gaara hanjabaadyo iyo caga jugleyn, balse ciidamadeena waxay diyaar u yihiin in ay iska difaacaan cid kasta” ayuu yiri Afhayeen u hadlay Dowladda Uganda.

Dadweynaha Reer Uganda ayaa waxaa la sheegay in walwalka ugu weyni ku hayo joogitaanka ciidamada Uganda ee Soomaaliya, maadaama Soomaaliya xiligaani aysan xasilooneyn.

Dhamaan xeryaha ciidamada Dowladda ay kaga jiraan magaalada Muqdisho ayaa haatan u socda kuwo la faarujiyey, waxayna taasi walwal ku abuurtay ciidamada kale ee ku sugan gudaha dalka Soomaalia, iyadoo la sheegay in ay u nuglaan karaan weeraro kaga imaan kara kooxaha ka soo horjeeda joogitaanka ciidamada shisheeye. 

Saraakiil uu soo diray Madaxweynaha DFKMG C/llaahi Yuusuf oo shalay Dekedda xaalad ka abuuray

Maalintii shalay ahayd ayaa waxaa xakad ku yimid hawlihii ka socday magaalada Muqdisho, kadib markii saraakiil uu soo diray Madaxweynaha DFKMG C/llaahi Yuusuf uu soo diray ay hakad geliyeen hawlihii Dekedda weyn ee Magaalada Muqdisho, kadib markii ay maamulka dekedda ka codsadeen in ay bixiyaan lacag gaareysa Hal Milyan iyo Shan Boqol oo Doolar.

Ciidamo kale oo iyana ka socday maamulka gobalka Banaadir ayaa waxaa la sheegay in ay iyana tageen dekedda, waxayna taasi keentay in ciidamadu kala galaan aag, sidoo kalana ciidamadii dambe ii yimid waxay fasaxeen gawaari fara badan oo ku xayirneed Dekedda, kuwaas oo iyagoo is daba socda soo galay suuqa Bakaaraha.

Siciid Siyaad Shirwac oo ah maamulaha dekedda ayaa dhamaan beeniyey wararkaasi, waxa uuna sheegay in hawlaha dekedda ay caadi ku socdaan, waxa uuna sheegay in dekedda ay  yimaadeen taliyaha ciidanka Booliiska Cabdi Xasan Cawaale Qaybiid, iyo guddoomiyaha Gobalka Banaadir Max’ed Cumar Xabeeb (Max’ed  Dheere) oo uu sheegay in ay u yimaadeen dhamaantood sidii ay ula socon lahaayeen hawlaha dekedda ka socda.

Waaydan dambe waxaa dekedda weyn ee Magaalada Muqdisho ka jiray xurguf weyn oo ku aadan ishayasi u dhexeeya siyaasiyiinta ka tirsan Dowladda Federaalka, taasina waxay wiiqday hawlihii ka socday dekedda, sidoo kale ciidamada Uganda ee ku sugan dekedda ayaa dusha ka eeganayey isqabqabsigaasi.

Dhaca Gawaarida oo ku soo badanaya Muqdisho

Waa maalmahan Magaalada Muqdisho laga dareemay dhaca Gawaarida 4-Wheel Drive, waxaana dhacaasi gaysanaya kooxo hubeysan.

Gawaarida ayaa la sheegay in kooxdaasi gaynayaan Magaalada Baydhabo, kadibna loo sii gudbinayo gobolo kale.

Gaari ay lahayd Hay’adda DBG ayay kooxdaasi rasaas ku fureen iyagoo dhaawac gaarsiiyey darawalkii Gaariga, kadibna gaarigaasi ayay la dhaqaaqeen kooxdii, iyadoo aan la garaneyn meel ay la beegsadeen.

Dhawaca Gawaarida qurxoon ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa walwal ka muujiyey dadweynaha Soomaaliyeed, iyadoo dhawaan Dowladdu sheegtay in Gawaarida yar yar oo aan wax sharci dhaqdhaqaaq ka haysan uu socon Karin Magaalada Muqdisho, waxayna Dowladdu sheegtay in ay gawaaridaasi lagu fuliyio hawlaha looga soo horjeedo Dowladda Federaalka.

Dhaca gawaarida ayaa  u muuqda arrimo ganacsi oo kooxaha dhaca si iib ahaan ah u gaynayaan gobolo ku dhow dhow magaalada Muqdisho, kadibna waxaa loo sii gudbiyaa Gobalo fog fog halkaasi oo mar kale lagu kala gato.

Sarkaal ka tirsan ciidamada oo lagu dilay Villa Baydhabo

Maalintii shalay ahayd ayaa sarkaal ka tirsan ciidamada lagu dilay Magaalada Muqdisho, waxaana lala dilay labo nin oo ilaalo u ahayd.

Dilkaan oo ka dhacay xerada Villa Baydhabo oo talis u ah ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, ayaa markii uu dhacay dilkaasi ayay ciidamada Dowladda ee halkaasi ku sugan isku gadaameen xaafadaha ku dhow dhow halkaasi, iyagoo ku tuhmayey in dilkaasi laga soo maleegay, sidoo kale nin rayid ah ayaa isna lagu shalay suuqa Bakaaraha, kadib markii ay soo weerareen kooxo dabley ah, waxaana sidoo kale Isgoyska Hawl-wadaag ciidamada booliisku rasaas ay fureen ku dhimatay Haweenay halkaasi mareysay.

Warbixn dheeraad ah oo ku saabsan qarax ka dhacay Magaalada Kismaayo

Wararka naga soo gaaraya Magaalad Kismaayo waxay sheegayaan in shalay subaxnimadii magaaladaasi uu ka dhacay qarax aad u weyn.

Qaraxaasi ayaa waxa uu ahaa miino dhulka lagu aasay, waxaana lala beegsaday kolonyo baabuur ah oo ay saarnaayeen Maamulka degmada Kismaayo, waxaana ku dhint ay afar ruux, sidoo kalana waxaa ku dhaawacmay ilaa iyo 15 qofood oo qaarkood dhaawacoodu halis ahaa.

Wararku waxa uu intaasi ku darayaa in qaraxaasi uu ku dhaawacmay afhayeenkii beelaha Sade ee gobalka Jubbooyinka Xasan Dheere oo isna loola cararay isbitaalka.

Qaraxaani ayaa waxaa caro ka muujiyey dadweynaha ku nool Magaalada Kismaayo, oo markiiba halkaasi ka dhigay banaanbax ay kaga soo horjeedaan qaraxaasi.

Ma ahan markii ugu horeysay oo uu qarax ka dhaco Magaalada Kismaayo, kal hore ayay ahayd markii qarax lala beegsaday saraakiil ka tirsan Ciidamada Dowladda, mar ay ka qaybgalayeen shir halkaasi ka dhacay, sidoo kale todobaadkii hore ayay ahayd markii qarax lala beegsaday sarkaal ka tirsan sirdoonka Itoobiya, waxaana la sheegay in uu qaraxaasi ka badbaaday.

Qaraxyadaani ayaa dadka qaarkii sheegeen in Soomaaliya aan horey looga aqoon balse haatan ay yihiin kuwo ku sii badana dalka Soomaaliya, iyagoo tilmaamay in haddii ay sii socdaan ay khasaare intaa ka abadan keeni doonaan. Dhinaca kale shalay maqribnimadii ayaa qarax ka dhacay Magaalada Baydhabo, kaas oo lala beegsaday xero ay ku jireen ciidamo wadanka Itoobiya, iyadoo qaraxaasi uu sidoo kale uu gaaray guriga Ra’isul Wasaaraha DFKMG Cali Max’ed Geedi.

W/D: Amiin Yuusuf Khasaro
Amiinkhasaaro@hotmail.com 

SomaliTalk.com | Oct 11, 2007


Cadde Muuse oo Shaaca ka qaaday in ku "daalay" Madaxweynanimada
"waa waqtigii aan nasan lahaa.. anigu waan daaley.." Sidaas waxaa yiri Madaxweyanaha DGPL oo u waramayey idaacada Codka Maraykanka, waxa kale oo uu ka hadalay Batroolka..

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com