SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Baarlamaanka DFKMG Soomaaliya oo ku Deeqay $13,500.....  

Deeq lacageed oo gaareysa $13500 ayaa Gudoomiye ku xigeenka 1-aad ee Baarlamaanka Prof.Maxamed Cumar Dhalxa gudoonsiiyey Maamulka Iskuulka C/lla Deerow Isaaq, Isbitaalka weyn ee M.Baydhabo, Xabisga Dhexe iyo Masjid ku yaala Buurdadda weyn ee Isha Baay maalintii shalay. 

Deeqdan oo ay iska soo aruuriyey mudanayaasha Baarlamaanka FKMG ayaa ahayd mid hore ay u balan qaadeen, islamarkaana loogu talo galay in wax loogu qabto Isbitaalka Weyn ee Magaalada Baydhabo iyo Iskuulka C/lla Deerow Isaaq oo ay dhigaan ku dhowaad 2000 oo ardey kuwaasoo dhamaantood ah Gabdho. 


mas'uul ka socda Isbitaalka Baydhabo oo la gudoonsiinayo

Xaflada xil wareejinta Deeqdan oo lagu qabtey Guriga Gudoomiyaha Baarlamaanka Sh. Aadan Maxamed Nuur {Sh. Aadan madobe} ayaa waxaa ka soo qayb galay qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka, xubno ka socday Mas’uuliyiinta Iskuulka,Xabsiga dhexe  iyo Isbitaalka weyn ee Magaalda Baydhabo. 


Gabadha maamusha Iskuulka oo lagu wareejinayo Deeqdii

Deeqdan ayaa waxaa loogu kala siiyey $6500 Iskuulka C/lla Deerow, $4000 Isbitaalka weyn ee Magaalada Baydhabo, $2500 Xabsiga dhexe iyo $500 oo loogu deeqay Masjid ku yaal Buundada weyn ee Isha Baay. 


mid ka socda Xabsiga dhexe ee baydhabo

Gudoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Prof. Maxamud Cumar Dhalxa ayaa waxaa uu sheegay “in deeqdan ay tahay mid ay iska soo aruuriyey mudanayaasha Baarlamaanka, islamarkaana loogu talagalay in ay kaalmeystaan goobaha kala duwan ee loogu deeqay deeqdan, waxaa kale uu uu yiri “ ha la isku kaalmeysta kheyrka ee yaan la isku kaalmeysan dhibaatada iyo Kibirka”. 


Dalxa

Waa markii ugu horeysay oo mudanayaasha Baarlamaanka ay sameeyaan isku day noocaan oo kale, tan iyo intii uu jirey Baarlamaanka FKMG, kuwaasoo bishii qaata in ka badan $1500, iyadoo dhaqaalaha dalka uu maraayo meel aad u hooseysa, islamarkaana uusan qiimo lahayn shilinka Soomaaliga. 

Maxamed Macallin Cismaan{All-man} Somalitalk Baydhabo.
fatxumaalik@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 19, 2007

dfkmg

Dood ka dhalatay Ajande sameyntii Baarlamaanka DF Usbuuc kadib  Baarlamaanka FKMG oo is-weydiinaya Ajandihii uu ka doodi lahaa, Xukuumada oo is khilaafasan, Baarlamaanka oo u kala qaybsamay laba iyo Ciidamada Ethoobiya oo la wareegay Amaanka Goobta shirka.

 


Cadde Muuse oo Shaaca ka qaaday in ku "daalay" Madaxweynanimada
"waa waqtigii aan nasan lahaa.. anigu waan daaley.." Sidaas waxaa yiri Madaxweyanaha DGPL oo u waramayey idaacada Codka Maraykanka, waxa kale oo uu ka hadalay Batroolka..

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com