Barnaamijkii Radio Xoriyo
08 April 2008.
Caasimada gumaysiga oo koronto la’aani hayso.
Jabuuti oo raadinaysa niman carruur faraxumeeyay.
Ridwaan xassan Saahid oo
ay ciidamada gumaysigu marjiyeen oo aan waraysanay(Qiso murugo leh).
======================
Caasimada gumaysiga oo koronto la’aani hayso.
Caasimada gumaysiga Itoobiya ee Addis Ababa ayaa la filayaa in seddexda
bilood ee soo socda ay koronto la’aani ku dhici doonto, sababtuna waxay
tahay iyadoo xarunta xoogga korontada ee Addis Ababa ay dabooli karto oo
kaliya 60% baahida koronto ee Addis Ababa, sidaas waxaa lagu sheegay
warbixin dhawaan la soo saaray.
Magaalada Addis Ababa, oo ay ku nool yihiin dad gaadhaya 4 milyan oo qof,
ayaa la sheegayaa in korontada laga isticmaalo ay gaadhayso 200 oo
megawatts, hase yeeshee xarunta xoogga korontada Addis Ababa waxay dhalin
kartaa 120 megawatts oo kaliya.
Xukuumadda gumaysiga Itoobiya waxay Bangiga Adduunka ka amaahatay lacago
malaayiin dollar gaadhaya, kuwaasoo ay sheegtay inay ku horumarinayso
xarumaha xoogga koronto dhalinta ee dalka, hase yeeshee waxaa muuqata in
lacagahaasi ay ku urureen jeebabka Males iyo gacan-yaryaashiisa.
Jabuuti oo raadinaysa niman carruur faraxumeeyay
Maxkamad ku taalla dalka Jabuuti ayaa soo saartay xukun ku saabsan in la soo
qabto 5 nin oo u dhashay dalka Faransiiska, kuwaasoo lagu eedeeyay inay
carruur ku faraxumeeyeen waddanka Jabuuti. Nimankani waxay kala ahaayeen
laba macalin, nin wadaad ah iyo labo nin uu la-taliyayaal u ahaa
madaxwaynihii hore ee Jabuuti, waxayna dhammaantood ka shaqayn jireen
Jabuuti markii ay denbiyadan gaysteen.
Nimanka denbiyadan loo haysto, oo hadda Jabuuti ka maqan, ayaa lagu eedeeyay
inay faraxumeeyeen carruurtan sannadihii sagaashameeyadii. Labo carruurtaas
ka tirsan, oo hadda labaatameeyo jira, ayaa ka xog-warramay dhibaatooyinka
faraxumayneed ee xilligaas loo gaystay. Waxay kaloo sheegeen in carruur kale
oo dhiganayay dugsiyada dalka Jabuuti ama lagu hayay xarumaha agoonta lagu
xannaaneeyo iyagana dhibaatadan oo kale loo gaystay.
Shantan nine e denbiyada loo haysto lama garanayo meel ay hadda ku sugan
yihiin, ilaa iyo haddana waxa fal-celin ah oo ay xukunkan ka bixiyeen ma
jiro, sida uu sheegay denbi baadhe kayskan gacanta ku haya.
08 April 2008
Axmed Gaal-Eri
Radioxorio@radioxoriyo.com
Raadioxoriyo@yahoo.com
Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 41 MB ee dhererkeedu yahay
7560 KHZ,iyo internetka Radioxoriyo.com,Ogaden.com Maalmahaa Talaadada &
Sabtida 5:00PM – 5:30 waqtiga Afrikada Bari
Faafin: SomaliTalk.com | April 9, 2008
|