SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Raiisal wasaaraha dowlada fadaraalka KMG somaliya Nuur Xasan Xuseen muxuu kala socdaa labakacleynta dadka guryahoodii ka barkacay ee teedsan inta u dhaxayso Muqdisho iyo Afgooye...

Raiisal wasaare DFKMG Nuur xasan Xuseen (Nuur Cadde) ayaa nooqday mas'uulkii ugu horeeyey ee ka hadla ciidamada Ethiopia oo dul dagay dhibanayaashii guryahooda ka cararay ee dagay inta u dhaxayso Muqdisho iyo Afgooye wuxuuna shaki galiyey in uusan filayn in ay dhibaatay doonaan shacabka ay dul dageen ciidamada Ethiopia oo shacabka Soomaaliyeed aamin san yihiin wadanka in ay dhib ku haayaan, dadkaan barakacay ayaa miciin biday in ay dagaan inta u dhaxayso muqdisho iyo afgooye si ay uga nabad galaan gantalaha , qaraxyada ,madaafiicda iyo weerada aan la isu aaba yeeleyn ee bilihii ugu danbeyeey hareeyay meelo badan oo ka mid ah gudaha dalka somaliya xili ay ku sugan yihiin ciidamo badan oo ajaaniib ah kuwaas oo qaarkood iyaga uun isdifaaca halka kuwa kalana ay sameeyaan weerar iyo weerar celin sida kuwa Ethiopia.

Dadkii u guryahooda uga cararay ee u adkeysan waayey duqeynta ciidamda Ethiopia ee ku sugnaa inta u dhaxayso Deegaanada Muqdisho Iyo Afgooye oo barakacodii sii labakacleyey.

Ciidamada Ethiopia ayaa la degay oo deris la noqday dadkii ugu badnaa ee muqdisho iyo hareeraheeda ka barakacay oo iminka ay buushash uga dhisan yihiin nawaaxiga ceelasha biyaha iyaga oo laga cabsi qabay ciidamada ayaa hadana waxay la dageen halkii ay u carareen oo ay Howlgalo iyo baritaano ka bilaabeen ciidankaan ayaa sheegay inay ku raad joogaan hub iyo kooxaha wax qarxiya ee ka soo horjeeda joogitaanka cidamada shisheeye ee gudaha somaliya iyo siyasada dowlada fd.

Ciidamada Ethiopia ayaa baaritaano ka sameeyey goobaha ay u barakaceen inta badan dadkii deganaa magaalda muqdisho ee deegaanada ceelasha biyaha waxaana dadka qaarkii ay sheegayaan in halkii ay u qaxeen looga daba yimid lana doonayo in mar labaad laga sii barakiciyo halka dadka qaarkii ay sheegayaan in la doonayo in ay dadkaani ku laabtaan guryahoodii ka dib marka laga dhigo halka ay hada dagan yihiin xero milateri waxaana ku soo badanaya ciidamada la soo dhoobayo.

Ciidamo aad u hubeysan ayaa fadhiisin cusub ka sameystay inta u dhaxeyso Muqdisho iyo Afgooye oo ah meel ay aad u dagan yihiin dadkii mudooyinkaan ka baxsanayey dirirta u dhaxayso kooxaha ka soo horjeedo iyo ciidamada dowlada Ethiopia waxayna walaac ka muujiyeen qaabka ay ula soo derseen ciidamadaan oo habeenkii iyo maalintiiba roondo ka galay guryahay bacaha ka sameysan ee ay degan tihiin dadkaan barkacayaasha ah oo u badan dumar iyo caruur iyo dad waayeelo ah

Faafin: SomaliTalk.com | April 10, 2008


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com