Suuqa Madiina: Haweenka ka Ganacsada Suuqa Qudaarka oo loo dayac tiray
dhisme ay ku ganacsadaan...
Sawirada Halkan ka Daawo...
Aqoon isweydaarsi socon doono mudo sadax maamood ah kana qeyb qadanayaan
52 haween ka ganacsada qudaarta oo Axadii ka furmay xarunta haween horseedka
nabada iyo nolosha ee henna.. Muqdisho
Suuqa madiina qeybta qudaarta waxaa dhismo cusub iyo dayactir ka geystay
haweenka horseedka nolosha iyo nabada iyo hay.adda care international us aid
waxaana laga dhisay hol weyn oo leh miisas iyo kuraar wada shub ah oo aan la
fuqsan Karin:
Caasha cusman ugaas (caasha shaacuur ) “suuqaan lama iibsan karo ,lama kala
dhaxli karo ,la isla siin karo ,lamina kala kiraysan karo waana wax dadka
somaliyeed u dhaxeeya waxaana ka talin doono markasta maamulkii yimaada “
Qof haduu dhinto ama ka kaco waxaa la siinayaa qof kale waana lo wada siman
yahay dhula suuqaas inta ay nooshahay qof somaliyeed oo u baahan
Aqoon isweydarsi lagu baranayo habka ugu haboon ee looga ganacsan karo suuqyada
magaalooyinka ayna ka faaiidanayaan in ka badan 50 haween ah ayaa maanta laga
furay xarunta hay.aada henna ee KM 4 ee magaalda muqdisho
Goobta aqoon isweydaarsigu ka dhacayey ayaa waxaa fadhiyey 52 haween
qudradlayaal ah oo si fiican loogu labisay isla markaana la siiyey nambaradii
halkii ay suuqa ka fadhiisan lahaayeen ay ku qoran yihiin iyada oo ay casharo ka
qaadanayeen macalimiin aqoon durugsan u leh habka ganacsiga waxaana looga
digayey habka ahweenka qarood ay ku ganacsadaan sida ( deynta loo yaqaan hai
wareerinin )
Siminaarkaan oo ay iska kaashadeen maalgalintiisa hay.addaha henna iyo care us
aid waxaana wax lagu barayey haweenka ka ganacsada qudaarta kuwaas oo u muuqda
in ay yihiin haween jilicsan oo qaarkood ay leeyihiin caruur agoon ah halka kawa
kale ay u saarneyd aseyd waana suurtagl in argoodii la dilay bilihii tagay
waxaana loo sheegay in ay suuq ay iska kaashadeen dhismihiisa haweenka horseedka
nabada iyo nolosha iyo hayadda care international us aid
Ururka haweenka horseedka nolosha iyo nabada xaruntiisu waxay ku taal KM 4 ee
magaalada muqdisho waxayna howlahoodu yihiin xaga nabada iyo horumarinta
haweenka cunto mar la cunaa waa wax dhamaada laakiin dadka hadii wax lo dhiso
waxay noqdaan wax loo aayo
Waxay dhisaan wax shacabka somaliyeed ay leeyihiin iyaga oo ugu talagalay in ay
shacabku wax ku garaan
Caasha cusman ugaas (caasha shaacuur )” waxaan dhisnaa iskuulada ,isbitaalda
waxaan furnaa jidadka xirma ,foornooyin ayaan dhisnaa ,si ay dadka shacabka ah
ee dulman igu diirsadaan “ caasha oo hadalkeeda sii wadata ayaa tiri waxa aan
qabanayno wax walbo oo dadka somaliyeed ay dani ugu jirto
Sawirada Halkan ka Daawo...
Muuse Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho somaliya
Faafin: SomaliTalk.com | April 14, 2008
|