SOMALITALK.COM xayaysiis
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Ganacsade ku nool dalka Britain, oo ku baaqay in taageero Aadminimo loo fidiyey dadka ku dhibaat‏aysan Agagaarka Muqdisho....

Ganacsade ku nool dalka Britain, oo ku baaqay in taageero Aadminimo loo fidiyey dadka ku dhibaataysan duleedka magaalladda Muqdishu iyo Goballadda Shabeellooyinka.

Ganacsade ku nool dalka Britain oo ku baaqay in taageero loo fidiyo dadka Soomaalida eek u dhibaataysan Goballadda Shabeellooyinka iyo duleedka magaalladda Muqdishu.

Ganacsade Cali Maxamed Jimcaale “Cali Ooyaaye”, oo ku nool Caasimadda dalka Britain ee London, ayaa ugu baaqay Jaalliyadda Mundullood ee dibeddaha ku nool inay gacan ka geystaan sidii gacan loo siin lahaa dadka ku dhibaataysan duleedka magaalladda Muqdishu iyo Goballadda Sh/hoose iyo Dhexe iyo Goballadda kale.

Ganacsade Cali Ooyaaye, ayaa hadalkaasi ku sheegay Wareysi Khaas ah oo uu maanta siiyey Idaacadda Somaliweyn isagoo ku sugan magaalladda London, wuxuuna sheegay inay dadka ku dhibaataysan Deegaannadaasi yihiin kuwo ka soo cararay dagaalladda u dhexeeya DFKMGS iyo Kooxaha ka soo horjeeda.

Isagoo arrintaasi sii ambaqaadayo, waxa uu sheegay inay dadka ku soo barakacay dagaalladda yihiin kuwo aan haysanin hoy iyo cunto ku filan, isla markaana ay jiraan dad macluul ugu geeriyooda deegaannadaasi.

Ganacsade Cali Ooyaaye, waxa uu carrabka ku dhuftay inay jiraan carruur, hooyooyin iyo dad waayeello ah oo ku dhibaataysan Deegaannadaasi, kuwaasi oo aan haysanin biyo ku filan, isla markaana ay qaarkood cuddurro ka qaadeen.

Ganacsade Cali Ooyaaaye, waxa kaloo ugu baaqay DFKMGS iyo Kooxaha ka soo horjeeda inay joojiyaan colaadaha, isla markaana ay si nabad ah ugu xaliyaan khilaafaadka..

“Dagaal xal ma ah, ee ha la wada hadlo, si nabad loo helo” ayuu yiri Ganacsadaha, oo sheegay inay Dowladda mas’uuliyad ka saaran tahay taakuleynta dadka dhibaataysan.

Dhinaca kale, Ganacsade Cali Ooyaaye, waxa uu ugu dambeyntii ugu baaqay Ganacsatadda ka soo jeeda Beelaha Mundullood inay culayska saaraan sidii taageero Samafal loo soo gaarsiin lahaa dadka ku dhibaataysan duleedka magaalladda Muqdishu iyo Goballadda Shabeellooyinka.

Muuse Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho somaliya
0025215576666
0025250907666

Faafin: SomaliTalk.com | April 16, 2008
 


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com