SOMALITALK.COM xayaysiis
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Dood cilmiyeed ay soo qaban qaabisay hay.adda KAALMO oo lagu qabtay xarunta iida KM4 ee magaalada Muqdisho ,

KAALMO WOMEN DEVELOPMENT & RELIEF ORGANIZETION

April 15, 2008: Tababarkaan waxaa iska kaashada hay.adda KAALMO iyo UNHCR oo maalgelisay ayaa lagu qabtay xarunta iida ee magalada muqdisho waxana lagu baranayey xadgudubyada lagula kaco haweenka dhanka Jansiyada iyo dhaqanka waxaana ka faa-iidaystay ilaa 50 qof oo ka kala yimid bulshada qeybaheeda kala duwan iyada oo la doonayey in qofkasta u fahmo ahmiyada ay leedahay fahamka diinta islaamka isla markaana sidii qofku uu ku ogaan lahaa wixii ay diintiisu ka xanibtay iyo wixii loo fasaxay intaba

Waxaana la ogyahay haddii qofka uu qaato dhaqanka islaamka in nine nin kale ku xadgubeyn naagna aysan naag kale ku xadgudbeyn casharka manta ayaa muhiimadiisu aheyd in la isku iftiimiyo diinta islaamka xaqa ay haweenka siisay ma heshaa mise ma hesho

Godoomiyaha hay.adda KAALMO marwo Sacdiyo Maxamed Cilmi ayaa ka warbxisay iyada oo sheegtay in ka faaiidaysan doonaan casharada laga bixinayey waxaana laga soo saaray qoraal dheer oo ka hadlayey waxyaabaha ay bulsahda u heyso hay,adda KAALMO waxaana I noo suurta gashay in aan helno nuqul ka mid ahaa oo sidaan u qoraa

KAALMO WOMEN DEVELOPMENT & RELIEF ORGANIZETION

Uruurka samafalka iyo horumarinta haweenka ee KAALMO waa urur u dooda xaquuqda haweenka isla markaana u gargaara bulshada tabaaleysan

Hay,adda KAALMO waxey ururisaa xadgudubyada loo geysto haweenka sida DILKA ,BARKACA, GUDNIINKA,FIRCOONIGA AH iyo kuwo kale oo farabadan .

KAALMO waxaa ay haweenka somaliyeed u qabataa barnaamijyo wacyi galin ah oo lagu tusayo xaqooda ,haweenku waa wax soo saarka ummada waana kuwa ugu nugul iyaga oo u kala qeybsan xili ay ilmo uurka ku sido ,xili fool ay tahay ,xili ay nuujineyso caruurta ilaa ay ka bartaan ilaahey idinkiis ,

Haddaba ayada oo doorka hooyadu sidaas ay muhiim u tahay la aa,nteedna ay suurta gal aheyn in bini aadamku tarmo ayaa waxaa jira dhaqamo aan habooneyn oo lagula kaco haweenka somaliyeed .dhaqamadas oo aan sal iyo rad ku laheyn diinteena islaamka ee muqadiska ah iyo dhaqanka suuban ee somalida hase yeeshee ay sal u tahay aqoon la,aan ha ahaato
Dhanka diinta iyo tan madiga ah intaba ka hor rasuulkeena mMax”SCW soo ifbaxay diinta islaamka ka hor carabtii

Carabu xiligas waxay aasi jireen gabdhaha iyaga oo nool hase yeeshee waxaa mamnuucay diinta islaamka , dhanka smalidane waxaa jira ficilo aan wanaagsaneyn oo lagula kaco haweenka sida

1.jarjarida xubnaha taranka ( gudniinka fircooniga ah ayaa loola jeedaa )
2.kufsi
3.jirdil
4. guur qasab ah ( si kastaba ha ku yimadee )
5. yasid
6. hantideeda oo loo diido sida ( meherka )

Ficiladaas o qaarna uga yimada dibada qaarna ay iyagu abuurtaan ,susaale ahaan haddii ay hooyadu wiil dhasho dumarku waa ay mashxaradaan haddii ay gabar dhashana ragu xabado ayey ridaan oo loola jeedo farxad iyo dabaal deg dhanka kale hooyadii gabdho badan dhasho somalidu ma jecleystaan waxayna yiraahdaan ereyo aan munasib ku ahayn sida gabar dhashooy iyo iyada ayaa is dhashay iyo wax la mid ah taas oo dhaxal siisa in hooyadu jeclaato in ay mar walbo wiil dhasho ,
Intaa oo kalaiye maaha waxa dhibka qaba ee haweenka somaliyeed laakiinse waxaa la wadaaga haween weynaha caalamka haweenka iyo gabdhaha waxay qabtaan 2/3 shaqada aduunka waxaana ka soo gala dakhli 5% haddaba markay dumarku joogiyaan waxqabadkoda wax waliba waa jogsanayaan .

Marka $700 bililiyan sanadkiiba lagu bixiyo miisaaniyada hubka ,in ka yar $20 biliyan ayaa lagu bixiyaa saldhiga nolosha _biyo nadiif ah cafimad ,iyo asaaska waxbarashada farqiga maalqabeenka iyo inta kale waa xaddhaaf sii kordheysa :

Hantida sadax reerood oo maal qabeeno ah waxay ka badan tahay dakhli sanadeedka 600 million oo qof ee dalalka faqriga 1/3 dadka dunida noloshooda waxay ku xiran tahay qoriga la shido ,taas oo ay so saran haweenka iyo caruurta ,

Dalalka Africa haweenka iyo caruurta waxay tabcaan 80% cunada asia ,haween badan iyo gabdho shan saac ka badan ayey ku qasiraan qoryo gurid ,latin America iyo caribbeanka dadka ku nool _ilaa 90% dadka u dhashay ma helaan biyo nadiif ah dalalka warshadaha leh .haweenka mushaarka qaata dakhligoodu wuxuu ka yar yahay ilaa %50

Barnaamijkaan waxaa qarash ku bixiyey hay,adda UNHCR

Waxaana qabtay hay,adda KAALMO

This program sponsored by UNHCR
Implemented by KAALMO

Ma aha markii ugu horeysay waxaana sidaan oo kale ay siminaaro uga fureen gobo badan sidaan oo kale wxaa ka faaiidaystay dad danyar ahaa oo ay ka soo xushay bulshada qeybaheeda kala duwan gaar ahaa xeryaha ay dagan yihiin dadka guryahoodii ka barakacay

Muuse Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho somaliya
0025215576666
0025250907666

Faafin: SomaliTalk.com | April 16, 2008
 


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com