SOMALITALK.COM xayaysiis
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Munaasabada Maalinta Dhirta Aduunka oo laga xusay magaalada muqdisho iyo Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Dowladda FKMG oo ka qeyb galay

Sawirada halkan ka daawo....

Munasibad lagu weynaynayo Maalinta Dhirta Aduunka oo ku beegan maanta 17-ka April ayaa si weyn looga xusay magaalada Muqdisho, waxaana ay ka qeyb galay mas.uuliyiinta labada gole ee dowlada FKMG.

Munasibadan loo sameeyey maalinta dhirta ayaa waxaa si gaar ah usoo agaasintay wasaarada Horumarinta Haweenka iyo Arrimaha Qoyska ahna Sii hayaha Wasaarada Xanaanada Xoolaha dhirta iyo Daaqa Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye.

Xaflada lagu weyneynayay Munsabadan Maalinta Dhirta Aduunka oo lagu qabtay Guriga Hooyooyinka ee Degmada xamar weyne, waxaa ka soo qeyb galay Ra'iisul wasaare Kuxigeenka Ahna Wasiirka Cadaalada iyo arrimaha Diinta Prof. saalim Caliyow Ibrow, Wasiirka Gaashaandhiga Mr Muxidiin Xaaji, Xildhibaan Muuse Suudi Yalaxow, Taliyaha Ciidamada Asluubta Gen. Cabdullaahi Cali Cumar iyo Mas'uuliyiin kale oo ka tirsan Gobolka Banaadir.

Wasiirka Haweenka iyo Arimaha Qoyska Khadiijo Maxed Diiriye oo hada ah Ku simaha wasaarada Dhirta oo hadal ka jeedisay munaasabadii maanta ayaa sheegtay in loo baahan yahay in la ilaaliyo dhirta dabiiciga ah taasoo bey tiri wax ay u baahanyihiin dadka iyo duunyada.

Waxa ay tilmaantay in lagu wado dhirta xaalufin aad u baahsan isla markaana dibada loo dhoofiyo taasina ay keeneyso nabaad guur ku yimaado dhirta Soomaaliya.

Waxa ay ugu baaqaday Ciidamada Ethiopia iyo kuwa AMISOM in ay ka hor is taagaan dadka ka ganacsado dhoofinta dhirta in ay ka dhoofiyaan dekeda iyo Airport dalka, waxayna xustay in Dhuxuso dhoofinteeda ka socoto Dekedo macmal ah oo ku yaala Gobolada Dhexe iyo Koonfurta Soomaaliya.

Ra'iisul Wasaare Kuxigeenka ahna Wasiirka Cadaalada iyo Arrimaha Diinta oo isna ka hadlay Munaasabadaas ayaa waxa uu diirada ku saaray arrimaha sicir bararka oo uu sheegay in ay ka dhalatay xaalufinta lagu hayo Dhirta.

Waxaa uu Ra'iisul Wasaare Kuxigeenku sheegay in diidista lacagaha ay dhib weyn ku tahay kuwa diidaya iyo kan loo diidayo, isagoo ugu baaqay ganacsatada in ay u dhaxaan shacabka.

Mas'uuliyiintii ka qeyb gashay Munaasabada ayaa waxay Dhir kala duwan ku aaseen qeybo ka mid ah wadooyinka, waxaana Xubnaha maanta ka qeyb galay Xaflada ay soo dhoweeyeen tallaabooyin ballaaran ee lagu doonayo in lagaga hortago jarista dhirta.

Sidoo kale erayo iyo suugaan ka turjumeysa waxyeelada ay leedahay dhir jaristu ayaa maanta lagu soo bandhigay xafladii lagu maamuusayay maalinta Dhirta Aduunka, waxaana ka qeyb galayaasha ay sare u hayeen caleemo iyo dhir qoyan oo la sheegay in lagu talaalayo qeybo ka mid wadooyinka, si dhirtu ay noqoto mid nolosho wanaajiso.

Taliyaha Ciidamada Asluubta, Jen. Cabdulaahi macalin , Muuse Suudi, Salim Caliyow Ibrow iyo Wasiirka Gaashaandhiga Muxudiin Maxamed Xasan (ayaa ka qayb galay).

Muuse Maxamuud Jisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho somaliya
0025215576666
0025250907666
.

Faafin: SomaliTalk.com | April 18, 2008


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com