Muqdisho: Odoyasha dhaqanka ee beelaha dir iyo daarood oo ka wada
hadlay xaalada guud ee dalku ku sugan yahay qodobana ka soo saray
Sawirada halkan ka daawo...
Kulan balaaran oo ay isugu yimaadeen odoyasha dhaqanka ee beelaha
dir iyo daaroow ee magalada muqdisho ku sugan ayaa lagu qabtay manta
magalada muqdisho
Odoyaashaan ayaa waxay ka hadleen arimo badan oo ay ka mid ahaayeen
kala soo qaadasho la.aanta iyo kala soocida lacagta shilin Somali ah
kuwas oo ay sheegeen in ay dhabar jab ku tahay horumarka dalka iyo
dadkaba waxayna arintaas ku tilmaameen mid dab ku sii shidaysa
dhibatada shacabka seysta colado iyo gaajo ,
Suldaan faarax cabdi sh: cabdulaahi oo u hadlayey beesha direed ee
iaydu gogosdha dhigtay ayaa saxafada waxaa ay uga hadlay shir jaraid
oo uu manta ku qabtay magaalda muqdisho wuxuuna faahfaahin ka
bixiyey u jeedadii ay shirkooda u qabteen iyo wixii ka soo baxay ,
Wuxuuna sheegay in ay kulankooda qabteen kla dib markii ay arkeen
umada somaliyeed dhibatada badan ee heysta taas ayaa nagu dhalisay
waxaana goobta iskuugu yimid waa beelaha direed iyo kuwa daarood
odoyashooda sida salaadiinta ,culumaa.udiinkooda ,aqoonyahankooda
,waxaana uu intaas ku daray in uu dalku marayo marxalad aad u
hooseyso isaga oo ku sheegay in ay isla gaareen qodobadaan ay ka mid
ka yihin
1 In la taageero qorshaha dib u heshiisiinta ee uu wado Raiisal
wasaare Nuur Xasan Xuseen ( Nuur Cade )
2 in laga qeyb galo shirka dhacayo 10 may
In ay ku baaqayaan in la joojiyo dhamaan dagaalda dalka ka socdo
waxayna sheegeen in labada beelood ee dir iyo daaroodka ay ka xun
yihiin dhibaatooyinka heysta umada somaliyeed meelkasta oo ay
joogaanba
Sidoo kale odoyashii halkaa ka hadlay waxaa ka mid ahaa suldan Muuse
Nuur Jaamac kuna hadlayey magaca beesha darood oo hoosta ka xariiqa
in aan laga aamusi karin waxa dalka ka dhaca isla markaana labada
beelood ee dir iyo daaroor ay googol nabadeed u fidinayaan 3 beelood
ee kale si ay shanta beeloodba isu wada arkaan oo mustaqbalka umadda
meel nabdoon loo gaarsiiyo
MUUSE MAXAMUUD JISOW