SOMALITALK.COM xayaysiis
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Shir balaaran oo ay ka soo qeyb galeen Qeybaha kala gedisan ee Ganacsatada suuqa Bakaraaha ayaa lagu go'aamiyey in aan lakala soo cin lacagaha jeexan iyo kuwa duuga ah ee 1000-ka ah .

Sawirada halkan ka daawo....

Apr 19, 2008: Shirkaan oo ka dhacay manta barxada masaajidka weyn ee suuqa daawada ayaa Waxaa ka qeyb galay 23 waaxood oo uu ka kooban yahay suuqa kuwaas oo dhamantood wada aqbalay in ay qaataan lacagaha shilin somaliga ah waxaana ka qeyb galay qeybaha kala sarifka doolarka ,daawada ,shiidaalka ,raashinka ,sariiraha ,bagaashka,badarka ,bacadlaha ,timirta , kabaha , boorsooyinka , hiliblayaasha, jumlada,baabuurta , korontada, maacuunta, ceelasha , dulanleyda, dahablaha , shaahleyda, xamaaliga, yaanyaleyda wakiilo ay soo dirsadeen waxaana kulanka maanta so qabanqaabiyey qaar ka mid ah ganacsatada Suuqaasi iyo culumaa’udiinka magaaladan Muqdisho, waxaana looga hadlayey sidii Suuqa Bakaaraha looga hirgelin lahaa, isla markaan ay ganacsatadu u qaadan lahaayeen lacagaha Jeexan iyo kuwa Duuqa ah ee 1000-ka Shso oo mudooyinkan dambe isticmaalkooda uu ka taagnaa muran farabadan

Arintaan ayaan aheyn mid ku cusub in la diido lacagaha qaar waxaana ay so tixneyd mudo ku dhawaad 20 sano ah sida ay sheegayaan dad badan oo la socday xeerarka ay soo martay lacagaha shilin somaliga ah iyada oo laga soo bilaabey lacagihii dhururuqa ,taanada lagu xijiyey ,kumigi,nuskii,5 tii shilin,10kii shilin, 20 kii shilin ,50 shilin Somali 100kii ,shilin 500 tii boqol kuwaas oo dhamaantood inta badan aan lagu arkeyn suuqyada dalka waxaana isugu soo haray 1000 shilin oo kaliye isna haatan dood badani ka taagan tahay ,

Dadka manta shirka ka hadlay qaarkood ayaa sheegay in diidmada lacagaha ay tahay halkii ugu danbeysay ee bulsho lagu arko qilaafkoodu garay heer halis ah waxayna ka mid tahay lacagaha la diidayo barakicin dahsoon iyo walaac hor leh ,

Sidoo kale waxaa lagu soo hadal qaaday culumadii qaarkoodna ay sheegeen in lacagaha la isku bedelayo ay tahay xaaraan sida lacag 100.000 oo jeexjeexan ayaan ku siinayaa ee isii 60.000 oo nadiif ah ama cusub waa qalad iyo xaaraan diintuna waa diiday .

Waxaa la soo jeediyey culamadi halkaa ka hadashey qaarkood in la habaaro cidii diiday lacagaha shilin somaliga ama kala soocdo

hadaba Kulankan oo ay ka soo qeyb galeen wakiilo ka kala socday qeybaha kala duwan ee uu kooban yahay Suuqa Bakaaraha waxaa ugu dambeyntii laga soo saaray go’aano
adag, waxaana guud ahaan ganacsatada kulankaasi iskugu timid ay isla go’aansdaeen in la qaato lacagta Duuqa ah iyo kuwa jeexan shilinka Soomaaliga ah, iyadoo cidii diidana laga qaadi doono talaabo sharci ah, waxaana la magacaabay guddi kormeeraya dadka diidaya lacagaahaasi.

Waxaa kulankaasi ka hadlay qaar ka mid ah culumaa’udiinka iyo wakiilo metelayey ganacsatada Suuqa Bakaaraha oo ay ka mid ahaayeen Abwaan Abshir Nuur Faarax (Bacadle) iyo kuwo kale, kuwaasoo ka waramay muhiimada ay leedahay in la qaato kunka Shso oo ay xuseen ineysan jirin lacago kale oo ka dambeeya haddii la diido, Ganacsatadana ay weyn doonaan lacag kale oo wax looga iibsado.

Kulankan ayaa waxa maqnaa qaar ka mid ah ganactasada waaweyn ee Suuqa Bakaaraha iyo mas’uuliyiinta guddiga ganacsatada ee Suuqaasi oo ay ka mid yihiin Guddoomiyaha, ku-xigeenka iyo afhayeenka sababo aan la garaneyin awgood, waxaa xubnihii kulankaasi ka qeyb galayey ay si aad ah u cambaareeyeen ka maqnaansha xubnahaasi ee kulanka. waxaana magaalada Muqdisho horey uga dhacay kulamo noocan oo kale ah oo lagu doonayey in lagu socodsiiyo lacagaha jeexan iyo kuwa Duuqa ah, kuwaasoo hase ahaatee go’aanadii ka soo baxay aaney waxba ka hirgelin lamana oga illaa hadda waxa kulanka maanta uu ka bedeli doono xaalada adag ee ka taagan isticmaalka 1000-ka Shso

Kulan ka dib ayaa la arkayey dhalin yaro gaafwareyso suuqa una garqadayso asaxabta ku murmeyso qadashada lacagaha duuga ah iyo kuwa jeexjeexan waxayna u sheegayeen in ay qaataan cidii ka diidane ay timaado goob ay fadhiyaan mas.uuliyiin loo xilsaaray in ay u garqaadaan inta isku heysata kala qaadashada lacagaaha shilin somaliga ah waxana laga ayaabaa in go.aanka manta uu wax badan ka bedelo murunka maalmaahan hareeyey wax kala iibisiga suuqyada somalida oo dhan ee lagacaha silin somaliga ah wax lagu kala iibsado

Sawirada halkan ka daawo....

Muuse Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Somaliya
0025215576666
0025250907666

Faafin: SomaliTalk.com | April 20, 2008


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com