SOMALITALK.COM xayaysiis
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Dagaal Xooggan oo Muqdisho Waaberigii Axaddii ka bilowday

Dagaalo xoogan oo la isu adeegsaday hubka nocyadiisa kala duwan ayna ka qeyb qaadanayaa gawaarida uuraalada ah iyo taangiyada Ciidamada Ethiopia ayaa saaka (Axad Apr 20, 2008) waabarigii ka bilowday deegaanada sos ,warshadii baastada ,gubta, iyo nawaaxiga suuqa xoolaha waxaana dhawaqa madaafiicda laga maqlayaa meelo ka fogfog halka ay dirirtu ka socoto.

Dagaalkaan ayaa waxaa isaga soo horjeedo ciidamada Ethiopia iyo kooxaha wax iska caabinta ee dagaalka hubeysan kula jira dowlada fadaraalka KMG iyo ciidamda Ethiopia oo garab siinaya.

Dagaalkaan ayaa bilowday ka dib markii salada subax ka dib la arkay ciidamada Ethipoia oo isku fidiyey deegaanadaa waxaana dagaal qaraar kala horyimid kooxaha diidan joogitaanka ciidamada Ethiopia ee gudaha somaliya waxaana ka qeyb qadanayey sida ay sheegayaan dad goobjoogayaal ah tangiyada iyo gawaarida uuraalad ah ee ay leeyihiin cidamda Ethiopia waxaana la maqlayaa guuxa kaaraha iyo daryanka rasaasta waaweyn iyo kuwa yaryarba qeybo badan oo Magaalada ka mid ah.

Madaafiicda,hoobiyeyasha iyo xabadaha kaaraha ayaa waxaa ay ku dhaceen gurgo ay daganaayeen dad rayid ah waxaana ku dhintay ilaa 6 qof dhawaca ayaan la ogeyn waxaana jiray in shalay dagaalkii dhacay ay ku dhinteen ilaa 30 qof labada dhinacba ilaa 120 qof oo dhaawacyo kala duwan qaba ayaa la geeyey isbitaalda magalada muqdisho.

Meydadkii shalay ka dhintay laba dhinac ayaa waran halkii shalay uu dagaalku ka dhacay oo loo gali waayey lana soo kala qaadan waayey sida ay sheegayaan dad badan oo iyagu indhahooda ku arkay maydadkaas.

Dagaalka saaka ayaa ah mid ku sii fidaya goobo badan oo horleh waana uu sii cuslaanayaa waxaana bilowday in ay isaga baxaan dadkii deganaa goohaba la isku farasaray saaka.

Dagaalka maanta ayaa wuxuu ka bilowday shirkadii barakaat ilaa sos waxaana hada (markii qormadan a qorayey gelinkii hore) socdo dagaal culus oo aan waxba la isu reebaneyn.

Ma jiraan dagaalka maalintii labaad ka soconaya magalada Muqdisho wax ka hadlay dhinaca dowlada Fadaraalka KMG sidoo kale ma jiraan cidamda Ethiopia ayaan ka hadlin balse afhayeen u hadlay midowga maxaakiimta ayaa sheegay in ay kooxaha alshabaab iyo maxkamadaha ay ka qeyb galeen dagaaladaan danbe.

Weerar bambaano oo xalay lagu qaaday guri uu daganaa Taliyaha rugta boliska ee suuq bacaad Maxamed raage

waxaana dhaawacyo kala duwan ka soo garay xubnaha qoyskiisa oo la dhigay ispitaalka keysaney ee magalda muqdisho.

Weerarkaaan bambaano ayaa waxaa ku dhaawaacmay sadax caruur ah oo uu dhalay taliyuhu iyo hooyadood iyo wiil uu abti u yahay oo guriga ku sugnaa xiliga qaraxu dhacayey waxaana loola cararay ispitalaka keysaney sida uu saxaafada u sheegay. Arintaa ayuu xaqiijiyey in bambabo lagu tuuray gurigiisa.

Faafin: SomaliTalk.com | April 20, 2008


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com