SOMALITALK.COM xayaysiis
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

MASHRUUCA MASAAJIDKA IMAAMU SHAAFICI EE MAGALADA JOHANNESBURG. 

Hordhac.

Sawirada Masjidka Halkan ka daawo

Sida dad badan ay ogsoon yihiin wadankan aanu joogno ee Koonfur Afrika waxa ay Soomalidu soo gashay laga soo bilaabo 1994, waxaase si aad ah ay dadku u soo galeen laga soo bilaabo 1996; haddaba ilaa wakhtigaas waxay culumadu ku dhinac waday wacdi iyo waano iyo waliba sidii loo samayn lahaa meelo ay ku cibaadaystaan umaddan Soomaliyeed ee muslimka ah, caruurtoodana ay wax ugu bartaan.

Taasi waxay qaar ka mid ah culumada Soomaaliyeed ee halkan ku dhaqan ku dhalisay sidii ay u aasaasi lahaayeen Jamciyad ka shaqaysa baahida diineed ee ay qabaan dadkani, ilaaheeyna subxaanuhu watacaalaa waa uu ku guuleeyay abuuristeedii, waxaana loogu magac daray (magacii Madarasadii Soomaaliyeed ee ugu horeysay ee wadanka laga furay 1997/july/01 ee Madarasatu Al-Bayaan Al Islaamiya), Jamciyadda Magaceeduna waa AL-BAYAAN ISLAMIC COUNCIL TRUST, goluhu wuxuu ka mas’uul yahay Masaajidda ka jira wadanka ee ay Soomaalidu leedahay, Maraakiz iyo madarasoyinba.

Haddaba mashruuca Masaajidka Imaamu Shaafici waxaa hawshiisa la bilaabay 2007 January, waxaana hawshiisa la dhameeyay bishii July 28 2007 lana furay, Masaasjidka waxaa ku tukan kara markiiba 650-700 qof, maalinta Jimcaha markii la is cariirsadana ilaa iyo 750, ka dibna banaankiisa ayaa lagu tukadaa. 

Iibka Masaajidka Imaamu Shaafici ee magalada Johannesburg :

Mashruuca Masaajidka Imaamu Shaafici waa mashruuc loogu talagalay inuu noqdo meel ku filan umadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolka Gauteng, gaar ahaan magaalada Johannesburg.

Mashruucani wuxuu isugu jiraa, in laga sameeyo:

  • Masaajid wata qaybtii dumarku ay ku tukan lahaayeen
  • Iskuul ama Madariso, dhamaystiran
  • Dukaamo lagu taakuleeyo Masaajidka
  • Meel maydka lagu dhaqo

Raadinta Goobta Masjidka.

Waa arin hawl adag u baahan sidii lagu heli lahaa goob baaxad leh ama dhul ballaaran oo laga dhiso xarunta mashruuca Masaajidka Imaamu Shaafici. Arimaha adkeeyey in masaajidka si fudud lagu helo sanadihii la soo dhaafay waxaa kamid ah:

  • Goobta: In la helo goob ku haboon Masaajid dadkana u dhaw waxay ahayd arimaha ugu waaweyn, waxayna culumadu had iyo jeer ka fiirsanayeen meesha ugu haboon ee ugu dhaw. 
     
  • Qiimaha Dhulka: Dhulka ama guryaha magaalada Johannesburg waa kuwo aad qaali u ah. Jaaliyadda Soomaaliyeed oo maalinba maalinta ka danbaysa ay sii kordhayaan, umaddaasi waxay u baahan tahay meel ugu yaraan qaadi karta,baaxadda dhulku waa [1750m2] oo ka kooban in ka badan afar boos. Dhulka baaxadaas lehna waxa uu ku kacayaa qiime aad u sareeya - hoos ayaad ku arki doontaa laacagta ku bixi doonta iyo inta hadda la hayo. 
     
  • Fogaanta: Jaaliyadda badan keedu waxa ay ku nool yihiin xaafadda Mayfair ee magaalada Johannesburg. Waxana ay Jaaliyadu jeceshayhay Masaajid u dhow. Dhulka riqiiska ahna waxaa laga heli karaa meelaha geesaha magaalada ka ah kuwaas oo ka fog meesha ay Jaaliyaddu u badan tahay.

Xaaladda Dhaqaale ee Mashruuca:

Alle mahaddiis, mashruucan oo runtii qaatay wakhti dheer, waxa ay Maamulka Al-bayaan gurigan daba socdeen muddo laba sano ah, sidii reerkiii iska lahaa ay ugu qanciyaan in laga iibsado, waxaad garan kartaa walaal in qof aan doonayn inuu gurigiisa gado ku qancintiisa ay adag tahay, sidaa daraadeed qiimaha guriga reerka laga iibsanayo waa R 3,500,000.00 , waxaa lagu darayaa canshuurtii dawladda, iyo khidmadii Looyarada kala wareejinaya guriga waana [R 380,000.00], guud ahaan lacagtaasi waxay isku noqonaysaa lacag dhan [R 4,000,000.00] Afar Malyan oo Ranka Wadankan Koonfur Afrika ah, { Lacagtani waa midda guriga lagu iibdsanayo oo kaliya, kuma jirto dhismo iyo dib u habaynba}, waa hadda la sii bixiyay lacagtii curaarta ahayd ama Diboositka ahay oo dhan 10% una dhiganta [R 350,000.00],haddaba walaalayaal hawshu waxay u baahan tahay in qof waliba uu ka qayb qaato, sidii kuwii hreba looga wada qayb qaatay ee Johannesburg, Port Elizabeth, waanuna u ducaynaynaa dadka iyagu had iyo jeer ku bixiya dhaqaalahooda Masaajidka iyo Madarasooyinka meel kastooy wadanka ka joogaanba, waxaanuna leenahay Ilaahoow ka xifdi dhib kasta naftooda iyo maalkoodaba, aamiin. 

Codsi:

Waxaan dhammaanteen ognahay in hir gelinta mashruuc noocaan oo kale ah uu u baahan yahay hawl adag, taageero iyo iskaashi, hawshaas oo marka ay hir gasho tusaale wanaagsan u ah in aan gaarey yoolkeenii ahaa in aan xafidano diinteena Muslimka iyo dhaqankeena oo aan la nimid ku dayasho wanaagsan. Halkaas waxaad ka garan kartaa baahida loo qabo dhamaystirka mashruucaas. Baahidaas oo muhiim ka dhigeysa in laguu baahday in aad gacan ka geysatid mashruuca, Allah hortiis adigoo ula niyoonaya sadaqada aad ku bixisid hir gelinta mashruuca Masaajidka Imaamu Shaafici ee Johanessburg.

Haddaba sadaqada aad ku darsaneysid gadista Guriga (ALLE) - Masjid , Masjidka Imaamu Shaafici, fadlan kusoo dir Cinwaanka hoose:

AL-BAYAAN ISLAMIC COUNCIL TRUST

124 8TH AVENUE  
MAYFAIR, JOHANNESBURG  
TELL/FAX:  + 27 11 839 3612

E-Mail: majlisalbayaan@gmail.com   

XUSUUS-1: Meelkasta oo aad dunida ka joogtid walaal waad ka qayb qaadan kartaa mashruuca Masaajidka Imaamu Shaafici, sadaqada waxaad soo marin kartaa xawaaladaha, adigoo kusoo hagaajinaya cinwaanada sare.

XUSUUS-2: Haddii aad ballan qaaday in aad sadaqo bixisid, fadlan fuli ballantaas aad Alle la gashay.

Sawirada Masjidka Halkan ka daawo

Faafin: SomaliTalk.com | April 20, 2008

masjidBooqashada Sh. Maxamed Idris ee Koonfur Afrika: Waxaa Wadanka South Africa Booqasho Dacwadeed kusoo gaaray.. Akhri...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com