SOMALITALK.COM xayaysiis
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

WARSAAAFADEED KU SAABSAN XASUUQA IYO BARKICINTA CUSUB AY CIIDAMADA CADWGA ETHIOPIA KA WADAAN MAGAALADA MUQDISHO

Isabahaysiga dib u xoreynta Soomaaliya waxa uu si aad ah u cambaareeynayaa xasuuqa, barakicinta, iyo qafaalashada dadka maatida ee aan waxba galabsanin ay ciidamada gumeysiga Ethipia ugu geysanayaan magaalada Muqdisho.

Ku xadgudubka masaajidyada, geysashada falalaka fooshan xun ee uu gawraca ka mid yahay iyo burburinta kaabayaasha dhaqaalaha waa arrin ay caadeysteen ciidamada Ethiopia ee cadwga ah inay kula kacaan shacabka Soomalliyeed ee aan hubaysnayn, waxaase wax laga xumaado ah in beesha caalamka dawrkoodii uu noqdo kuwo daawada iyo kuwo ku garbsiiya Ethiopia falalka bini’aadamnimada ka baxsan ee ay ku hayso shacbka Soomaaliyeed.

Isbahaysigu waxa uu ugu baaqayaa hay’adaha xaquuqal-isnaanka inay ka hadlaan xasuuqa maalmihii la soo dhaafay loogu geystay bulshda Soomaaliyeed magaalada muqdisho, gaar ahaan gawraca iyo dilka ay ciidamada Ethiopia u geysteen dadkii ku cibaadeysanayey gudaha masaajidka Al-hidaaya, sidoo kale waxaan ugu yeeraynaa inay ka hadlaan xasuuqa baahsan ee ay geysanayaan ciidamaasi iyagoo u adeegsanaya taangiyo iyo hub casri ah dad shacab ah oo aan hubeysnayn oo ku sugan guryahoodii iyo goobahaha lagu cibaadeysto.

Isbahaysiga waxa uu ugu baaqayaa Ururka Islaamka, Jaamicadda Carabta, Midawga Yurub iyo Midawga Afrika inay masuuliyadda akhlaaqiga iyo tan qaanuuninga ah ee ka saaran shacabka Soomaaliyeed gutaan kana baxaan ka indha laabashada xasuuqa, barakicinta, qafaalashada iyo burburka joogtada ee lagu hayo shacabka aan waxba galabsanin ee lagu soo duulay diintooda, dadnimadooda iyo dalkooda.

Isbahaysigu waxa uu xubnaha Golaha ammaanka ugu baaqayaa inay ka fadhiistaan falalka waxshinimada ah ee foosha xun ee ciidamada Ethiopia ka wadaan gudaha Soomaaliya go’aan ku haboonna ka soo saaraan.

Ugu dambeyntii Isbahaysiga waxa uu shacabka Soomaaliyeed ugu baaqayaa inay gacmaha isqabsadaan cadwgoodana meel uga soo wada jeestaan ogaadaanna inaysan dalka ka jirin dawlad matasha ee waxa jira waa cadaw iyo cadaw kalkaal.


Xafiiska warfaafinta Isbaheysiga dib-u-xoreynta Soomaaliya

21/04/2008

Faafin: SomaliTalk.com | April 22, 2008


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com