SOMALITALK.COM xayaysiis
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Dowlad Goboleedka Puntland oo uga Digtay Suxufiyiinta Puntland inay ka Qaybgalaan Shirarka ay soo Agaasimaan Ururka Nusoj.
 
War ka soo baxay Xafiiska Lataliyaha Madaxweynaha Puntland dhinaca Warfaafinta ayaa lagu sheegay in Puntland ay uga digayso Wariyayaasha ka hawlgala inay ka qaybgalaan Kulamada ay soo agaasimaan Ururka Nusoj ee ka dhaca Magalooyinka Jabuuti iyo Hargeysa waa sida qoraalka loo dhigay.
 
Bille Maxamuud Qabowsade Lataliyaha Madaxweynaha Puntland dhinaca Warfaafinta waxa uu sheegay in Puntland ay qaadatay go'aankan markii ay aragtay Hagardaamada iyo Khiyaamada saxaafada Puntland ay kawadaan dhowr wiil oo Dalka Dibadiisa jooga oo kuwasoo ku qaraabta Magaca Saxaafadda Soomaliya.
 
Dolwada Puntland waxay kaloo Nusoj ku eedaysay in ay gacan siyaan Kooxaha Mucaaradka Dowlada Federaalka ah iyo Dowlada Puntland oo xarumahooda ay yihiin Magaalooyinka Jabuuti iyo Hargeysa.
 
Bille Qaboowsade waxa ugu baaqay Saxaafada Puntland inaysan deg jalaq u siin Shirarka iyo Siminaarada Nusoj hadii ay aadana aysan dib ugu soo laaban karin Puntland oo laamaha Socdaalka oo dhan arrintaasi ay k wargeliyen.
 
Ka mamnuucida Puntland ee Nusoj ayaa Dowlad GPL ku micneeysay Codsi uga yimi Saxafiyiinta Puntland ee ku kala sugan Magaalooyinka Puntland.

Faafin: SomaliTalk.com | April 24, 2008


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com