Jaaliyada Ogaadeenya ee Australia oo Cambaaraysay Ragga loo gacan
galiyay Itoobiya.
Waxaa arrin laga murugooda ah dhacdada foosha xun ee Garowe ka dhacday
22kii Abriil 2008. Maamulka Puntland, isaga oo ku raali gelinaya taliska
dhiigya cabka ah ee Addis Ababa ayuu taariikhda kor ku xusan cadowga ma
naxaanka ah gacanta u geliyey muwaadiniin Somalida Ogaadeenya ah. Waxaa
kale oo Maamulkaasi xabsiga Boosaaso si silic ah ugu dilay muwaadin ka
mid ahaa jaaliyadda Soomaalida Ogaadeenya ee ku nool Bosaaso. Wuxuu
maamulkaasi iska indho saabay, xidhiidhka maslaxada dhinacyada badan ee
labada shacab ee walaalaha ah ka dhexeeya oo ay dhacdadani si weyn u
dhaawacayso. Taas oo markhaati u ah maamulka Garowe inayna matlin danaha
shacabka soo doortay ee ku nool Puntland.
Taliska gacan ku dhiiglaha ahi kama goomana (kamana gaajaysna) dhiiga
shacabka aan wax galabsan ee Somalida Ogaadeenya. Wuxuu si naxariis
darro ah u gumaadaa shacabka aan difaaca haysan. waxaa xabsiyada
gumeysiga ka buuxa kumaan-kun oo Soomaalida Ogaadeenya ah ujeedada ay
gumeysatada Itoobiya ka leedahay in masuul ama muwaadin Reer Ogaadenya
ah laga soo qabto Puntland ama gobol gobolada Soomaaliya ka mid ah waxay
tahay.
Inay colaad kala dhex dhigto labada shacab ee walaalaha ah sida ay
Shacabka Jamhuuriyadda isugu hubaysay ee colaadda sokeeye u dhexdhigtay.
Inay la kaashato Soomalida isku daygeeda burburinta halganka xaqa ah
ee shacabka aan la loodin karin ee Soomaalida Ogaadeenya ugu jiro xaqa
aayo ka talintiisa. Taas ooy geed dheer iyo mid gaabanba u fuushay,
horeyna ugu dhaqaaqday hase ahaate ay ku guul daraysatay.
Maamulka Garowe ujeedada Itoobiya inay darsaan ama fahmaan iyo
natijada ka iman karta wax xil ah iskama saarin. Waana arrin nasiib
darro ah oo naxdin leh. Maamulka Puntland waxaad moodaa inayna ku
baraarugin xaqiiqada ah inay Itoobiya tahay cadowga koowaad ee shacabka
Soomaaliyeed oo dadka Puntland ka mid yahay. Waxaa kale ooyna fahmin in
Taliska Addis Ababa waqtigiisii maalmo la tiriyo ka hadhay oo aysan
ahayn kii maanta loo duloobi lahaa. Waxaan u aragnaa in Maamulka Putland
khaatumada iska xumeeyey, talaabadaa uu qaadayna ayna marna hakinaynin
halganka Gobonimadoonka ah ee shacabka Ogaadenya. Waxaan aad uga xunahay
shacabka aan walaalaha nahay ee ku nool Puntland oo innaba aan ka diirin
ganacsiga iyo dilka uu maamulkoodu kula kacay dadka soo magan galay ee
cadowga naxdinta daran ka soo cararay.
Cambaarayn
Annaga oo ah Jaaliyadda Ogaadeenya ee ku nool wadanka Australia waxaan
aad u cambaareynaynaa Falkan foosha xun ee maamulka Puntland uu gacamaha
dhiiga leh ee gumeysiga Itoobiya ku geliyey mawaadiniinta Ogaadeenya.
Waxaan aad u cambaaraynaynaa Mohamed Yuusuf (Gaagaab) oo ah ninka u
badheedhay dhacdadan foosha xun hadana isku dayay in uu dafiro wax sida
dharaarta loo arko waxaanan leenahay gojoxo geel wax gunti la galiyo
kaweyn waana taariikh adiga kuu gooni ah.
Waxaa layaab iyo fool xumo weyn ah bulshada ku dhaqan magaalada
Garoowe ee culimo,boqoro, cuqaal,iyo aqoonyahan leh in ay ka dhiidhiyi
waayaan xadgudubka loo gaystay dad walaalohood ah oo marti u ah isla
markaasna uu Maamulkii dhiibayi dafiray iyaguna ay goob jog yihiin.
Hadaba hadii ay reer Garoowe sidaas xaajada ku daayaan waxaanu u
qaadanyaa in ay ku raali yihiin dhacdadan taariikhida madaw galisay
magaalada garoowe.Waana dhacdo Soomaalida Ogaadeenya meel ay joogtaba ku
reebtay uur kutaalo iyo tiiraanyo in badan al xusuusnaan doono lagana
xisaabatmi doona.
Waxaanu xusuusinaynaa Shacabka Puntland hadii faa’iido lagu helayo
kaganacsiga dadka
Ogaadeenya ama ay Itoobiya abaal ka celin waxaa faa’iido ka heli lahaa
maamulkii jidkan suneeyay ee W/Galbeed waana laga dharagasnyahay
cawaaqib xumaday ay reebtay.
Talo
Waxaanu ognahay xidhiidhka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada shacab
oo ah mid lagu soo caana maalay, waxaadna modaa dad dano gaar ah leh in
ay wataan raali galinta Itoobiya oo ay iska indho tireen waxa ka
dhexeeya labada shacab. Hadaba waxaan ku talinaynaa in ay iska qabtaan
shaqsiyaadka sida hoose Itoobiya wax ugu sheegtay,.
Ugu damabyntii Shacbiga geesiga ah ee Ogaadeenya wuxuu hayaan ugu
jira gobanimadiisa wuxuuna balan qaaday in uusan cidna uga weecanaynin
hadafkiisa.
Waxaan u sheegaynaa Gumeysiga Itoobiya iyo kuwa garab taaganba in guusha
kama dambaynta ah uu leeyahay xaq u diririka Ogaadenya.
Waxaan calaamka ugu baaqaynaa inay cambaareeyaan falka xuquuqul insaanka
ka dhanka ah ee Maamulka Puntland ku kacay ee dad aan dambi iyaga ka
gelin cadowgooda u dhiibay.
Jaaliyadda Ogaadeenya ee Waddanka Australia
La xiriir: Maax Ibrahim: Email: maaxbadan@yahoo.com