Adeegayaasha Cadawga Ummadda Soomaaliyeed
Wixii ka dambeeyay burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya waxaa dalku gacan uu
u galay dagaal oogayaal aan lahayn damiir dowladnimo iyo mid dal iyo dad lagu
dhiso. Kaddib markii dhowr iyo toban shir loo qabtay xallinta dhibaatoyinka ka
jira Soomaaliya in dowlad dhexe loo helo ayaa burburay. Kii ugu dambeeyey ee
lagu qabtay Nairobi, Kenya ayaa waxa uu ahaa shirqoolkii (Conspiracy) ugu weynaa
oo hirgaliyey ujeedada laga lahaa taaso ahayd in la helo shaqsiyaad ay dowladda
Itoobiya ay u adeegsato una sharciyey soo gelitaanka dalka Soomaaliya, lagana
helo madasha shirka taas oo uu ku soo baxay Abdullahi Yusuf. Waxaa marnaba
ummadda Soomaaliyeed aan ka qarsoonayn in boqolkiiba sagaashan xubnaha ka
qaybgalay doorashadaas ay ahaayeen kuwo ay si toos ah dawladda Itoobiya
faragalin xoog leh ay ku lahayd. Xilligii dowladda kacaanka dalka ka jirtey ayaa
Maxamed Siyaad Barre waxa ay xabsiga ku haysay Abdullahi Yusuf. Markii laga soo
laabtay dagallaadii sida nasiibdarrada ah loogu jabay ee lala galay dawladdi
Mingiste ee waaga ka jirtay Itoobiya, dagaalkaa kadib ayuu Cabdullahi isku dayay
inqilaab inta badan salka ku hayay aano qabiil. Inqilaabkii waa uu fashilmay,
Cabdullahina waxuu u cararay dalka Itoobiya si uu xukunka Soomaaliya u qabsado
isaga oo taageera buuxda ka haysta dawladda Itoobiya.
Maadaama Abdullahi Yusuf uu san ahayn wadani soomaalinimo aaminsan, waxa kaliya
oo uu aaminsanyahayna ay yihiin qabiil iyo faan uusan awoodeeda lahayn. (Haddaba
su’aasha is waydiinta mudan waxay tahay Abdulahi Yusuf ma imaadeen haddii ay
meesha joogi lahaayeen dad damiir dowladnimo iyo mid dal iyo dad lagu dhiso
leh). Waxaan dhihi karaa Abdullahi Yusuf waxa uu ku yimid shirqool loo dhigay
umadda Soomaaliyeed. Walina iyagoo gumaad lagu hayo kala masuugay dhiigoodii iyo
dhaqaalahoodii iyo codkoodii in ay kula diriraan gumaysiga madoow ee Itoobiya
iyo adeegayaashooda uu Abdullahi Yusuf horboodayo.
Xasuuqa lagu hayo shacabka soomaaliyeed gaar ahaan dadka reer Muqdisho oo
Abdullahi Yusuf iyo tageerayaashiisu maalin kasta ku tilmaamaan in dhabbaha
guusha ay gaareen waa mid doqonnimo xambaarsan maadaama ninka Itoobiyaanka ahi
uusan aaminsanayn in uu qabiil ka adkaaday lakiin uu aaminsan yahay in uu
Soomaali ka adkaaday, xeebtoodii iyo dhulkoodiina kula dirirayo. Dawladda
Itoobiya iyo kuwa gacanta ku siiyayba ha ogaadaan in ay Soomaaliya iyo
Soomaalida ay galiyeen gumaysi lamid ah kii ay Beljamka ku hayeen Koongo
xilligii ay reer Yurub ay Afrika kala qaybsadeen kaaso xasuuqiisa ay ku
nafwaayeen toban milyaan oo reer Koongo ah ee aan waxba galabsan.
Waxaa nasiib darro ah in dowladda mayalka adag ee Tigreega ay Soomaaliya ku
leedahay shan xafiis inta badan goballadda dalka si toos ah iyo si dadbanba.
1. Police Station – Xafiiska amniga oo ay Itoobiyaanka ay ku soo xiraan
muwaadiiniinta Soomaalida ah oo ka soo horjeedda joogitaanka ciidamadda Itoobiya
iyo danahoodda gumaysinimo.
2.. Counter Terrorism office – Xafiiska laddagaalanka aragagixisada oo
ujeeddadiisa ay tahay in lagu gowraco culimaa’udiinka haddii ay aahan lahaayeen
iqwaan, sunna-wajamaaca, aqoonyahanadda iyo wadiniyiinta Soomaalida iyadoo loo
isticmaalayo erayga argagiso la dirir taasoo Itoobiya u ogolaanaysa in ay waxay
rabto samayso madaama ay ka haysato sharcigii ay dadka ku xasuuqi lahayd
“License to Kill” bulshada caalamkuna aysan ka hadli karin.
3. Consular office – Xafiiskaan waxaa loogu talagalay in dadka Soomaalida ah la
siiyo baasaboorrada Itoobiya si ay u aqbalaan joogitaanka ciidamadooda
Soomaaliya, madaama uusan baasaboorka Soomaalidu uusan haysan aqoonsiga caalamka
ayna adagtahay dal-ku gelistiisa.
4. Public relation office – Xafiiskaan waxuu si too ah uu u qaabilsanyahay la
shiridda odaydhaqameedyada, nabadoonada, isimadda, wabaradda, caaqillada iyo
qabaa’illada Soomaalida.. Maadaama Itoobiyaanku ay ogyihiin Soomaalida in ay
wadaninimadoodu ay kaga qiima badantahay qabiilku.
5. Commercial Office – Xafiiska ganacsiga maadaama ay Itoobiya rabto inay hesho
dekad lacag la’aan ah oo wax uga soo degaan ayaay ugu soo duushay Soomaaliya.
Dowladda Itoobiya ayaa isticmaasha dakaddaha Soomaaliya. Dowladda Itoobiya waxaa
kaloo ay wax kala soodegaan dekadda Jabuuti oo ay bixiyaan halkii ton afar
doolar, taas oo ay uga jabantahay tan Berbera oo ay bixiyaan halkii ton laba
doolar, tan Boosaasana ay bixiyaan hal doolar iyo bar. Iyadoo tan Mogadishu iyo
Marka kala soo dega wax kasta oo ay rabaan, lacagla’aan.
Guusha Meles uu ku faano waa midda uu Abdullahi Yusuf uu ugu faano
taageerayiisha la qaba cadawadda iyo aargoosiga qabiilnimo, madaama uusan ahayn
nin aan weligiis ku fikirin horumar, wadaninimo iyo walaaltinimo.
Hadda waxaa loo bahanyahay in la garto in Soomaaliya la haysto oo ay u
baahantahay in dib loo xorreeyo. Cidda laga xorreeynayo ma aha Abdullahi Yusuf
ee waa dowladda Itoobiya oo xoogga dalka ku soo gashay. Abdullahi Yusuf wax uu
Soomaaliya ka yahay ma jirto oo aan ahayn in uu shaqaale u yahay dowladda
Itoobiya. Safarkiisii Maraykanka ayuu waxuu soo raacay diyaaradda Ethiopia, taas
oo dib ugu celisay halkii laga xukumay odega buka ee ah Addis Ababa.
Haddaba sida kaliya ee dalka lagu xorreyn karana waa wadajir iyo midnimo aan loo
kala harin. Haddii aad tahay iqwaan ama sunna-wajamaaca ama wadiniyiinta
Soomaalida ama muwaddinka doonayo in uu sharaftiisa iyo gobanimmadiisa so
ceshado waxa kaliya oo ee hortaagan waa in dagaal aan kala go’ lahayn lagu qaado
kuwa nagu soo xadgubay.
Somali Concern
Hussein Warsame
Salah Warsame
somaliconcern@yahoo.com
Minneapolis, MN
Faafin: SomaliTalk.com | April 26, 2008