بسم الله الرحمن الرحيم
Jaaliyadda Soomaaliyeed
ee Denmark oo cambaareyn kulul u jeedisay
Itoobiya
Ku:
Ummadda Somaaliyeed ee dal iyo dibed ku
nool
Beesha Caalamka
Gumeysiga xabashida ee xaqdarrada ku heysta
Soomaaliya iyo
Shucuubta dunida muslimka
Og: Kooxda dabadhilifka u ah Xabashida
Annagoo ah jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku
dhaqan dalka Denmark waxaan ugu horreyn si
adag u cambaareyneynaa ciidamada gumeysiga
Itoobiya ee xasuuqa waxashnimada ah ka wada
Soomaaliya.
Cidina kama qarsoona tacadiga iyo
gumaadka ay ciidamada gumeysiga Itoobiya
ku hayaan shacabka Soomaaliyeed inuu
yahay kan ugu ba’an xasuuqyada
isir-goynta ah ee dunida ka dhacaya
qarnigan aynu ku
jirno.
Laga soo bilaabo xilligii ciidamada
gumeysiga Itoobiya ay qabsadeen
caasimadda Soomaaliya oo haatan laga
joogo in ka yar sanad iyo badh, waxay
ciidamada xabashidu xasuuqeen kumannaan
maato ah oo isuguna jira carruur,
dhallinyaro, rag, haween iyo dad
waayeel ah, iyagoo shacabka intiisi
kalena ku qasbay inay u qeybsamaan wax
nafta ula baxsada gobollada dalka, wax
daryeel la’aan ugu dacdarreysan
duleeddada magaalada Muqdisho iyo inta
soo hadhay oo ay badeen iney hadba ku
dhex qaxaan isla gudaha caasimadda
dalka.
Cidhibtirka iyo gumaadka qorsheysan
ee ay ciidamada Itoobiya ka wadaan
gudaha Soomaaliya bar-tilmaameedsanayana
xaafadaha la deggan yahay iyo goobaha
lagu cibaadeysto, iyagoo guryaha ku
dumiya dadkoodi oo ku jira, masaajiddana
ku dhex bireeya ciddii nafta kula soo
cararta, ayaa ah fal-dambiyeed ay
bulshada caalamku wadaag kula tahay
Itoobiya maadaama ay waxyeellooyinkaas
cadowtooyada ah ka indho iyo dhega
laabteen, kuna taageerayaan Itoobiya
isir-goynta ummadda Soomaaliyeed.
- Waxaan ugu baaqeynaa shacabka
Soomaaliyeed iney ku midoobaan kitaabka
Alle iyo sunnada nabiga s.c.w. soo
celinta madax bannaanidoodana meel uga
soo wada jeestaan, kana fogaadaan
qabyaaladda iyo is kala qoqobka, sabir
iyo dulqaadna u yeeshaan imtixaanka
Rabbaaniga ah ee ay ku jiraan, lana
yimaadaan asbaabaha lagu muteysto hiilka
iyo gargaarka Eebe.
- Waxaan annagoo ka tiiraanyeysan
ummadda Somaaliyeed uga tacsiyeyneynaa,
gaar ahaan eheladii ay ka baxeen dadkii
ku naf waayey weerarradii dugaagnimada
ahaa ee ay ciidamada gumeysigu ku
laayeen qeyb kamid ah shacabkii ku
dhaqnaa magaalada Muqdisho maalmihii
dhowrka ahaa ee lasoo dhaafay. Alle
waxaan ka tuugeyna inuu dadkaas
jannadiisii geeyo kana aqbalo
shahaadada, eheladii ay ka tageen iyo
innagana sabir iyo iimaan inaka siiyo.
- Waxaan si gaar ah ummadda
Soomaaliyeed iyo eheladii ay ka tageenba
uga tacsiyeyneynaa culimadii iyo
ducaaddii sida foosha xun cadowgu ugu
laayey gudaha masjidka Al-hidaaya, ayna
ugu magac dheeraayeen Sh. C/Laahi
Maxamuud Ciise iyo Sh. Siciid Yaxye
annagoo Ilaahay uga baryeyna inuu
naxariistii janno ka waraabiyo
shahaadadana ka aqbalo, ummadeennana ka
sabirsiiyo, bedel iyaga kasii khayr
badanna booskoodii u geliyo.
- Waxaan xasuusineynaa shacabkeenna
aabi-diidka ah, in xabashi aysan ka
awood badneyn gumeystayaashii reer Yurub
ee ay heeryadooda iska tuureen, iyagoo
intan ka tiro iyo taag yar, haatanna
looga baahan yahay uun iney yeelaan si
la mid ah sidii ay waagaa yeeleen, maxaa
yeelay xorriyaddii ay waagaa u
dirirayeen ayaa nasiib darro maanatana
maqan, waxaase nasiib wanaag ah in
gumeystaha maanta jooga uusan la awood
aheyn kii aan iska erinay waagaas,
innana innagoon intaa keliya cuskaneyn
aynu ka awood, aqoon iyo aragti dheer
nahay sidii aynu waagaas aheyn.
- Mareykanka iyo xulufadiisa
kibir-ciyaaroyga ugu heellan, hurinta
colaadaha iyo xasuuqa shucuubta taagta
daran waxaan ugu baaqeynaa, inay ka
waantoobaan taageerada millatari ee ay
Itoobiya ku siinayaan baabi’inta ummadda
Soomaaliyeed, annagoo ogeysiineyna, in
shacabka Soomaaliyeed aysan laheyn awood
khatar ku noqon karta amniga iyo
masaalixda Mareykan iyo kan mandiqada
toona, hase yeeshee ay Soomaalidu yihiin
shacab sanado badan ay ragaadiyeen
musiibooyin isugu jira kuwo Rabbaani ah
iyo kuwo dad samee ah, sida abaaro,
dowlad la’aan, fowdo, amni darro, sicir
barar iyo faragelin shisheeye. Shacabka
Soomaaliyeed ee ku jira duruufahaas
ad-adag ma mudna umana baahna in dhibka
heysta mid kale loogu daro iyo in lagu
maalgeliyo, lagu hubeeyo, laguna eegto
Itoobiya oo Soomaalida u qabta cadaawad
soo jireen ah ujeedkeeduna yahay
dabargoynta inta ka badbaadday
musiibooyinkaas aan soo sheegnay.
- Gumeystaha aan ood-wadaagga nahay ee
naasnuujinta Mareykanka ku jooga
Soomaaliya waxaan ugu baaqeynaa, inay
tooda ugu turaan isaga bixitaanka
Soomaaliya si aysan ragaadka isugu sii
fogeyn, maxaa yeelay godobta ay ka
galayaan shacabka Soomaaliyeed ma aha
mid xisaab la’aan la isaga illaawi
doono. Waxaan xasuusineynaa Itoobiya
Ilaahay idankii cidda geeska Afrika
isugu soo hari doonta iney yihiin annaga
iyo iyaga, marka xisaabtanka la gaarana
Mareykan uusan ka saari doonin, ayna
bixin doonaan labanlaabka qiimaha waxa
ay maanta Xamar ka geysanayaan.
- Waxaan dhammaan dalalka iyo
shucuubta muslimiinta ah ugu baaqeynaa
iney walaalahooda Soomaaliyeed ee
cadowgu gumaadayo u gurmadaan islana
garab taagaan gargaar isugu jira hiil,
hoo iyo Alle u bari, si ay kaalmo mooral
iyo mid gacmeed uga geystaan badbaadinta
jiritaanka baaqiga ka haray ummadda
Soomaaliyeed.
- Kooxda dabadhilifka ah ee sheegata
iney yihiin dowlad Soomaaliyeed kuna
mushahar qaata marmarsiinyo u sameynta
joogitaanka Itoobiya iyo xasuuqidda
shacabka Soomaaliyeed ee ay magacooda ku
dawarsadaan, waxaan ogeysiineynaa iney
ummadda Soomaaliyeed dayro ka yihiin,
lagulana xisaabtami doono waxa lagala
xisaabtamayo gumeystaha ay u adeegayaan.
Gabagabadii bulshada Soomaaliyeed waxaan
ogeysiineynaa berri imaan doonta ineysan
fogeyn, xaq ninkii lahaa ku raad joogana
inuusan lumin, sidaa aawadeedna looga baahan
yahay inay ku dhabar adeygaan baadidoonka
xorriyaddooda iyo madax-bannaanidooda maqan.
Ilaahay waxaan ka baryeynaa in Soomaali
iyo muslimiinta kale ee dulman uu ka
dulqaado dhibaatada.
C/Qani Qorane Maxamed
+45-5130-8306
cabdulqani@gmail.com
OGEYSIIS KU SOCDO REER LONDON
KA DHIIDHI GOWRACA IYO XASUUQA SHACABKA
SOOMAALIYEED
Waxaa la ogeysiinayaa dhamaan dhamaan
dhamaan Bulsha waynta Soomaaliyeed ee ku
nool UK in ay kasoo qayb galaan Mudaharaad
balaaran oo 26 April 2008 ka dhici doonaa
kazoo horjeedka xaafiiska raasu wasaaraha
Ingiriiska. 10 Downing Street. Saacadu waa
12-16 pm Labiyo tobanka duhurnimo ilaa
afarta galab nimo. Fadlan horey usoo qaado
wax kasta oo aad ku muujineysid caradada iyo
Jariimada umaada loo geeystay. Oo Sharciga
waafaqsan. Wixii intaas dheer fadlan kala
soo xariir.
Abdisalam Daljir Tel 07985469472
Mr A Guled
Faafin: SomaliTalk.com | April 26, 2008
|