Sawiradii Mudaharaadkii London.. 26-4-2008
Sawirada Halkan ka daawo...
Mudaharaad balaaran oo ay kasoo qayba galeen in kabadan 500 oo ruux ayaa
dhacay Fagaaraha kasoo horjeed 10 Downing Street, Xaafiiska Rasaulwasaaraha
Ingiriiska. Dadkaan oo kawada yimid gobolada wadanka ingiriiska. Mudaharaadkaan
oo ahaa mid aad loo soo agaasimay loogana cabanayey Xasuuqa iyo tacadiyada ay
Ciidamada Ethiopia ku hayaan shacabka Soomaaliyeed ee aan difaaca lahayn.
Dadkaan ayaa ku qaylinayey halku dhigyo Diini iyo wadaniyadba leh "Sida Allaahu
Akbar, Xabashidu ka hajabto, Gumeystuhu ha dhaco, Daba dhilifku hadhoco, ninkii
dhoof ku yimidbaa Geeridu dhibeysaa. Waxaa kaloo ay dadku halkaas kusoo
bandhigeen Booraar aad u fara badan oo ay ku sawirnaayeen sawiro kale duwan oo
aad u xanuun badan. Mudaharaadkaas oo socday muda 4 saacaadood ah ayaa ku
dhamaaday jawi nabada. Waxaa ka mid ahaa dadka kasoo qaybgalay George Galloway
oo ah mudane ka tirsan Baarlamaanka wadanka Ingiriiska, Ahna madaxa Uruurka
Respect Party, iyo taageerayaal badan oo xisbigiisa ka mid ah. George oo ah nin
aad loogu yaqaan udagaalanka dadka Muslimiinta ah qaas ahaan dadka reer
Falistiin, Iraq, aadna uga soo horjeeda siyaasada reer galbeedka oo Mareykanku
hormoodka ka yahay. Ayaa halkaas kajediyey Qudbad xamaasad leh wuxuuna dadka
Soomaaliyeed ku booriyey in ay u dagaalamaan dalkooda guulna wuu rajeyey. Waxaa
kaloo halkaas ka hadlay Abdisalam Guled Daljir oo ahaa Abaabula Mudaharaadkaas.
Sawirada Halkan ka daawo...
Faafin: SomaliTalk.com | April 27, 2008