SOMALITALK.COM xayaysiis
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Barnaamijkii Radio Xoriyo
26 April 2008.

Dagaallo lagu jabiyey ciidamada gumaysiga itoobiya.
Dad shacab ah oo ciidammada gumaysigu ku laayeen Ogadenya
Dad Rayid ah oo meelo kala duwan oo Ogadenya ah lagu xidhxidhay
Ururka Iskaashiga Kahliijka oo Itoobiya canbaareeyay
Maamulka Puntland oo 2 masuul oo jwxo ah u gacan galiyey gumaysiga Itoobiya.
Gudoomiye kuxigeenka 1aad ee jwxo N/hure Max,ed Ismaaciil oo aan ka waraysanay falka Puntland iyo kuxigeenka H/arimaha dibada Hanad Maalinguur oo isna arintaas ka hadlay. DHEGEYSO HALKAN...

======================

Ururka Iskaashiga Kahliijka oo Itoobiya canbaareeyay

Xoghayaha Ururka ay ku bahoobeen dalalka Khaliijka Carabka ee GCC C/raxmaan Bin Xamad Al-Cattiyah ayaa si kulul u canbaareeyay xukuumadda gumaysiga Itoobiya, wuxuuna gaashaanka ku dhuftay eedaymaha ay xukuumadda Itoobiya u soo jeedisay dalka Qadar, kuwaasoo uu ku tilmaamay kuwo aan waxba ka jirin.

Al-Cattiyah wuxuu sheegay in Itoobiya ay dhaqan u tahay xasillooni darro ka abuurto dalalka ay dariska la tahay, isla markaana ay weerarro gardarro ah ku qaado dalalka deriska la ah. Wuxuu kaloo intaas ku daray in Itoobiya ay sal u tahay nabad galyo xumada ka taagan gobolka Geeska Afrika, isla markaana ay si cad ugu tomato Shaciga Caalamiga ah.

Al-Cattiyah wuxuu tilmaamay gumaadka iyo cadaadiska ay Itoobiya ka waddo Ogaadeenya, isagoo sheegay in Itoobiya ay Ogaadeenya ka dhigtay goob dagaaleed aan loo oggolayn in xataa ururrada samafalka ahi ay galaan. Wuxuu kaloo sheegay in weerarkii ay Soomaaliya ku qaaday uu ahaa tallaabo khatar ku ah dalalka Geeska Afrika oo dhan.

Al-Cattiyah ayaa hadalkiisan ku sheegay in siyaasadaha khaldan ee Itoobiya ku dhaqmayso ay dadka Itoobiyaanka ah ka dhigtay hoygii dhibaatooyinka iyo masiibooyinka bani’aadamnimo.

Dagaallo lagu jabiyey ciidamada gumaysiga itoobiya.

Toddobaadyadii u denbeeyay dagaallo CWXO iyo kuwa gumaysiga Itoobiya ku dhex-maray meelo kala duwan waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay in ka badan 78 askari, waxaa sidoo kale lagaga dhaawacay inta la ogyahay 21 askari. Ciidammada gumaysiga waxaa laga gubay hal Baabuur oo Uuraal ah. Waxaa sidoo kale loo gaystay dhawr weerar oo mir ah oo aan la haynin khasaaraha loogu gaystay. Faahfaahinta dagaalladaas waxaa noo soo diray wariyaha nooga soo warrama dalka Ogaadeenya.

20/04/08 cutubyo ka tirsan CWXO ayaa weerarro mir ah ku qaaday ciidammada gumaysiga ee fadhigoodu yahay magaalooyinka Nus-dariiqa, Yucub iyo Dannood, oo ka kala tirsan gobollada Qorraxey iyo Doollo, waxayna u gaysteen khasaare aan faahfaahintiisa la haynin.

14/04/08 dagaal ka dhacay Dhala-duule, oo ka tirsan degmada Fiiq, waxaa ciidammada gumayisga lagaga dilay 3 askari, 2 kalana waa lagaga dhaawacay.

13/04/08 Abeesaale, oo ka tirsan degmada Dhuxun, dagaal adag oo ka dhacay waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 12 askari, 7 kalana waa lagaga dhaawacay.

09/04/08 Cali-fancad, oo ka tirsan degmada Dhuxun, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga gubay baabuur Uuraal ah, waxaana ciidammada gumaysiga halkaas kaga dhintay in ka badan 50 askari oo baabuurkaas saarnaa.

08/04/08 dagaal dhabba-gal ah oo ka dhacay Madheedh, oo ka tirsan Awaare, waxaa ciidammada gumayisga lagaga dilay 5 askari, 7 kalana waa lagaga dhaawacay.

06/04/08 La-helow, oo ka tirsan degmada Dhuxun, dagaal ka dhacay waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 5 askari, 3 kalana waa lagaga dhaawacay.

03/04/08 dagaal ka dhacay San-xaskulle, oo ka tirsan degmada Dhuxun, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 3 askari, 2 kalana waa lagaga dhaawacay.

Dad shacab ah oo ciidammada gumaysigu ku laayeen Ogadenya.

20/04/08 meesha lagu magacaabo Ulaag, oo ka tirsan Garbo, waxay ciidammada gumaysigu ku dileen Cabdi Xuseen Aw Jaamac (Madaxey)

15/04/08 Higloley, oo ka tirsan degmada Dhagaxbuur, waxay ciidammada gumaysigu ku dileen seddex nin oo rayad ah oo lagu kala magacaabo;
1- Khadar Cumar Gannad
2- Cabdi Weerar iyo
3- Waayeel Muxumed Salaan

13/04/08 Haar-galool, oo ka tirsan degmada Fiiq, waxay ciidammada gumaysigu ku dileen Carab Maxamed Nuur.

10/04/08 waxay ciidammadfa gumaysigu Hadhaadha, oo Fiiq ka tirsan, ku dileen nin shacab ah oo lagu magacaabo Cabdi-xayi Mahdi.

04/04/08 Dul-caanood, oo ka tirsan degmada Dhuxun, waxay ciidammada gumaysigu ku kufsadeen oo ka dibna dileen gabadh lagu magacaabo Ubax Shukri Maxamed iyo wiil 6 jir ah oo ay dhashay.

Dad Rayid ah oo meelo kala duwan oo Ogadenya ah lagu xidhxidhay

25/04/08 xabsiga lagu magacaabo Jeel Ogaadeen ee ku yaalla magaalada Jigjiga waxaa lagu soo xidhay dad rayad ah oo tiradoodu 24 kor u dhaafayso, kuwaasoo ciidammada Itoobiya ay guryohooda kala soo baxeen.

21/04/08 magaalada Garbo waxay ciidammada gumaysigu ku xidheen gabadh shacab ah oo lagu magacaabo Faadumo C/llaahi.

20/04/08 waxay ciidammada gumaysigu magaalada Dhanaan ku xidheen Ibraahim Siraaje Aaqil Maxamed.

19/04/08 magaalada Wardheer waxay ciidammada gumaysigu ku xidheen Shukri C/llaahi iyo Nasro C/llaahi.

17/04/08 Dudumo-cad, oo Fiiq ka tirsan, waxay ciidammada gumaysigu ku xidheen ninka lagu magacaabo Shukri Cali Daahir.

08/04/08 waxay ciidammada gumaysigu ku xidhxidheen magaalada Shaygoosh dad shacab ah oo tiradoodu 12 qof gaadhayso, waxaanan magacyadooda helnay;
1- C/llaahi Muxumed Faatulle
2- Cbadi-dheere Muxumed Faatulle
3- Xasan Caaqib Xirsi
4- Cali Mooge Khaliif iyo
5- Fara-biid Cabdi Mahdi, oo ah guddoomiyihii hore ee degmada Shaygoosh. Dadka kale ayaa iyaguna waxay ka tirsanaayeen maamul ku sheeggii degmada.

08/04/08 Heedaan, oo ka tirsan degmada Galaalshe, waxay ciidammada gumaysigu jidhdil ba’an ugu gaysteen Maxamuud Cabdi Yuusuf.

17, 19 iyo 20/04/08 waxay ciidammada gumaysigu dad rayad oo badan ku xidhxidheen meelaha kala ah Burqa-yar, Bacaad, Mara-maydh iyo Laan-yalax, oo dhammaantood ka tirsan degamada Dhanaan. Dadkani waxay kala yihiin;
1- C/raxmaan Khaalid
2- Khadar Macalin Barkhadle
3- Axmed C/llaahi Maxamed
4- Rashiid Cabdi Cismaan
5- C/raxmaan C/llaahi Ibraahim
6- C/fataax Cali Nuur
7- Rumaan Axmed Gurey
8- Sahra Colaad
9- Ebyan Maxamed Dhaawe
10- Aaqil Maxamed Jeen
11- Axmed Xareed
12- Axmed Maxamed Qorane
13- Ina Magan oonm magaciisa la haynin
14- C/raxmaan C/llaahi
15- Ganey Nuur
16- Carrowshe Wali Maxamed
17- Axmed Qamaan Daahir
18- Mawliid Maxamed Daa’uud
19- Cabdi Macalin Gudaal
20- Mukhtaar Xaaji Bunle iyo
21- Macalin Maxamed

18/04/08 gadood ayaa ka dhacay xabsiga Jeel Ogaadeen ee magaalada Jigjiga, wuxuuna gadoodkani ka dhashay dhibaatooyin iyo xadgudubyo ay boolisku u gaysteen maxaabiista halkaas xaqdarrada ugu xidhxidhan. Dhaawacyo badan ayaa la sheegayaa in maxaabiista arrintani ka soo gaadhay, isla markaana si naxariis darro ah loola dhaqmay.

Dhinaca kale shalay oo taariikhdu ahayd 25/04/08 waxaa magaalada Jigjiga ka baxay labo kooxood oo ay kala wataan Xirsi-dheere iyo Bashiir Axmed Cawar. Labadan kooxood waxay u baxeen qorshe lagu sii kordhinayo cadaadiska bulshada lagu hayo, isla markaana mar kale lagu majara-habaabinayo bulshada caalamka, waxayna wataan kaamarooyin waawayn oo doonayaan inay ku soo duubaan Tuulooyin ay ciidammada Itoobiya gubeen.

Kooxahan ayaa loo dhisay qorshe ah inay sameeyaan dad loo ekaysiiyay CWXO oo timo dhaadheer oo gacan ku samays ah loo yeelay, kuwaasoo lagu sawiri doono iyagoo dab qabadsiinaya Tuulooyinkii la gubay, arrintaasoo ay uga jeedaan in bulshada caalamka ka dhaadhiciyaan in Tuulooyinkii la gubay ee qaarkood tilifishinada caalamka laga soo saaray ay CWXO gubeen.

Waxaa kaloo lagu wadaa in kooxahani ay laayaan dad shacab ah oo maydadkooda sawirro ka soo qaadaan, iyagoo u muujinaya in CWXO ay dileen.

Kooxahan filimada beenta ah duubaya wuxuu qorshohoodu yahay inay soo maraan dhammaan gobollada dalka oo ay ka soo duubaan filimo been-abuur ah.

Radio Xoriyo

26 April 2008

Axmed Gaal-Eri

Radioxorio@radioxoriyo.com
Raadioxoriyo@yahoo.com

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 41 MB ee dhererkeedu yahay 7560 KHZ,iyo internetka Radioxoriyo.com,Ogaden.com Maalmahaa Talaadada & Sabtida 5:00PM – 5:30 waqtiga Afrikada Bari

Faafin: SomaliTalk.com | April 27, 2008


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com