CAMBAARAAAYN KU AADAN MAAMULKA
GOBOLKA WAQOOYI BARI Jaaliyada
reer Ogaadeenya ee wadanka Canada gaar
ahaan gobolka Ontario ayaa isugu yimid
shir deg deg ah oo ku aadan gadashada
labada muwaadin ee u dhashay wadanka
Ogaadeenya aay gateen maamulka gobolka
waqooyi bari ee Soomaaliya. Shirkan deg
dega ah oo dhacay markaay taariikhdu
ahaayd 26/04/2008 ayaay isugu yimaadeen
dadwaayne boqolaal kor u dhaafay. Shirku
wuxuu kadhacay Lawrence Heights
Community Center ee magaalada Toronto.
Jaaliyada reer Ogaadeenya ee Canada
waxaay cambaaraayn xoog leh usoo
jeediyeen maamulka waqooyi bari iyaga oo
ku dhaleeceeyay arinka wuxushnimada leh
ee aay ku dhaqaaaqeen maamul kusheega
waqooyi bari. Maamul kusheegan ayaa
qoowmiyada tirada yar ee Tigreega
gacanta u galiyey labadaas muwaadin oo u
dhashay Ogaadeeniya kuwas oo marti ku
ahaa degaankooda.
Labadan muwaadin ee lagatay ayaa ku
joogay waqooyi bari imaansho uu ka
warhayay maamulka waqooyi bari oon wax
lug ah kulahaayn siyaasad amaba dhibaato
marna u keenaayn amaanka dhulka uu
maamulka waqooyi bari sheegto in uu
kataliyo. Labadan muwaadin ayaa maamul
kusheegani faraha u galiyay sirdoonka
qoowmiyada Tigreega. Maamulku sheega
waqooyi bari ayaa ku xadgudbay dhaqanka
soo jireenka ah ee aaay soomaalidu
leedahay oo martida amaba nabad galiya
ama soorya. Maamul ku sheega waqooyi
bari ayaa noqonaya maamulkii labaad ee
isagoo soomaalinimo sheeganaya gacanta u
galiya muwaadiniin reer Ogaadeenya ah
sirdoonka qoowmiyada Tigreega.
Jaaliyada reer Ogaadeenya ee Canada
waxaay aduunwaaynaha ka dalbanayaan in
qoowmiyada Tigreega lagu cadaadiyo sidii
aay u sii daaynlahaayeen labadan
muwaadin een waxba galabsan. Qoowmiyada
reer Ogaadeenya meelwalba ooy joogaan
waa inaay meel ooga soo wada jeedsadaan
sidii loo cunaqabataayn lahaa maamul ku
sheega waqooyi bari oo ku tiirsan
dhaqaale ahaan khaayraadka reer
Ogaadeenya.
Qoowmiyada reer Ogaadeenya meel walba
ooy joogaan waa inaay isha ku hayaan
shaqsiyaadka la sheegay inaay gacanwaayn
kagaaysteen gacan ugalinta qoowmiyada
Tigreega labadan muwaadin.
Jaaliyadda Ogaadeeniya ee Canada
jaliyadakanada@yahoo.com