SOMALITALK.COM xayaysiis
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - PL

 

Warsaxaafadeed ku saabsan ONLF oo ka soo baxay Wasiirka Maaliyadda Puntland...

 

Afhayeen u hadlay Jamhada ONLF ayaa dhowaan ku eedeyay Wasiirka Maaliyadda Puntland Maxamed Cali Yuusuf in Dowlada Itoobiya u dhiibay labo nin oo ka tirsan ONLF, hadaba wixii wakhtigaasi ka danbeeyay ayaa Mr: Gaagab waxa uu beeninayay arrintaasi.

 

Qoraalkii ugu danbeeyay ee uu ku beeninayo eedeynta ONLF ayaa u qornaa sidan.

 

Dowlad Goboleedka Puntland

                                                                                               

                                                                                         Date 27, April, 2008

                  Warsaxaafadeed

 

 

Waxaa xusid mudan in Taariikhdu markay aheyd 22 Bishan April 2008, uu ku faafiyey Warbaahinta Caalamiga ah ee Dibadda, Ninka lagu magacaabo Cadaani Hirmooge in Maamulka Puntland uu gacanta u geliyey Dowladda Itoobiya labo xubnood oo ka tirsan Ururka ONLF ee Ogaadeenya ku Abtirsada.

 

Haddaba, waxaanu Warbaahinta Caalamka iyo Wakaaladaha Wararka faafiya si cad ugu sheegaynaa in aanu waxba ka jirin warkaas beenta ah ee uu warbaahinta ka sheegay Cadaani Hirmooge. Hadalkaas oo uu ku doonayo Ninkaas inuu isaga hor-keeno kuna kala fogeeyo Bulshada labada shacab ee walaalaha ah, wax dhibaato ahna u dhaxeyn.

 

Waxaa daliil cad u ah in aanay waxba ka jirin hadalka uu faafiyey Cadaani Hirmooge, waqtiga uu sheegay in la qabtay Raggaas 22 April 2008, waxaan joogay oo ku sugnaa magaaladda Bosaaso oo aan howlo shaqo u tegay 20 April 2008, ilaa hadana aan ku suganahay.

 

Haddaba, howlaha Wasiirka u hayo Puntland kuma jirto, mana aha Dad la qabqabto oo wax ma xirxiro, shaqadiisuna ma qaabilsana Arrimaha Amniga ee wuxuu ka shaqeeyaa Arrimaha Maaliyadda iyo dhaqaalaha Maamulka Puntland, una xilsaaran yahay waa taas shaqadiisa Masuuliyadda uu hayaa tilmaamayso.

 

Wuxuu u muuqdaa Cadaani Hirmooge hadalada uu faafiyey ee been abuurka ah mid uu ku doonayo ugana goleeyahay in uu ku xodxoto dano Maaliyadeed ama dhaqaale uu ka doonayo kooxo ama Wadamo gaar ah.

 

Ugu dambeyntii waxaan Wakaaladaha wararka iyo dhamaan Warbaahinta Caalamka u sheegaynaa in aanu haba yaratee aanu waxba ka jirin been la dhoobayna uu  yahay Wararkaas uu faafiyey Ninka la yiraahdo Cadaani Hirmooge ee ah laba Nino o ah ONLF  inaan u dhiibnay Dowladda Itoobiya, taasoo muujinaysa war aan sal laheyn oo been la faafiyey yahay.

 



Faafin: SomaliTalk.com | April 28, 2008


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com