Muslimiinta Kenya oo ku baaqay tilaabo laga
qadao dhibaatooyinka ka socda Soomaaliya
NAIROBI,27 April Dadka Muslimiinta ah ee ku nool
wadanka Kenya ayaa ugu baaqay Madaxweynaha Kenya
Mio Kibaki in uu ku cadaadiyo Madaxda Migowga
Afrika siddii loo baadigoobi lahaa xal kama
dambeysay ah oo lagu soo afjaro Colaadaha dabo
dheeraaday ee Soomaaliya.
Hogaamiyayaasha Muslimiinta Kenya ayaa ku
eedeeyay Madaxda Midowga Afrika iyo Qaramada
Midoobay in ay ku guuldareysteen siddii ay u
qaadilahaayeen tilaabooyin lagu badbaadinayo
dadka aan dambiyada galin ee ku dhimanaya
Soomaaliya.
Gudoomiyaha Ururka ay ku mideysdan yihiin
Muslimiinta Kenya National Muslim Leaders Farum
C/laahi Abdi ayaa sheegay in ciidamada
Itoobiyaanka ah in ay jirdileyn 40 Qof oo
soomaali ah kuwaas oo ay soo qabqabteen.
Warsaxaafadeed kasoo baxay Madaxda Midowga
Muslimiinta Kenya oo shir jaraa'id ku qabtay
Masjidka ugu weyn Kenya ee Jamia Mosque ayaa
waxa lagu eedeeyay Ciidamada Itoobiya oo ay ku
sheegeen in ay ku tumteen Xaquuqda dadka
Muslimiinta ah ee Soomaaliyeed, iyagoo madaafiic
la dhacay sida ay culumada carabka ku dhufteen
Masaajidyo.
"Bishii lasoo dhaafay Ciidamo Itoobiyaan ah
ayaa Masaajidyo galay, waxa ayna ku dileen in ka
badan 21 qof oo ay ku jiraan 8 shiikh, taasi waa
tilaabo ka dhana h goobaha barakeysan ee lagu
cibaadeysto," ayuu yire Shiekh Cabdi.
"Ciidamo sidoo kale waxa ay galeen Xarumo
Caafimaad waxa ayna dileyn bukaano ka hor inta
aysan boobin daawooyinkii iyo Qalabkii kale ee
Adeega Caafimaadka.sidoo kale Goob wax barasho
ayeey ka ka xeysteen 4o Arday ah."
Hogaamiyayaasha waxa ay warsaxaafadeedkooda ku
codsadeen in si deg deg ah uga baxaan Ciidamada
Itoobiya gudaha Soomaaliya si loo heli wada
hadal dhexmara Dhinacyada is haya.
Waxa ay yiraahdeen in Soomaaliya la siiyo
fursad ay isku maamusho, iyadoo aysan jirin
faragalin meel kale ka timid.
Culumada waxa ay ku baaqeen in la siidaayo
dhamaan dadka Xabsiyada ku jira.
Muxyadiin Axmed Rooble
Nairobi,Kenya
E-mail: saadaam_7@hotmail.com