Laguye C/hi iyo Nuur-cadde waa kala Jiraan Halka Qolyaha Jibuuti,
Cabdi Qeybdiid iyo Darwiishna wada Jiraan
C/Waaxid
C/hi Khaliif
London, UK
cabdulwaxid@hotmail.com
Ilaah baa mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed korkiisa ha
ahaato.
Nin Jendayi Fraser waddo iyo rati iyo rati wado midna kaama leexdo!
Ma filayo in laga waday dumarku talo ma leh ee waxay ka wadeen waa in
qof kasta shaqadiisa loo daayo. Maxaa markii C/hi Maxamed-dheere soo
celiyey loo xanaaqay oo bannaanbaxa loo sameeyey markii sheekh Shariif
uu Cabdi Qeybdiid iyo Darwiish soo dhoweeyeyna loo soo dhoweeyey?
Arrinta soo dadajisay isku-dhaca C/hi iyo Nuur-cadde waxaa ka mid ah
xil-ka-qaadistii Maxamed-dheere halka dad badan u arko xilkan cusub ee
loo sameeyey Cabdi Qeybdiid iyo Darwiish – guddiga nabadgelyada- iney
dani ugu jirto dadka Soomaaliyeed! Maxaa sidii Maxamed-dheere iyo C/hi
ay shacabka bannaanka tuban ee la barokiciyey ugu mudaharaadi waayeen
kuwa Jibuuti jooga ee soo dhoweystay Cabdi Qeybdiid iyo Darwiish? Mise
cid aan C/hi ahayn khalad ma leh? Waxaan qabyaalad ahayn oon ku sheego
ma garanayo!
Qof uun Jendayir Fraser hogaamineyso bey ka suurtoowdaa inuu yiraahdo
soo-celinta Maxamed-dheere waa dhib laakiin tan Cabdi Qeybdiid iyo
Darwiish waa xal. Soow dhowaan nimanka “culumada” Jibuuti joogta guddi u
xusheen telefishinnada reer Galbeedku ma oran waa dambiilayaal dagaal
sida Jannaal 4-ta laga leeyahay Ingiriiska? Maxaa waxa dadka aan
muslimka ahayn arkeen u arki waayeen dadka culumada sheeganaya? Waa uun
niman Jendayi hogaamineyso!
Hal-abuur Soomaaliyeed baa laga hayaa: quruxdeeda adduunyo kaga quuso
Hargeysa. Waa waagii Hargeysa la burburiyey. Hadda qofkii Nuur-cadde iyo
kuwa Jibuuti wax ka sugayoow indhihiinna fura. Soow wasiirka arrimaha
dibadda ee Itoobiya si is le’eg uma cambaareyn Nuur-cadde iyo C/hi?
Meeye kuwii culumada sheeganayey iyo kuwii hagayey boggag iska dhigayey
iney la jireen muqaawamada ood mooddo iney lahaayeen Gebraa la jira
Nuur-cadde?! Qabiilooyinkaan sheeganno ugama duwana Tigreega qashinka .
Shirka Jibuuti waxaa ka qeybgalay afar qolo oon mid loo jeedin iyo
Beesha Caalamka. Labo garab oo ka kala socday C/hi iyo Nuur-cadde, kuwo
“dal-xoreeyayaasha xorta ah”. Xornimadu waa tan la raacsho baarlamaanka
xorta ah. Iyo wasiirka arrimaha diinta iyo awqaafta ee Jibuuti.
Xikmaddii ugu fiicneyd waxaa soo jeediyey wasiirka Jibuuti halka
hadalkii ugu xumaa uu ku hadlay ergiga metalaya “dal-xoreeyayaasha xorta
ah!” Muxuu ahaa hadalkii ergigaas? Wuxuu yiri kubbaddu waxay taal
garoonka qeybtiisa Beesha Caalamka! Wuxuu ka wadaa arrinta Soomaaliya
waxay gacanta ugu jirtaa Beesha Caalamka! WALLAAHI waxay igu noqotay
lama filaan. Weligay ma arag hadal noocaas oo kale ah! Dadku waa dhahaan
hanala caawiyo laakiin arrintii Soomaaliya waxay u taal Beesha Caalamka!
Cali Mahdi 1991-dii hadal uu yiri baa dad badan ku qoslaan laakiin wax
la yaab leh ma aheyn markuu yiri: waxaan rabnaa shidaal iyo cunto.
Sidaan uma dhihin. Nasiib wanaag wasiirka arrimaha diinta ee Jibuuti baa
u jawaabey oo yiri: war sidaas maaha ee kubbaddu waxay taal dhinaca
Soomaalida! Wasiirku wuu sii jilciyey oo wuxuu yiri haddaan arrimaha
Soomaalidu iyagu xalisan ma jirto cid kale oo u xallineysa. Waxaan shaki
ku jirin in wasiirkaas uu Soomaali u hadlay. Ilaahey baan idin ku
dhaarshee ka warrama dadka leh taladii Soomaaliya waxay u taal Jendayi
Fraser, Axmed Walad Cabdalla iyo Beesha Caalamka? Saan horay u sheegay
weli ma maqal iyagoo ka hadlaya Rabbiga Caalamka! Qofka C/hi ka socda
waa loogu yeeri karaa dagaalooge. Kan Nuur-cadde ka socda waa la dhihi
karaa ooge dagaal – waa uun C/hi oo la qallibey ileyn wataas Addis Ababa
looga yeeree. Kuwa wadaadada sheeganaya waa loogu yeeri karaa
dadaal-oodayaal. Waxay ood saareen sacyigii iyo dadaalkii dadkii
naftooda u huray diintooda, dalkooda iyo dadkooda. Marna Bush dadkeennuu
xasuuqaa marna Jendayi buu u diraa qolyo sheeganaya iney na metelaan.
Halka qolyaha Jibuuti jidgooyo ay u dhigteen sharaftii difaaca dalka
ayaa Maxkamaduhu waxay qaadeen jidgooyooyinkii yaalay inta u dhaxeysa
Marka ilaa Kismaayo. Waxay la dagaalayaan dagaaloogayaashii halka kuwa
Jibuuti la shirayaan oo ay isku kooxda noqdeen kuwii ugu xumaa
dagaaloogayaasha.
Adkeysiga saacaddaa baa qofka geyaansiiya guul aakhiro iyo adduun.
Bal mey arkaan Abuu Mansuur iyo sheekh C/Raxiim Caddoow? Iyagoon waddamo
kale siyaasaddood ka hadlin bey diintoodii, dalkoodii iyo diintoodii u
shaqeeyeen. Shacabkii degennaa inta u dhaxeysa Afgooye ilaa Kismaayo,
Afgooye iyo Waajid, Balcad ilaa Cadaado waxay caleemo u ruxayaan
Maxkamadaha halka qolyaha jooga Jibuuti ay ku soo baxday ceebtii u
weyneyd markii la arkey C/hi iyo Nuur-caddoo weli dagaalsan iyo labo
Shariif, Darwiish iyo Cabdi Qeybiid oo leh waan heshiinnay! Maxay ku
heshiiyeen?
Amiin Caamir oo Kaartuun ku xusaya qolada Jibuuti joogta oo iska
dhigeysa iney xabbad joojin karto, ciidan isku-dhaf ahna la sameysan
karaan Cabdi Qeydiid ayaa i xasuusiyey mar nin gabay u diray Sayidka ku
yiri:
- Hootadaan Galduur iyo ka ganay harada guudkeeda
- Waxay sii gannaataba hadday gudaha Eyl gaarto
- Wadaadkii sidee uga gabbaday waa gol marantaase?
Sayidkii wuxuu yiri:
- Ninka yiri waxbaan gamin isagoo Gal iyo Cayn jooga
- Oo yiri …, Garacad baan gudub u weydaarin
- Godka lagu cadaabuhu muxuu go’uhu been sheegay!
Marka nimanka iyagoo Jibuuti hurda leh xabbad baan joojineynaa ama
ciidan isku dhaf ah baan Cabdi Qeybdiid iyo Darwiish ku darsaneynaa
maxay is yeelyeelayaan. Ma ragga maalin kasta u dhacaya madaxtooyada,
Baydhabo iyo Kismaayo baad celin kartaan?
Marka dadkaan aqoonyahannada sheeganaya oo maalinna Geeddi
taageeriddiis bayaan usoo saaraya marna Nuur-cadde oo weliba C/hi iyo
isaga kala xigsanayoow waad khaldan tihiin. Haddaad dadka tusin jirteen
in C/hi keliya u shaqeeyo Tigree taasi run maaha oo wakaas Nuur-cadde
farta loogu yeerayo weliba idinkoo soo dhoweynaya in Gabre la saftay
Nuur-cadde. Teeda kale haddey idin ka dhab ahayd soo-dhoweynta xilka
laga qaaday Maxamed-dheere waxaa idin dhibi lahayd xilalka loo kordhiyey
Cabdi Qeybdiid iyo Darwiish. Waxay ahayd inaad hadalka bartaan wiilasha
leh arrinta Soomaaliya waxay u taal Beesha Caalamka. Inkastoo Nuur-cadde
laga xukumo Addis Ababa laakiin si uu shacabka u khaldo oo u soo jiito
wuxuu yiri waxaan ceyrinayaa Maxamed-dheere iyo dagaaloogayaasha oo
dhan. Waxaa la sheegaa iney qorshaha ugu jirtay inuu ceyrsho Cabdi
Qeybdiid iyo Darwiish laakiin kuwa Jibuuti jooga ma kala jecla waxa wax
u dhimaya dareen shacabka oo xitaa Nuur-cadde fahmay. Indhaheenna oo
shan ah bey Darwiish iyo Qeybdiid wax la qeybsadeen.Ma foga in la arko
guddiyadaas oo madax Tigree ah lagu soo daro ileyn haddii laga hadlayo
xerooyin iyo ciidan Xamar jooga cidda koowaad ee ka hadli karta waa
Tigree. Nimankaas, labadii garab oo dowladda oo is dagaashan sheeganaya
iney labada garabba fahmeen, maxay ula heshiin waayeen saaxiibbadood
amaba uga soo go’een markii horaba? Marka haddaad Beesha Caalamkana
arrintii faraha u geliseen, niman Ashaado-la-dirir ahna raalli uga
noqoteen iney guddiga nabadgelyada ku biiraan waa la iska fahmikaraa
mas’aladaad soo waddaan oo ah: Gabre waxaad ka dhiganeysaan daliil idin
tusa sidoo kalana dila kuwa “xag-jirka” ah si aad xukun u heshaan
laakiin ogaada Beesha Caalamku wax ma dishee Rabbiga Caalamka baa waxna
dila waxna nooleeya.
C/Waaxid
C/hi Khaliif
London, UK
cabdulwaxid@hotmail.com