Puntland ma la badbaadin karaa? | Abdalla Haji
Waxaa muuqata in Maamul goboleedka Puntland uu maanta ku jiro marxalad adag oo
aan horay loo arag taas oo dadka intiisa badan ay maanta ka raja dhigeen xitaa
in la badbaadin karayo, lakiin waxan qabaa in la dabaqaban karo dhibaatada
maanta ka jirta Puntland oo dib loo sixi karo haddii loo maro qaab wanaagsan.
Ma rabo inaan dib ugu laabto wixii uu gobolkani ahaa iyo sidii uu ku dhismay
taas oo aan u arko mid dadkoo dhami ay wada ogyihiin, lakin arrinta xusida u
baahani waxay tahay in dhismaha maamulkani ahaa mid ku yimi rabitaanka
dadwaynaha gobolka oo taas u huray dhaqaale, firkad iyo waqti fara badan, taas
oo markaa macnaheedu yahay inay tahay hanti ummadda oo dhan u dhaxaysa.
Iyadoo ay sidaa tahay haddana waxaa muuqata in dawlad goboleedka Puntland ay
maanta noqotay meel u rahman caqliga iyo talada dhowr qof oo lagu tilmaami karo
burcad shabbad wadata, kuwaas oo haadaan ka tuuray qiimihii gobolka lagu yiqiin
gaar ahaana dhinaca siyaasadda, ammaanka iyo siyaasadda intaba.
Arrimahaas oo dhan waxaa tusaale noogu filan lacagaha faraha badan ee mararka
kala duwan lagala baxay khasnadda dawladda, dhaqaalaha faraha badan ee ka soo
xerooda ilaha dhaqaalaha iyo mushaar la'aanta haysata shaqaalaha iyo ciidamada
dawladda
iyo sida Cade, Afqurac iyo Gaaaab ay dhaqaale iyo awood kasta ugu bixinayaan
inay aamusiyaan cid walba oo arrimahaas soo hadal qaada.
Dadwaynaha gobolka waxaa maskaxdooda ka go'i wayday halka ay Cade iyo Gaagaab
dhigeen dhaqaalaha dadka ka dib markii ay si cad heshiis ula galeen qolo burcad
ah oo dibadda ka soo duulay oo wata makiinad lacagta lagu sawiro, waxaa yaab
lahayd in kooxda makiinada wadata ay la galeen Cade heshiis qoraya inuu leeyahay
kala bar lacagta la daabaco, taas oo aynu wada ognahay halka ay gaaray
dhibaatadii arrintaas ka dhalatay.
Ammaanka gobolku wuxuu galay heerkii ugu hooseeyay inta la ogyahay jiritaanka
Puntland, waxaynu ognahay in gobollo dhan ay ka baxeen gacanta maamulka haddana
uusan dan ka lahayn, burcadda bad iyo berriba haraysay ee tabarta loo waayay,
xabsiyada maalin kasta laga yaacayo ama xoogga lagu gelayo maxaabiistana lagala
baxayo.
Siyaasad ahaan gobolku wuxuu noqday mid jahawareesan oo aan lahayn
istiraatijiyad siyaasadeed oo qeexan, M/waynuhu markuu siyaasadda Puntland soo
qaado wuxuu caado ka dhigtay inuu ku celceliyo ''annagu waxaan ka mid nahay
dawladda federaalka'' weligiisna ma soo qaadin siyaasad cad oo gobolku ka
leeyahay arrimaha dalka, kuwa gobolka iyo caalamka oo madaxbannaan.
Markii la doortay Cade Muuse dadku waxay u qaateen in laga baxay dhibaatadii uu
maamul goboleedka u gaystay ninkii isaga ka horreeyay C/llahi Yusuf, laakiin
taasi dhab ma noqon waxayna noqotay kud ka guur oo qanje u guur. C/llaahi Yusuf
wuxuu hadda iska dhigaa inuu ka horjeedo Cade Muuse oo uusan rabin inuusan
kursiga ku soo noqon, lakinse waxaa la ogyahay in Cabdulahi Yusuf uusan doonayn
qof kale inta uu isagu sii joogo Federaalka.
Iyadoo xaalku sidaas yahay haddana maxaa loo qaadan karaa haddii Saddexda nin ee
la haray maamul goboleedka Puntland ay haddana doonayaan inay weli u hanqal
taagaan gacan ku haynta maamulka shanta sano ee soo socota, ma waalli mise
miyirqab maxaynu ku sheegi karnaa?
Waxan la yaabaa markaan boggaga internetka ku arko jaaliyadaha Puntland ee
dibadda oo u dabaaldegaya ''Puntlnad oo toaban jirsatay'' oo xafaldo iyo
hambalyo ka hadlaya, waa munaasabad qiima leh oo mudan in la xusuusto, lakin waa
yaabe jaaliyaduhu sow ma oga inaan arrintaas laga soo hadal qaadin gudaha
Puntland oo dadkii mudnaa inay xusaan maamul iyo shacaba ka xishoodeen xaaladda
ay Puntland ku jirto iyo fashilka maamul ee dhacay awgood?.
Maalmihii la soo dhaafay wuxuu bilaabay Cade Muuse inuu yiraahdo Shirkad Jebel
Cali ayaa ku wareejiyay dekeda iyo garoonka Bosaso, taas macnheedu waxa weeye oo
keliya inuu dadka maskaxdooda geliyo janno ayaa la galayaa. Lakin xilligan dadka
ku dhaqan Puntland way ka gudbeen maaweelada carruurta oo kale ah ee uu ku
hadaaqayo ina Muuse Boqor.
Waxaa la hadal hayaa in doorasho dhacayso, laakiin ma la eegay qorshaha ay
wadaan saddexda nin ee burburiyay Puntland waa Cade, Afqurac iyo Gaagaabe,
riyadu waxay tahay in gar iyo gardarraba Cade ku soo noqdo kursiga, ama uu sii
fadhiyo doorasho la'aan, tan hore waxay ku suurageli kartaa inuu fataho lacagta
faraha badan ee uu ururiyay afartii sano marka uu soo dhowaado waqtiga
doorashada.
Laakiin taas mugdi ayaa kaga jira inay suuragal noqon karayso, markaa waxay
taladu noqotay in dalka la geliyo qalalaase iyo ammandarro, waxaa la rabaa in
lagu duulo L/caanood waqti dhow, ujeedadu waxay tahay in meesha laga saaro
fursad isbeddel lagu hawaysto, xitaa haddii la heli karo in ciidan aan badnayn
lagu duulo ka dibna Garowe ay gacan gasho ama ugu yaraan laga qaxo waa mid
meesha ku jirta.
Labadaas mid kasta oo ay noqotaba dadku marna ma aqbali doonaan in maamulka
hadda jiraa uu dib uga taliyo Puntland, xitaa haddii Cade Muuse lacag bixiyo oo
loogu shubo dadku ma aqbali doonaan haba yaraatee, maxaa xal ah marka si
Puntland loo badbaadiyo.
Aragtidayda dhowr arrimood ayaa suuragal noqon kara:
- In dadwaynaha oo wadajira ay Cade iyo maamulkiisa ka horjoogsadaan dagaal
waqtiga doorashada ka hor lagu qaado L/caano ama meel kale.
- In Isimadu arrintaas fiiro gaar ah u yeeshaan oo ay awood u yeeshaan xakamaynta
Cade Muuse.
- in ciidamada iyo dadwaynaha dulman lagu wacyigeliyo inaysan aqbalin kana
qaybgelin dagaal la galo doorashada ka hor
- in arrinta Sool loo daayo maamulka soo socda ee ku iman doona doorashada.
- In dhismaha Parlamanka cusub aanu ka dib dhicin bisha October
- In beeluhu ka fiirsadaan xulista xubnaha Parlamanka cusub oo laga feejignaado
qof aan ammaano lahayn
- in doorashadu dhacdo xilligeeda oo aan maalin lagu darin wax kasta oo dhaca.
- in fiiro gaar ah loo yeesho hubka faraha badan ee uu diyaarsaday Cade Muuse
Arrinta kale waxay tahay in dadka faraha badan ee xilligan u taagan inay isu
rashaxaan hoggaanka Puntland ay noqdaan kuwo ka midaysan in la helo isbeddel iyo
sidii loo badbaadin lahaa Puntland si doorashadu aanay u noqon mid uu ka
faa'idaysto Cade Muuse.
Dhab ahaan colaad gaar ah uma qabo ragga haatan gacanta ku haya hogaanka
Puntland laakiinse waxa arkaa dhibta haysta dadka masaakiinta ah ee sidii la
doono loogu ciyaaray iyagoo haddii ay ka dhiidhiyaana ka baqaya inay arrintu uga
sii darto, laakiin hadda waxaa muuqata fursad ay dadku ku diidi karaan ama ay ku
aqbali karaan waxa ay doonaan.
Si kasta arrintu ha noqotee Puntland waa la badbaadi karaa haddii arrimahaas aan
tilmaamay la maareeyo, dhammaan dadka ku dhaqan gudaha Puntland iyo dibadana ay
isu taagaan isbeddel macna leh oo lagu sameeyo Puntland, waxa laga yaabaa in dad
badan ay Cade Muuse taageero u hayaan iyagoo arrinta ka eegaya dhinaca danaha
beesha, taaas ma xuma lakin waxan ku talin lahaa taas danaynaya looga fadhiyo
inuu golaha la yimaado qof wax ku ool ah oo u cuntami kara dadwanaha kana fekeri
kara danta guud ee aan u jeedin oo keliya buuxinta boorsooyinka Kanada laga
keenay.
Abdalla Haji
abdalahaji@gmail.com