Xaflad Shahaadooyin lagu guddoon siinayey Arday oo ka dhacday
Laascanood
Laascaanood (Somalitalk) waxaa Dec 8, 2008 lagu qabtay hoolka
shirarka ee hotel Kulan oo ku yaal magaalada laascaanood, xaflad
si aad u wanaagsan loo soo agaasimay hadaba xafladaasi ayaa
waxaa ka soo xaadiray xubno ka socday qaybaha kala duwan
bulshada ha noqoto culimaa u diin, aqoon yahanno, ururada
bulshada, ganacsato iyo maamulba, waxaana xafladda lagu guddoon
siiyay hurintii ugu horraysay ee ka qalin jebisa machadka
culuumta computerrada iyo iwm ee KASMO NET.
Waxaa halkaasi ka hadlay sheekul beledka magaalada Sheekh
C/naasir X. Axmed, shiikha ayaa aad ugu hadlay faa'iidada
cilmiga isagoo sheegay in diinteenna xanifka ah aad inoogu
adkaystay barashada cilmiga isagoo ku ugu duceeyay ardayda in ay
ay dhanka wanaagsan uga faa'iidaystaan tecnolajiyadda ee diintu
ogoshay isla markaana ku dadaalaan cilmiga.
Sidoo kale waxa halkaasi isna ka hadlay G/xigeenka Jaamacadda
Nugal University Dr. C/naasir Maxamed Barre (Abu sheybe) isagoo
ku hadlayay magaca jaamacadda ayuu ardaydii halkaasi lagu guddon
siinayay shahaadooyinka ku guubaabiyay inay waxbarashada
halkaasi ka wadaan oo aanay ka daalin horumarkuna uu ku xidhan
yahay tacliinta.

Maareeyaha machadka KASMO NEt College of Computer science-Cabdi
Samed Axmed Dabayl, ayaa xog warran faah-faahsan ka bixiyay
machadka iyo heerarka uu soo maray isagoo tibaaxay in ardayda
maadooyina computer ka ee ay baraan ay ka mid yihin barashada
computerka ee aasaasiga ah ee loo yaqaan (Software programme),
barashada cilad saarista iyo furfurka computerka ee loo yaqaan
(Hardware programme) oo loo yaqaan +A Certification wuxuu kaloo
intaa ku ladhay in ay soo kordhin donaan maadooyin kale oo la
xidhiidha barashada cilmiga computerka sida barnaamija
badbaadada ee loo yaqaan (Security programme) taasoo oo uu
sheegay ina adeegsadaan sharaa'iggu.
Sidoo kale waxaa halkaasi ka hadlay rag u hadlay maamulka hadda
ka arrimaha deeganka sool, waxaa kaloo iyanaa khudbado wacdaro
leh soo bandigay oo ku baxaysay afka ingiriisiga qaar ka mid ah
ardayda wax ka baratay meeshaas Aadan Maxamed Cabdi Aw Nuur
(Aadan Roore) oo ka mid ah ardaydii shahaadooyinka la guddoon
siiyay ayaa ii sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin
shahaadooyinka la guddoon siiyay wuxuuna sheegay in ay sii wadi
donaan barashada aaladdan technlogiyadda casriga ah ee IT ga
(Information Technology).
Si kastaba ha ahatee, xafladdii ayaa ku soo gebe gabawday jawi
aad u sareeya iyadoo ay aad uga mabsuudsanaayeen macalamiintii,
ardaydii iyo ka soo qayb galayaashiiba guushan taarikhiga ah ee
ay ardaydu gaadhay.
Subeyr Cismaan Idiris
subeyr1425@hotmai.com