SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAANSO

Cajaa'ib: Maanso Maqal iyo Qoraal ah

cibaarInj. Maxamed Cali Cibaar
Soomaali60@yahoo.com 

Maansadaan la magacbaxday Cajaa’ib waxay soo baxday 26kii Jannaayo 2008, waxayna maansadu ka hadlaysaaarrimo arrimo ay ka mid yihiin:  

  1. Xaaladda musiibo ee ay Soomaalidu maanta ku sugantahay, taas oo ah mid ay iyadu gacmaheeda ku kasbatay. Dhibkaas oo aan cidna dhinac marin, dhamaanna la wada dhadhamiyay.
  1. Sida hoggaankii umadda iyo aqoonyahannadeediiba ay uga gaabiyeen waxkaqashada arrimaha faraha ka baxay, ayna nasiibdarro in badan oo ka mid ahi ay noqdeen kuwa dhimbilaha sii hurinaya, maxastana xaabada uga dhigaya.
  1. Sida  ay dowladihii caalamku  indhaha uga qabsadeen xasuuqa iyo xadgudubyada ka socda Soomaaliya, iyagoo waliba ay qaarkood si toos ah uga qaybqaadanayaan falalka ka dhanka bani’aadminnimada ee lagu hayo maatida Soomaaliyeed.
  1. In ay muhiim tahay in dadka Soomaaliyeed ay wax ka bartaan waayihii kharaaraa ee la soo maray, kuna baraarugaan halista ay diin, dad iyo dal ahaanba maanta ku suganyihiin. Waa in loo wada guntadaa sidii looga shaqeyn lahaa badbaadada ummaddan sii rogmaneysa.
  1. In haddii maanta ay dowladihii dunida iyo ururradii ay ku mideysnaayeenba ay naga hiilliyeen, aysan taasi la macno aheyn in la garab iyo gaashaan la’yahay. Sida loo arag xunyahay, looma Alle la’a. Haddii iimaan iyo Allekacabsi lala yimaadana waa hubaal in Eebbe uu awooddiisa xoogga badan noogu hiillin doono.
 Maansada Cajaa’ib waxay ku billaabmeysaa: 
  1. Cishaba waa ceyn adduune
  2. Codkeyga waxaan u gaabshay
  3. Haddaad Cabdiyow1 tabeyso
  4. Cadowgan isi soo baheystay
  5. Canaadkiyo cagajugleynta
  6. Inaan ka cabsooday maaha
  7. Inaan caynleyda maanso
  8. Walaal curin waayay maaha
  9. Inaan sida qaar ku ceesha
  10. Cantuugo yar siistay maaha
  11. Waxaase I ciilay saaxib
  12. Caloolyowga waxaygu beeray
  13. Cajaa’ibka taagan maanta: 
     
  14. Markaan xaqa iska cameynay
  15. Halkuu dulmi noo carrowshay
  16. Taladan caynkeed wareegtee
  17. Ka raran hoostiyo caloosha
  18. Xafiiska cunaha ku yaalla
  19. Carrabku uu agaasimaayo
  20. Ee uu cilmigiisu keenay
  21. Wixii camirnaa dhexdiisiyo
  22. Inuu carrigiiba joogo
  23. Canjeeriyo koob caddeys ah
  24. Caleen jaad ahoo cagaaran
  25. Amaba caanteyn sunuud ah. 
     
  26. Waxaase i ciilay saaxib
  27. Caloolyowga waxaygu beeray
  28. Cajaa’ibka taagan maanta:
  29. Colaadda sokeeyoo faankaa
  30. Cashiiradan la isku bi’iyay
  31. Ceebtaan laga dhiidhineynin
  32. Cudurka waallidee dillaacee
  33. Bukaanka calaashigiisa
  34. Carunka maatida dhamaatiyo
  35. Cabidda dhiig ehel u roontay
  36. Cirbadda la yiraa halaaggu
  37. Haddana caafimaad la moodoo
  38. Soomaali ku ciribgo’eyso. 
     
  39. Waxaase i ciilay saaxib
  40. Caloolyowga waxaygu beeray
  41. Cajaa’ibka taagan maanta:
  42. Cayaar qabriyada dushooda
  43. Dharaartii lagu caweeyo
  44. Cirrooluhu ugu horreeyo
  45. Cuqaashii jiibineyso
  46. Culumadii daawaneyso
  47. Dumarka carraweeladooda
  48. Cuuggiyo midka labawajiilaa
  49. Fidnooluhu ay ka caanyiin
  50. Markii kuman curad la dooxoo
  51. Xinjiri goobta ay caseyso
  52. Ku naaxa calaacalkoodoy
  53. Cabaad ugu bilanto dheeshu
  54. Intii shaydaan careysan
  55. Cirfiid in la raalligeliyo.
  56. Waxaase i ciilay saaxib
  57. Caloolyowga waxaygu beeray
  58. Cajaa’ibka taagan maanta:
  59. Cosobkii laga dhaxlay awoowiyo
  60. Ciiddeennii udgoon aheydee
  61. Cirweyne na soo hujuumiyo
  62. Shisheeyuhu uu ka caagay
  63. Intaan kumi ceyrineynay
  64. Markaan daaficii cidleynay
  65. Hororkii ciddiyaha xumaayeen
  66. Dorraad ceyriinka siinnay
  67. Tigree inuu casir yimaado
  68. Inuu calankiisa ka taagto
  69. Keennana carraduu ku jiido
  70. Sidii calalkii u duubo
  71. Caasimaddeennii burburiyo
  72. Masaajiddii calaq ku qooshtoo
  73. Inaanu casuunnay sheegto. 
     
  74. Waxaase i ciilay saaxib
  75. Caloolyowga waxaygu beeray
  76. Cajaa’ibka taagan maanta:
  77. Markey xaajadu cakirantee
  78. Culaabta la qaadi waayo
  79. Iney Qarankooda caynshaan
  80. Kuwii loo soo carbiyayee
  81. Islaan cafash iibineysa
  82. Cariish shilin laga aruurshiyo
  83. Canshuurta ku soo barbaaray
  84. Cayilka iyagoo la liici
  85. Badina lulaneyso caashu
  86. Iney kibir camanka buuri
  87. La yaabi ciyaalka baahan
  88. Caatada haqaneysa oonka
  89. Cooshadahaa lagu qaxaayo
  90. Caa’iladoodiina ka faani
  91. Oo uu cindigoodu siiyay
  92. Iney caasinnimadu sharaftoy
  93. Aabbiyo hooyaba ka cararaan
  94. Ku dhuuntaan carro shisheeye
  95. Halkaa cawskiyo ku daaqaan
  96. Cashada hoostooda taalla
  97. Cambuulada lagu dagaayo
  98. Cantoobo la eedi doono. 
     
  99. Dadkaan caashaqay xumaantee
  100. Isagoo coodkiisu buuxo
  101. Sidii ruux ceyr ah tuugsan
  102. Dakaan cisi heli karaaya
  103. Cabiidnimadase ka doortay
  104. Dadkaan codsigiisu keenay
  105. Gumeysiga caawa jooga
  106. Inuu cayayaan dulleysto
  107. Midduu Cabdullaahi2 sheegay
  108. Carruuraha soo koraayiyo
  109. Hilibka ubadkee cajiiman
  110. Cuqubadii laga horjoogay
  111. Hadduu codcod sixina mooday
  112. Ciqaab xeeradii ka leefyoo
  113. Catowgiisaa u maragee
  114. Cabbaar haddii uu dhibtooday
  115. Cadaabkiina wada dhadhamiyay
  116. Cadradahaa lagu hor jiitiyo
  117. Raggiisa la ceejinaayo
  118. Rafaadku inuu caraadshuu
  119. Casharka ku baraarugaa iyo
  120. Inuu weli calawasaadoo
  121. Annagaa caadka sare u dhaafnoo
  122. Calaacasha timo ka keenniyo
  123. Caaqnimadii aan naqaannay
  124. Cideysi kas dhaafi waayo
  125. Cishooyinkaan aanu dhowrno. 
     
  126. Haddii cudud laysku geeyo
  127. Caqliga aan laga midoobin
  128. Cafisku waa  lama huraane
  129. Haddaan laabaha la culannoo
  130. Cuqdado aan laga koreyn iyo
  131. Cuncunku tafaraaruq keeno
  132. Kalsoonidu heddey cadhowdoo
  133. Caynaanka la wada haweystay
  134. Intuu ninba cirif u jiito
  135. Daneysigu gaaro caalwaa
  136. Run waa lagu ciilbaxaaye
  137. Haddaan cimrigeen rucleyno
  138. Amaan cakuyey la meerno
  139. Caaddifad aan qorshe laheyn iyo
  140. Carcarar guuli kuma timaado
  141. Cadaawana laguma jebiyo. 
     
  142. Halganku cahdi iyo iskaashi
  143. Cadliga oo lagu hoggaansho
  144. Calowga oo laga ilaalsho
  145. Halbeeg cabbiruu rabaaye
  146. Intuu caalluhu horboodo
  147. Markey himiladu cawaranto
  148. Mugdiga leysku wada ciriirshoo
  149. Cilaaqtanka lagu tartamayo
  150. Ayaan cudbigii ku doodin
  151. Inuu birahaba ka culusyay
  152. Rajada yaan caad la saarin
  153. Iyadoon cudurdaar la moogeyn
  154. Wixii cilladaa aan darisno
  155. Canaanta ha loo dulqaato
  156. Halkey caanuhu ka daateen
  157. Duleellada aan cufeyno
  158. Waanadu yay canaanyo keenin. 
     
  159. Cigaal intuu madaxa saarto
  160. Ninkii garka soo cillaansha
  161. Khaliijka cambuurradiisiyo
  162. Cimaamad guduudan qaatoo
  163. Kalmado carabiya yaqaanna
  164. Haddaan camalkiis tilmaamin
  165. Ka dhigin ceel loo arooriyo
  166. Cadceed wax iftiimineysoo
  167. Badbaadiya caamadiisa
  168. Richard Burton 3 -kii Cadmeed iyo
  169. Billuu Shiikh Cabdalla yahaye
  170. Curraafkii soo hagoogta
  171. Durbaba caalim yaan la moodin. 
     
  172. Casrigu qaar uu dawakhiyoo
  173. Fikrado lagu soo cabbeeyoo
  174. Maskaxdu cubantaan arkaaye
  175. Aqoontiisu key curyaantee
  176. Cunsuriyadi iney gar tahay iyo
  177. Caqiidooyin Jaan rumeysan
  178. Caadiyo dhaqankeennii diiddan
  179. Islaamkaba cay u haysta
  180. Cawrana aan dadan kareynin
  181. Asey tiisuba caddilantee
  182. Cadale googgaalihiisa
  183. Intaan cutub loo rigeynin
  184. Amaan la caleemosaarin
  185. La cuskan xuub caarocaaro
  186. Calaamad kalaa ku taalle
  187. Halkuu carcartaan ka keenay
  188. Cinwaankeeda aanu hubinno. 
     
  189. Cadaadis markii la saaray
  190. Qaarkoodna carbuun la siiyay
  191. Carabahaan weheshaneyiyo
  192. Afrikadaan caawineynay
  193. Hadduu caalamkii dhammaantii
  194. Garteenna ka caajisaayoo
  195. Dhibkeenna ku ciidi saaka
  196. Woyaane hadduu u ciidmin
  197. Cagoole gurguuranaayiyo
  198. Cutuushyada gowracooda
  199. Xasuuqa hadduu ku caawin
  200. Cadadka kumannaanka dhaafiyo
  201. Meydkey cagafcagaftu duugto
  202. Hadduu uba carrabdhabaayo.
  203.  
     
  204. Sidii cambihiyo babaayga
  205. Inaan cunto nahay la boobo
  206. Haddii loo wada codeeyay
  207. Golaha4 cilinkaa ku baaqay
  208. Cantaatac wax loo abuuray
  209. Inuu dulmanaha cabburiyo
  210. Awalba cucub buu ahaaye
  211. Isagu calafka ma go’aansho
  212. Wuxuuse calaanku sheegay
  213. Caaqibadiis iney dhamaatay
  214. Ciyaalsuuqina u taliso. 
     
  215. Laakiin sey la tahay cawaanta
  216. Annagu meel ciirsilaa iyo
  217. Cidliyo geerigo’an ma joogno
  218. Diinkaba  isagoo caddiinoon
  219. Laheyn qoloftaa cusleysay
  220. Markey haddii is ciyatay
  221. Intuu Cantallaay ka kow yey
  222. Cadkiisa u soo heshiiyeen
  223. Ciyoonna akhbaarti gaartoo
  224. Colkii kugu soo dhawaaye
  225. La yiri carar oo godkaa gal
  226. Isagoon baqdin cantatabeynin
  227. Caadilkii uu isku halleeyiyo
  228. Iimaankiisaa ka celiyee
  229. Cibaadada weynaheenna
  230. Caddaalad haddii aan badinno
  231. Haddaan midnimada ciseynoo
  232. La diido qabyaalad caabbud
  233. Warmaha tuman caaraddooda
  234. Haddaan caabbinta ku samirnoon
  235. Dhufeysyada jiif-cabbeyno
  236. Cawiyo maalinna dadaalno
  237. Quraanku siduu caddeeyay
  238. Allaha cirka roob ka keena
  239. Casiiskaa noo gargaariye
  240. Carshiga aan khayr ka filanno.  
     
  241. Carshiga aan khayr ka filanno
  242. Carshiga aan khayr ka filanno
  243. Carshiga aan khayr ka filanno. 

1.Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar, wuxuu bare sare ka yahay Jaamacadda Minnesota ee waddanka Mareykanka. Cabdi wuxuu kaalin hormuudnimo uga jiraa halganka loogu jiro sidii loo badbaadin lahaa  jiritaanka umadda Soomaaliyeed ee halista ku sugan.  

2. Abwaan C/laahi Suladaan ( Timacadde), A.H.N , sugaantiisa dhaxalgalka ah ee taariikhda gashay waxaa ka mid ahaa gabaygii; Dugsi ma leh qabyaaladi, waxay dumiso mooyaane. 

3. Richard Francis Burton (1821-1890), oo Soomaalida dhexdeeda uga caanbaxay Shiikh Cabdalla, wuxuu ahaa sahmiye weyn oo  ay dhalashadiisu Ingiriis aheyd. Intii u dhaxeysay 1842- 1853 wuxuu ka mid ahaa ciidamadii ay qoratay shirkaddii  British East India Company. Sanadkii 1853, sida la sheego waxaa u suurtogashay inuu booqdo magaalooyinka barakeysan ee Maka iyo Madiina, isagoo isku ekeysiinaya qof muslim ah oo soo xajinaya. Bishii May 1854, Richard waxaa loo badalay magaalada Cadan ee waddanka Yamen, si uu u soo basaaso dadka Soomaalida ah oo xillagaas ay gumeysteyaashu wax yar ka yaqiinneen. Richard Burton, isagoo iska dhigaya wadaad carbeed oo diinta Islaamka faafinaya ayuu howshiisii ka billaabay magaalada Saylac isagoo soo sahmiyay ilaa magaalada Harar oo xilligaas aheyd xaruntii ugu muhiimsaneyd ee Soomaalida. Bishii Abriil 1855, ka dib markii laga warhelay khiyaanadiisa ayay dagaalyahanno Soomaaliyeed agagaarka Berbera ku weerareen Burton iyo askar la socotay oo Ingiriis iyo Afrikaanba laheyd. Dagaalkaas oo ahaa mid aad u culus waxaa Richard Burton ka soo gaaray dhaawacyo culus, wuxuuna ku baxsaday doon ula carartay magaalada Cadan. 

  1. Golaha Qaramada Midoobay.
Inj. Maxamed Cali Cibaar
Soomaali60@yahoo.com 

Gabaygii Go'aan Qaran: http://www.somalitalk.com/2007/may/04may307.html
Muqdisho: http://www.somalitalk.com/2007/oct/24oct067.html

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 3, 2008

macalinGuddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Kenya, Faarax macallin, oo waraysi siiyey Idaacadda Australia ee SBS halkan ka dhegeyso ama halkan (mp3)

Dagaal ka Dhacay Balli-Doogle
Kulan ka dhacay Gobolka shabeelaadda Hoose
iyo Olole nadaafadeed oo ka soconaya isbitaalka hooyada iyo dhalaanka degamad guriceel ee goblka Galgaduud
Akhri Jan 25

sakariyeZakariye Xaaji: Nuur Cadde Waa Nin Odey ah Waxase uu Saaran yahay Gaarigii Dalka Lagu Qabsaday (Waraysi)... Akhri...

oilShirkadihii Shiidaalka oo Maalgelin toos ah ku samaynaya Cabudhinta Shacabka Puntland.
Warbixinta ka akhri halkan...

norwayMu'tamaradii Norway-Sweden oo khayr kudhamaaday.. mu’tamarkii “Horumarinta Samafalka iyo Iskaashiga”... Sawiradii mutamarka...

ukBannaanbax looga soo horjeedey Xasuuqa iyo Joogitaanka Itoobiya
London: Mudaharaadkan oo noqday kii ugu weynaa ay isugu yimaadaan Jaaliyada Geeska Africa.. Akhris/sawirro...

Sawiro: Bannaanbaxii ugu weynaa oo ka dhacay London, UK Jan 16, 2008


BAARID | SEARCH


MAQAALADDII 2000-2001: Shakiib | Barkhadle | C++ | Java | Saahid | SomQurbaha | SRG | BCCP | SPR | Dr.Osman | Aamusanaha | Ingiriis | Duggaal | SASA | SouthAfrica | DeepThought | Leyla | Caddaawe | PMA | Africa | GreetingCards | Soyan | Moallim | SomCanada | MSSU | Shiike | Haile | SHASNA | M.Abdirashid | Xariri | Xal | Xawar | Halable | amiir | PL | SSB | Fahad | Maanso | Deeq | kancaan | PuntWatch | Gaashaan | Filasoofi | Sacmaal | Caddaani | Cambaro | Xaamud | Abhali | Xaashi | ICUPS | SSL | ISRAACA | UmuurahaIslaamka | ShibilDimoqrasi | Saahid | MoreInside


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com